Saturday, December 8, 2012

Rabshadihii Ugu Xumaa Taariikhda Dimuqraadiyadda Oo Istaagay Iyo Booliska Oo Ka Hadlay Khasaarihii Ka Dhashay

“Mar Walba ciidanka waanu kala hadalnaa oo waxaanu nidhaahnaa ilaaliya rasaasta, laakiin waa Qadar Alle” Cabdilaahi Fadal Iimaan.
 
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland General Fadal
Hargeysa (Waaheen) – Rabshado habeen hore fiidkii ka bilaabmay degmadda Axmed Dhagax ee Magaaladda Hargeysa isla-markaana ku xidhiidhsanaa natiijadda ka soo baxday codadkii laga dhiibtay doorashaddii degmooyinka Caasimadda oo sii socday ilaa galinkii hore ee shalay ayaa is-taagay ka dib markii ciidamadda booliska ee rabashadahaasi ka hortagayey ay toogasho ku dileen hal qof isla-markaana ay laba kale dhaawaceen.

Rabashadahan oo ay samaynayeen dhalinyaro taageersan urur siyaasadeedka Xaqsoor oo aan ku qancin natiijadda codadkii ay ka heleen Hargeysa oo ay sheegeen in la musuqmaasuqay, ayaa waxa inta la ogyahay ku geeriyooday laba qof oo dhalinyaro ah, waxaana  dhaawacyo ka soo gaadheen ilaa 7 ruux.

Hogaanka urur siyaasadeedka Xaqsoor oo kaashanaya Madax-dhaqameedka gobolka Hawd iyo culimadda dalka, ayaa si weyn uga hawl-galay sidii dhalinyaraddu u joojin lahaayeen rabashaddaha oo ahaa kuwo dhibaaato amaan daro u horseedi gaadhay Magaaladda Hargeysa, waxayna subaxdii shalay dhalinyarada

Mudaharaadka dhigayey isugu yeedhen garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Istaadiyam, halkaasi oo ay kala hadleen isla-markaana u soo jeediyeen inay joojiyaan rabshadaha si xaqdarada ay tirsanayaan xalkeeda loo doono, inkasta oo markii kulankaasi waanada ahaa markii u dhamaaday ay dib u bilaabeen rabashadihii, taasi oo keentay in boolisku toogto saddex qof oo mid ka mid ahi geeriyoodo.

Rabashadahan oo noqonaya kuwii ugu xumaa ee ka dhaca dalka, intii Somaliland ku dhaqmaysay nidaamka dimuqraadiga ah, ayaa duhurkii istaagay, iyadda oo ilaa hadda cisbitaaladda Magaaladda Hargeysa lagu daweynayo dadkii dhaawacyadu ka soo gaadheen rasaasta booliska.

Taliyaha booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo shalay ka hadlay rabashadahan, ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatadda dhacday iyo dadka ku waxyeeloobay.

Taliye Fadal, waxa uu Tacsi u diray dadka dhintay, isagoo sidoo kalena caafimaad u rajeeyay kuwo dhaawacmay “Shalay (doraad) waxa lagu dhawaaqay natiijaddii doorashadda ee Hargeysa, taas oo aan qancin ururka Xaqsoor, markaa dad dhalinyaro ah oo arintaasi ka gadoodsan ayaa sameeyay rabash waxayna iska hor yimaadeen ciidamadda booliska, waxaana ku dhaawacmay lix qof, waxaana ku dhintay hal qof”

Taliye Fadal waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatadda ku dhacday dadka rabashadaha khasaaruhu ka soo gaadhay “Aad iyo aad uga xunahay, kuwa dhintayna waanu tacsiyadeynaynaa, kuwa dhaawacnmayna waxaanu ILAAHAY uga baryeynaa caafimaad”ayuu yidh waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya waxa mar walba ciidamadda boolisku dadka rasaasta nool ugu isticmaalaan “Mar Walba ciidanka waanu kala hadalnaa oo waxaanu nidhaahnaa ilaaliya rasaasta, laakiin waa Qadar Alle”

Hogaanka urur siyaasadeedka Xaqsoor, Salaadiinta, culimadda iyo waxgaradka gobolka Hawd ayaa ku mashquulsan sidii aanay rabshadahaasi aanay mar labaad u dhaceen si looga badbaado khasaare kale oo yimaada, inkasta oo aan la ogeyn in Masuuliyiinta Xaqsoor laga qanciyey tabashada ay qabbaan ee dhibaatadani ka dhacday, inkasta oo xukuumaddu sheegtay inay arinkan ku dhamanaynayaan si nabadgalyo ah.

Dhanka kale, xukuumadda ayaa shalay galinkii dambe ciidamo faro badan oo Milatari u badan dhigtay inta badan jidadka xaafadaha degmadda Axmed Dhagax ka kooban tahay, iyadda oo gaadiidka galaya ama ka soo baxaya xaafadahaasi ay ciidamaddu aad u baadhayeen si ay u hubiyaan in dadku mar kale rabashadu isku diyaarinayaan rabashado kale oo dheeraad ah.

Short URL: http://waaheen.com/?p=55025

No comments: