Friday, April 12, 2013

G8 oo ku baaqday taageerada Soomaaliya

Wasiirada arrimaha dibedda ee G8 waxa ay soo dhaweeyeen horumarka weyn ee laga gaaray Soomaaliya 18 bilood ee u dambeeyay xagga ammaanka siyaasadda iyo xaaladda bini'aadanimo sida lagu sheegay war murtiyeed la soo saaray kadib markii shirku dhammaaday. 
Wasiirada arrimaha dibedda ee G8
Waxaa lagu aqoonsaday taageerada ay bixiyeen hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, dalalka ciidanka geeyay, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo deeq bixiyeyaasha.

Wasiiradda G8 waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida in la sii wado taageerada caalamiga ah ee hore ee la siinayo dowladda cusub ee Soomaaliya.

Waxa ay xuseen in shirka labaad ee Soomaaliya ee lagu qaban doono London bisha May, oo ay wax ka shir guddoomin doonto dowladda Soomaaliya ay ujeedadiisu u noqon lahayd in la taageero qorshooyinka ay Soomaalidu hoggaaminayaan ee dib loogu dhisayo ciidankii ammaanka, garsoorka, iyo hey'addaha dhaqaalaha.

Wasiiradu waxaa kale oo ay isku raaceen in in la siiyo taageero siyaasadeed oo heer sare ah hanaanka la doonayo in mar kale dib loogu xiro Soomaaliya Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Sanduuqa Lacagta ee IMF, iyada oo xisaabta lagu darsanayo siyaasadaha iyo nidaamka hey'adaha xagga dhaqaalaha ee caalamiga marka ay timaaddo dalalka ku jiraa xaaladaha nugul, oo ay ku jirto arrinta ammaanka in la eego.

Waxaa kale oo la isla gartay in al-Shabaab iyo dagaalyahaniinta shisheeye ee Soomaaliya ku sugan ay khatar weyn oo xagga argagaxisada ah ay ku hayaan danaha Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiirada arrimaha dibedda ee G8 waxa ay ku nuuxnuuxsadeen ahmiyadda in la sii wado taageero caalami ah oo isku xiran oo lagu horumarinayo nidaamka sharciga Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK oo soo dhaweynaya dhiggiisa dalka Mareykanka
Waxaa kale oo ay ku celiyeen muhiimadda qorsher xal siyaasadeed oo cad in Soomaaliya la helo oo ay ku jirto in la kala cadeeyo xiriirka maamuada dhexe iyo kuwa gobolada, taasi oo micnaheedu yahay in la yareeyo inay helaan meel ay ku dagaallamaan kuwa u ololeeya dagaalka iyo argagaxisada.

No comments: