Monday, January 28, 2013

Weftigii Xukuumadda ee Saylac oo Maanta ku Dhawaaqaya Go’aan lagu soo Afjarayo Khilaafka Maayarnimo ee ilaa Jabuuti la galay

Maayirkii dhawaan Golaha deegaanka Saylac Doortay oo laga wareejiyay shaambadihii xafiiska iyo Beesha Ciise oo Maayirka la siin doono


Wasiiradii Xukuumadda Somaliland u dirtay Xalinta Muranka Maayirka iyo Maayir ku-xigeenka Degmada Saylac ee xalinta arintaaina ilaa Jabuuti u tegay oo shalay dib ugu soo laabtay degmada Saylac, ayaa la filayaa inay maanta soo saaraan go’aan kama dambeys ah oo arintaasi lagu soo afjarayo, kaasoo sida la sheegay ay kaga dhawaaqi doonaan Magaalada Saylac.

Go’aankan oo aan war sugan laga hayn halka uu dhigi doono Khilaafka lagu raftay ee halkaasi ka oognaa tan iyo markii lagu dhawaaqay Natiijadii Doorashada, ayaa ka dambeeyay wada xaajood Magaalada Jbauuti ku dhex maray Wasiiradda Somaliland iyo Ergooyin Beesha Ciise ka socda oo isaga kala yimi Wadamada Itoobiya, Somaliland iyo dalka Jabuuti, oo socday mudo afar maalmood ah.

Ma jiro War rasmiya oo ka soo baxay natiijada kulamadi Jabuuti ka dhacay, hase ahaatee warar xogogaal ah oo Wargeyska Waaheen ka helay ayaa sheegaya inay labada dhinac ee Xukuumadda iyo Ergada Beesha Ciise isfaham kala soo laabteen dalka Jabuuti, kaasoo ah ka maanta lagu dhawaaqi doono.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in la filayo in Maayirka Degmada SAYLAC oo ahaa xudunta Khilaafka  la siin doono Beesha Ciise ee degta Gobolka Selel, isla markaana beesha kale ee ay isku haystaan saami ku filan oo ay ku qancaan laga siin doono Maamulka degmada iyo ka Gobolka.

Afar maalmood ka hor intii aanay Weftiga Xukuumadda Somaliland iyo Ergada Ciise ee saylac ka tagtay oo ka kooban Siyaasiyiin iyo cuqaal ka amba bixin Magaalada SAYLAC, waxa  guud ahaan qalabkii Xafiiska Maayirka Saylac lagu wareejiyay Xoghayaha Fulinta dawlada ee degmadaasi, iyadoo agabkaasi laga wareejiyay Maayirka cusub ee dhawaan la doortay.

Arintan ayaa ka mid ah waxyaabaha sii xoojinaya dareenka ah in Maayirka Saylac sababta kasta haku timaadee la siin doono Beesha Ciise, iyadoo ay jiraan arimo kale oo iyaguna sii kordhinaya tuhunka la xidhiidha arintaasi.

Cuqaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Ciise ee Saylac intii lagu gudo jiray kulamadii dalka Jabuuti ka dhacay maalmihii la soo dhaafay waxay balan qaadeen inay dhawrayaan sharciyada iyo qawaaniinta Somaliland iyo amaanka Gobolka dhankooda, balse waxay taasi bar-bar dhigayaan sida la soo wariyay inaanay marna ka hadhayn rabitaankooda muranku ku jiray.

Si kastaba ha u dhacdee waxa maanta la wada sugayaa go’aanka Xukuumada Somaliand iyo Ergooyinka Jabuuti kula kulmay ay ka soo saari doonaan Khilaafkii mudada aloosnaa ee ka taagnaa Maamulka degmada saylac, kaasoo hada ka hor waxyaabaha ay xukuuamdda Somaliland ugu dhiiran wayday ay ka mid ahayd dhinaca Beesha Awdal oo meel adag ka taagan Maayirnimada Saylac.

Short URL: http://waaheen.com/?p=58263

No comments: