Wednesday, April 24, 2013

KHILAAF XOOGAN OO KA DHEX QARXAY Xarakada Al Islaax SOOMAALIYA


Xarakada Al Islaax Beenisay ku sheegay inaysan wax Urur kale ah aysan la Midoobin
Dr. Ali Bashe Omar Gud. Al Islaax Somalia.
War-Saxafadeed ay Xarakada Al-Islaax ee Soomaaliya ay soo saartay ayay ku sheegtay inaysan jirin wax Urur ah oo ay la Midoobeen, iyagoo war arrintan ku saabsan oo maalmo ka hor kasoo baxay Muqdisho ku tilmaamay mid been abuur ah.

Guddoomiyaha Ururka Al-Islaax Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye oo warkan ku saxiixnaa ayaa ku eedeeyay in wararkaas uu ka dambeeyo Sheekh Sheekh Maxamed Axmed Garyare oo ka mid ah Aasasayaashii Xarakadan, balse aan hadda wax xil ah aan ka hayn, Haddaba War-Saxaafadeedkaas halkaan ka Akhriso

Sheekh Maxamed Axmed Garyare oo kamid ah aasaa sayaashii Ururka Al Islaax ayaa difaacay Midow ay la galeen Ururka Damjadiid
Sheekh Maxamed Garyare oo ka mid ah aas-aasayaashii Al-Islaax
Kadib markii shalay uu soo saaray warsaxaafadeed Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye oo ah Guddoomiyaha Ururka Al Islaax kaasi oo ku beeninayay in Ururka Al Islaax uu la midoobay Damjadiid ayaa isla maantana waxaa dhankiisa warsaxaafadeed soo saaray Sheekh Maxamed Garyare oo ka mid ah aas-aasayaashii Al-Islaax ku cadeeyay in aanu shaki ku jirin Midowga Al-Islaax Iyo Damjadiid.

Sheekh Garyare ayaa sheegay in qoraalka kasoo baxay Sheekh Cali Baashi Rooraaye uu yahay mid aanan waxba ka jirin Ururkana uu u dhan yahay Midowga labadda urur ee Al Islaax iyo Damjadiid.

Sheekh Garyare oo wax laga weydiyay eedeeyn uu Dr Cali Baashi uu u soo jeediyay ee ah in uu burburinayo Ururka Al Islaax ayaa wuxuu sheegay inuusan wadin burburka Ururka Al Islaax isaga oo ku sifeeyay in marka horeba dhismaha Ururkaan uu isaga ka dambeeyay.

Dhawaan ayaa xaflad weeyn oo ka dhacday Magaalada Muqdisho uu Sheikh Garyare oo ah aas-aasayaashii Ururka Al Islaax wuxuu ka sheegay inay la midoobeen Ururka Damjadiid,iyadoo hada ay soo baxeyso khilaafaad soo kala dhexgalay Ururka Al Islaax dhaxdiissa

No comments: