Friday, April 12, 2013

Kumanaan ka mid ah Qurbajooga Somaliland oo maanta mudaharad ku gilgilay Xarunta Midawga Yurub ee Brussels

Baanaan-baxani waa mid u quus goynaya dadka wali aaminsan midnimadii burburtay ee Jamhuuriyadii Somaliya.

Brussels:- Banaabax balaadhan oo ay iskugu yimaadeen dhamaan jaaliyadaha dibada eek u kala dhaqan wadamada µYurub ayaa ka dhacay xarunta Europeanka ee Brussels eedalka Belgium, iskusoo baxan oo ay soo qaban qaabiyeen uruka SSE iyo jaaliyadaha dibada eek u dhaqan wadamada yurub.


Banaanbaxan maanta ka dhacay galiinkii danbe oo ay iskugu yimaadeen kumanaan reer Somaliand ah ayaa luxayay calanka tawxiidku ku xardhan yahay iyagoo ku dhawaaqayay kalmado kula duwan oo ay ku taageerayeen gooni -isugaa Somaliland ,waxaanay in badan oo ka mid ah dadka mudaharaadayay ku labisnaayeen calanka Somaliland, halka kuwo kalena jeeni qaarnaayeen calanka quruxda badan ee Somaliland astaanta u ah.


Baanaan-baxayasha maanta isku soo baxay Brussels ayaa ka koobnaa Caruur, dhalinyar iyo waayel noockasta oo ay bulshadu ka kooban tahay oo kala yimid magaalooyin kala duwan oo kuyaala qaarada Yurub iyagoo qaar soo raaceen baabuur qaar kalena diyaarado ku yimid. 


Banaanbaxan oo ka dhacay xarunta EEcda ayaa noqonaya kii ugu horeeyay banaanbax baaxadaasi leh isla markaana lagu taageerayay qadiyada Somaliland ee ka dhaca xarunta EECea ee Brussels ee dalka Belgium, waxaanay dadka reer Somaliland ee ka kala yimid wadamada Belgium, France ,Holand Germany , Finland ,Sweden , Uk iyo wadamo kale oo ka tirsan qaarada Yurub.


Dadwaynha reer Somaliland ee maanta ka mudaharaadka dhigayay ayaa wajigooda ka muuqatay farxad iyo qushuuc iyagoo boqolaal Kilomatar ku yimid halkaasi ay ku banaanbaxayeen si ay madaxda reer Yurub ugu muujiyaan sida ay u taageersan yihiin qadiyada Somaliland oo ay ku tilmaamayeen mid aan laga noqonayn dadkuna go,aan ka gaadheen arintaasi. 



Banaanbaxyada dibada ka dhacay ee lagu taagerayo qadiyada Somaliland ayaa sanadba sanadka ka dhanbeeya sii badanaya waxaana jiilalaka cusub ee ku dhaqan wadamadan yurub ay u heelan yihiin sidii ay markasta u taageeri lahaayeen qadiyada Somaliland oo aan marna gorgortan gali, Karin.




No comments: