Wednesday, April 24, 2013

Maamulka Galmudug Jawaabay Adag ka Bixiay Eedayn ay Puntland u soo Jeedisay


Axmed Maxamed Cumar Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Mudug/GalMudug

Gaalkacyo - Maamulka Galmudug ayaa maantay ka hadlay eed shalay kasoo yeertay maamulka Puntland, war saxaafadeed kaas oo ku aadanaa xiisada amni daro ee maalmahan ka jirtay magaaladda Gaalkacyo.

Maamulka Galmudug ayaa waxay sheegeen war saxaafadeedkii shalay kasoo baxay maamul goboleedka Puntland inuu ahaa mid ka baxsan xaqiiqda ka jirta amniga magaaladda Gaakacyo.

Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Mudug ee dhanka ay ka taliso Galmudug Axmed Maxamed Cumar oo la hadlay saxaafadd ayaa sheegay in warka ka soo yeeray maamulka Puntland uu ahaa mid iska indha tiraya xaqiiqda amni ee kajirta magaaladda Gaalkacyo, waxuu sheegay amaanka magaaladda Gaalkacyo inay Puntland ka hurinayso colaad, isaga oo sheegay in dhowaan ay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ay ku dileen Nin Ganacsade ahaa oo magaaladda aad looga yaqaanay balse waxuu sheegay nasiib daro maamulka Puntland in ninkaas ay  ku sheegeen inuu ahaa Burcad badeed warkaas oo ah buu yir mid xaqiiqda ka fog, isla mar ahaan taasna keeni kara colaado hor leh.

Gudoomiye xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in xaaladda colaaadeed ee hadda kajirta Gaalkacyo ay sabab u tahay maamulka Puntland, waxuu sheegay inay rabaan inay iska hor keenan dadka walaalaha ah ee Mudug wada degan, waxuu masuulkani hadalka ku daray in ay la socdaan khalkhalka siyaasadeed ee haatan soo food saaray maamulka ka taliya Puntland, isaga oo sheegay meeshii ay ka xalin lahaayeen khalkhkaasi siyaasadeed inay Puntland dadka Mudug wada degan ay rabaan inay iska hor keenaan.

Axmed Maxamed Cali ayaa sidoo kale mar la waydiiyey inay madaafiic ku rideen diyaarad rakaab siday taas oo ku soo degaysay Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo,  ayaa tibaaxay in warkaasi aanu sal iyo raad toona lahayn Puntland ay rabto inay beesha caalamka u sheegto in Galmudug in ay khalkhal amni daro ay ka wado magaaladda Gaalkacyo.

Dhanka kale, waxuu difaacay dad loo haysto afduub oo uu sheegay in dhanka Galmudug lagu haysto, wuxuu xusay in dadkaas loo haysto dad horay loogu afduubtay dhanka Puntland, waxuuna xusay in dadka ehelkooda la afduubtay ay xaq u leeyihiin inay ku falcelin karaan in ay wax afduubantaan.

Ugu damayntii waxuu sheegay in Galmudug ayaa kula talinayso maamulka Puntland inay joojiyaan colaada ay ka dhex holcinayaan dadka walaalaha ah ee wada degan Mudug.

Hadlkaan Galmudug ayaa ku soo aadaya xili shalay war saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland lagu sheegay in Galmudug ay khalkhal amni daro ka abuurtay magaaladda Gaalkacyo, Puntland ayaa shalay eedaas waxay ku sheegtay war saxaafadeed ay ka soo saartay magaaladda Garowe.

No comments: