Wednesday, April 24, 2013

Dowladda Yeman iyo Guddiga QM ee Cunaqbataynta Hubka ee Somalia oo Kulan Khaas yeeshay.


Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Yeman, Abu Bakar Al-qirbi iyo Wafdi ka socda Guddiga QM ee La-socodka Xayiraadda Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa kulan khaas ah ku yeeshay caasimadda dalkaasi ee Sanca.

Labada dhinac ayaa waxay kulankooda iskula eegeen sidii loola socon lahaa Hawlaha Kormeerka iyo dalalka ku xadgudba Xayiraadaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Yeman, waxa uu tilmaamay inaysan Dowladiisa marnaba doonaynin in lagu xadgudbo Xayiraadaasi, si Dowladda Somalia uga badbaado dhibaato kaga timaad hubka ku qulqulayo.

“Dowladda Yeman waxay iskaashi ka samaynaysaa sidii looga hortegi lahaa hubka loo tahriibiyo Somalia” ayuu yir Wasiirka, oo hoosta ka xariiqay in Danta Yeman ku jirto Deganaanshaha Geeska Afrika.

Khubarradda ka socotay QM waxay soo dhaweeyeen hadalka Dowladda Yeman ioyo inay labada dhinac iska kaashadaan Ka-hortegidda shixnadaha hubka ee loo tahriibiyo gudaha dalka Somalia.

No comments: