Tuesday, March 5, 2013

Qaraxaan Khasaaraha badan geystay ayaa ka dhacay guri daganaayeen masuuliyiin iyo askar badan badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab


Qaraxaan Khasaaraha badan geystay ayaa ka dhacay guri ku yaala magaalada Buula barde ee gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya kaasi oo ay daganaayeen masuuliyiin iyo askar badan badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.


Wararka ka imaanaya magaaladaasi ayaa sheegaay in mar qura la maqlay qarax aad u xoogan oo gil gilay guud ahaan magaalada Buula barde iyagoona dadka si aad ah ula yaabay qaraxaan xooga badan iyo halka uu ka dhacay.

Hayee shee daqiiqado kadib waxaa dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen in guri ku yaala magaalada Buula barde ee gobolka Hiiraan ayna dagan yihiin mas uuliyiin iyo askar ka tirsan Xarakada Al Shabaab uu ka dhacay qarax xoogan isla markaana ay ku geeriyooden ilaa iyo 40 qof oo Al Shabaab ka tirsan.

Qaraxaan ka dhacay magaalada Buula barde waxaa ka hadlay Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya Max?ud Nuur Cagajoof kaasi oo sheegay in uu xaqiijinayo geerida 40 qof oo ka tirsan kooxda Al Shabaab kadib markii uu la qarxay miino ay ku hayeen guri ay daganaayeen oo ku yaala magaalada Buula Barde.

Si kastaba ha ahaatee ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan qarax la sheegay in ay kaga geeriyoodeen 40 qof oo ka tirsan askar iyo mas uuliyiin Al Shabaab ah.

source: Hadhwanaagnews/Office Muqdisho

No comments: