Wariyaha Gobolka Togdheer ee Waaheen ayaa sheegay in goor dhaweyd ay
Ciidamadda Booliska Magalada Burco ay Toogteen gaadhi siday khamri
isla markana waxay ku toogteen mid ka mid aha kooxadii wadatay.Wariyuhu
wuxu intaasi ku darayaa in ay boolisku qabteen gaadhiga iyo kooxdii
wasatay.
Ma ah markii ugu horeysay ee Ciidamada Gobolka Togdheer ay soo
qabqabtan dad si sharcidarro ah Maandooriyaha ku soo galinaya
Somaliland.
Iyada oo Bilihii ugu danbeysay ay hawlagalo ciidamada Somaliland ku
qaadeen dadka sida sharcidarada uga ganacsada Maandooriyaha ee Dalka soo
galiya, iyada oo dhawaana Ciidamada Booliska ee Burco iyo hargeysa
Gubeen Khamri badan oo ay soo qabteen.
No comments:
Post a Comment