WARBIXIN
SANNADEEDKA 2012
XAALADA XUQUUQDA
AADAMAHA SOMALILAND
Waxa soo Saaray:
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (Horn
Watch)
31st December 2012
Hargeisa, Somaliland
TUSAMADA WARBIXINTA
_____________________________________________________BOGGA
HORDHAC........................................................................................ 1
-
Qaabka
Xogaha Warbixinta loo Ururiyay......................................... 2
CUTUBKA 1AAD.................................................................................. 3
XADHIGA SHARCI
DARADA AH & JID-DILKA HAY’ADAHA SHARCI FULINTA SOMALILAND U GAYSTAAN
MUWAADINIINTA IYO AJAANIBKA KU SUGAN SOMALILAND................................................................................... 6
CUTUBKA 2AAD
–Dilka sharci darada ah ee Hay’adaha Sharcifulinta Somaliland u gaystaan
rayidka............................................................................ 11
CUTUBKA 3AAD – Gaboodfalada Xuquuqda Xuquuqda
Qaxootiga iyo Magangalyodoonka......................................................................... 12
CUTUBKA 4AAD
–XADGUDUBYADA XORIYADA RA’YI DHIIBASHADA & WARBAAHINTA .............................................................................. 13
-
Shacbiga Somaliland Ma haystaan qaab ay cabashadooda ugu
gudbiyaan Madaxdii dalka ee ay doorteen
CUTUBKA 5AAD
MUSUQMAASUQA XUKUUMADA SOMALILAND............. 16
-
Falalka
Musuqmaasuq ee Xukuumada Siilaanyo oo maraya heer laga werwero 16
-
Fadeexadaha
Maamulxumo iyo Musuq ee ka dhacay Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo daboolka
ka rogay Xubno ka mid ah Qoyska Madawxwayne Siilaanyo oo ku lug leh musuq
baaxad wayn............................................... 18
-
Fashilaada Doorashadii Golayaasha Deegaanka
Somaliland waxa kow ka ah Musuqmaasuqa ...................................................................... 22
CUTUBKA 6AAD TACADIYADA
AY LA NOOL YIHIIN BEELAHA LA TAKOORO SOMALILAND WAA KUWO ARGAGAX LEH OO AANU
AADAMIGU KU NOOLAAN KARIN
-
Guurka
oo ah munaasibad farxadeed oo qoysasku is maamuus ka helaan Marmar Gabooyaha
Somaliland wuxuu ku noqdaa masiibo burburisa nabadgalyadoo, noloshooda dhaqan
dhaqaale iyo wax kastoo kale oo ay deegaankooda ku haysteen-Casharada laga
baran karo Boorama
CUTUBKA 7AAD DARAASAD HORDHACA AH: Xadgudubyo Xaasaasi ah oo aan Cidina ka hadli
karin iyo Doorka ay Xukuumadu ku leedahay
HORDHAC
Jamhuuriyada Somaliland waxa ay culayska
saartay sidii xuquuqda aadamigu bud-dhig ugu noqon lahayd dibudhiska dalka.
Waxana taasi daliil u ah Dastuurka dalka, cutubkiisa 2aad waxa uu si cad u
jidaynayaa ilaalinta iyo hirgalinta xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee
muwaadiniinta, kuwaasi oo waafaqsan qaanuunka xuquuqda aadamiga ee heer caalami
iyo mid qaaradeed labadaba. Inkastoo ku dhawaad 20 sano qaab-dhismeedkii iyo
hay’adahii heer qaran ee masuulka ka
ahaa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadamigu ay wali dib u dhacsan yihiin
oo ay ragaadiyeen maamul xumo, musuqmaasuq iyo khibrad yaraan, kuwaasi oo aan
lahayn awoodii iyo xirfadihii lagu joojin lahaa xadgudbuyada xuquuqda aadamiga
amase lagaga hortagi lahaa dhicitaankoodaba.
Dib u curashadii Jamhuuriyada Somaliland
bilowgii sagaashanaadka Somaliland waxay ku guulaysatay abuuritaanka haykal
dawladeed oo cusub, waxay soo dabaashay nidaamkii iyo kala dambayntii waxay
dhistay hay’adihii dawladaha hoose iyo tan dhexe, waxa dalka dib uga bilowday
nidaamkii cashuuraha, waxa dib loo furay dugsiyaddii waxbarashada oo ay gacanta
ku hayso wasaarada waxbarashadu dedaalkaasi oo dhan muu suurto galeen in la
gaadho hadii aanay Somaliland adeegsan nidaamka hidaha iyo dhaqanka ee
furdaaminta shaqaaqooyinka. Hogaamiye dhaqameedka ama guurtida dalka ayaa fure
u noqday ku soo dabaalida dalka Somaliland degenaashiiye siyaasadeed.
Tan iyo 2001 dalka waxa ka dhacay
doorashooyin kala duwan: aftidii Dastuurka Somaliand ee 2001, doorashadii
Golayaasha Deegaanka 2002, 2 doorasho Madaxtooyo oo kala qabsoomay 2003 iyo
2010 iyo Doorashadii Aqalka Hoose Baarlamaanka Somaliland 2005. Doorashadii
labaad ee Golayaasha Deegaanka ayaa Somaliland ka qabsoontay 28 Nov. 2012
iyadoo ilaa hada aan si rasmi ah loo shaacin natiijooyinkii rasmiga ahaa ee
doorashada. Marka laga reebo doorashadan u dambaysay dhamaan doorashooyinka
Somaliland ka dhacay tan iyo sanadkii 2001 waxay ku dhamaadeen si nabadgalyo
ah, iyadoo dhinacayadii ku loolamayayna ay wada aqbaleen natiijooyinkii ka soo
baxay balse, doorashadan ugu dambaysay ayaa ka duwan kuwaasi hore, iyadoo
difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland bilowgii ololaha doorashada
golayaasha deegaanku bilaabantay muujiyay walaaca ay ka qabaan in Somaliland ay
ka dhici karto sidii hore looga bartay doorasho xor ah oo xalaal ahi iyagoo
hoosta ka xariiqay in aanay dalka xukuumada Madaxwayne Siilaanyo u diyaarin
saaxad ay ka dhici karto doorasho xor ah oo xalaal ah marka loo dhaboglao
xadgudubyada Xukuumada Somaliland caadaysatay oo ay ka mid yihiin:
1-
Xadhiga
Sharci-darada ah iyo Jid-dil ay hay’adaha amaanka qaranku u gaystaan shacbiga iyo ajaanibka ku sugan
dalka;
2-
Xabsiyada
dalka oo maxaabista ku xidhani ay duruuf argagax leh ku nool yihiin;
3-
Heerka
gaboodfalada warbaahinta madaxabanaan ay xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ku
haysa oo maraya heerkii ugu sareeayay abid
4-
Musuqmaasuq
baaxad weyn oo ay si toos ah ugu lug leeyihiin xubno ka tirsan qoyska
Madaxwaynuhu iyo madaxda sarsare ee xukuumadda oo ku baahay hay’adaha qaranka
5-
Tacadiyada
tirtiray gabi ahaan xuquuqihii Beelaha la Takooro ee Somaliland heerka ay
marayaan
CUTUBKA
1AAD
TILMAAMAHA
GUUD EE SOMALILAND
I.
Tilmaanta Guud
Dalka
Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed dhan 137,600km² (68,000 sq.
miles oo dhaca ama ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30' Waqooyiga
Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45' ilaa 490 Bariga. Jamhuuriyadda
Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari
Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah
ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti. Tirada guud ee
dadka dalka Somaliland inkastoo aanu jirin tiro koob rasmi ahi hadana wasaarada
Qorshaynta Qaranka Somaliland buug la yidhaa Country Profile - Republic
of Somaliland oo ay soo saartay 2002, tirada dadka Somaliland waxay ku
sheegtay 3.5 million1).
Dhinaca kale waxa lagu qiyaasay tirada dadka Somaliland laba ilaa seddex milyan
oo ruux, gaar ahaan waxa runta ugu dhow qiyaasta ah in ay tahay labo milyan oo
ruux tirada dadka Somaliland2).
Dadka
Somaliland waa dad isku af iyo isir ah, 100% waa islaam Mahdabta Shaaficiya
dariiqada Qaadiriya ku dhaqma marka laga reebo tiro aad u yar oo ku dhaqanta
dariiqada Saalixiya oo iyaduna ka mid ah Mahdabta Shaaficiya. Luqada rasimiga
ah ee dalku waa afsoomaali, Carabi iyo Ingiriisi, dugsiyada hoose dhexena waxa
waxbarashada lagu bixiyaa luqada afka soomaliga, halka waxbarashada sare lagu
gudbiyo luqada ingiriisiga.
Caasimada
dalka Somaliland waa Hargeisa, magaalada ugu balaadhan uguna tirada dadka badan
guud ahaan dalka Somaliland. Sidoo kale waa xarunta ganacsiga Somaliland,
dhamaan xafiisyada maamulka dawladu waxay ku yaalaan caasimada dalka ee
Hargeisa. Magaalada Berbera ee dekeda ah ayaa iyaduna ah halbawlaha ganacsiga
Somaliland dhoofin iyo soo dajinta labadaba marin u ah, magaalo madaxyada
gobolada dalka Somaliland oo kala ah Burao, Boorama, Ceerigabo iyo Laas-caanood
ayaa ah tirada dadka ku nooli ay badan tahay waxana ka socda dhaqdhaqaaqyo ganacsi
oo aan yarayn.
Baanka
adduunku wuxuu celceliska cimriga-nolosha raga ku sheegaa 50 sanadood,
dumarkana 55 sanadood3).
CUTUBKA 2AAD
– XADHIGA SHARCI DARADA AH & JID-DILKA........... 6
Dastuurka Somaliland muxuu ka qabaa Xidhiga Sharcidarada ah iyo Jidh-dilka?
Qodobka 24
ee Dastuurka Somaliland, oo la xidhiidha “Xaqa Nolosha, Nabadgalyada qofka,
Danuubta lidka ku ah Xuquuqda Aadamiga” ayaa u dhigaya sida tan:
1. Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq
leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu
ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2. Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka
iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa
iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
4. Dambiyada laga gab xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la'aan ah,
jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf
Dastuurka Somaliland ayaa ayidaya ku dhaqanka
Axdiyada Caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga sida ku cad Qod. 10 farqadiisa
1.
Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii hore 1o
odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii aanu ka
hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliand. Iyo
2.
Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada
Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa
Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}.
Xadgudubyada la Diiwaan Galiyay:
June 29th, 2012
Haybe Faarax Nuur oo Gabayo uu ku dhaliilayo Madaxweyne Siilaanyo tiriyay ayaa
hay’adaha sharcifulinta Somaliland xabsiga u taxaabeen waxanu iyadoo aan
maxkamad la horkeenin uu la haye ahaan ugu xabisnaa jeelalka dalka in ka badan
seddex bilood. Abwaankan ayaa isagoo cabiraya ra’yigiisa wuxuu tiriyay tiraba
Afar Gabay oo uu ku Dhaliilayo Madaxwayne Siilaanyo.
Ku tagrifalka awooda dawlada ee madaxda
gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa sanadka 2012 kor u kacday iyadoo nasiibdaro
madaxdani awoodaasi u adeegsanaya dano gaar ah tusaale ahaan 3 ilaa 5 July 2012
xoghaya dawladda hoose ee degmada Boorama ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid
ah iskaashatada bulshada ee karaaniyiinta
magalaada Boorame, kaariyiintan la xidhxidhay wax aka mid ah Gudoomiye
xigeenka iskaashatada kaariyiinta Boorame Cali Daahir Cali. Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Horn Watch ayaa helay cadaymo daaha ka rogaya in Xoghayaha
D/hoose ee Degmada Boorama uu karaaniyiinta ku xidhxidhay kadib markii ay ku
dari waayeen Iskaashatada Karaaniyiinta Boorame nin ay isaga walaalo yihiin.
12 July 2012 ciidamada Booliska
Somaliland eek a hawlgala magaalo madaxda gobolka Sool ayaa xabsiga u taxaabay
in ka badan 20 ka mid ah ardayda dhigata dugsiyada sare ee magaalada Buuhoodle
oo Laascaano u tagay ka qaybgal tartan aqooneed ay qabanaysay Jaamacada Nugaal
oo ku taala Laascaanood. .
25 July 2012 Maayarka Caynaba khaliif Saleebaan ayaa
magaalada Caynaba ku xidhxidhay dad ka mid ah shacbiga ku nool magaalada
Caynabo oo ka mudaharaaday dhul dan guud ah oo ay Maayarka iyo madax kale oo ka
tirsan masuuliyiinta sarsare ee gobolka Saraar ay si shaqsi ah ugu
tagrifalayaan
22 October 2012 Booliska
magaalada Gabiley ayaa xabsiga u taxaabay nin dhalinyaro ah oo abwaan ah Maxamed
Mawliid Caabud (Maxamed Dhako) difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland aya
helay xog iftiiminaysa in amarka xadhigiisa ay bixiyeen Afhayeenka Madaxtooyada
iyo Guddoomiyaha Dawan isku Haystaan kuwaasi oo uu ka dabo joogay balanqaad
lacageed oo laga siiyo heestii lagu furay munaasibadii loogu wanqalayay Idaacada
Cusub ee Radio Hargeia
20 October 2012 Ciidamada Qaranka ee
fadhigoodu yahay Bariisle oo duleedka Lawyocado ku taal ayaa 18 ruux oo rayid
ah kuwaasi oo isugu jiray 15 reer Somaliland ah, 2 reer Somalia ah iyo hal
Itoobiyaan ah ka soo qabqabteen magaalada xuduuda ku taala ee Lawyo-cado,
iyadoo markii ay qabqabanayeen ciidanku ragaasi si fool xun u garaacay,
habeenkii koowaad waxa lagu xidhay Lawyo-cado, habeenkii labaadna waxa loo
qaaday oo lagu xidhay tuulada Geerisa, iyadoo aroornimadiina lagu soo qaaday
baabuur Ciidanka Qaranka Somaliland leeyihiin iyagoo dhamaan ragaasi xadhko
loogu xidhxidhay dhigahii baabuurka ayaa si toos ah waxa loo keenay oo lagu
xabisay xerada ciidamada qaranka ee Birjeex oo ku taal Hargeisa. Qaar ka mid ah
dadkan rayidka ah waxa ay ka mid ah
1.
Jamaal Cabdi Habane
2.
Ahmed Cabdi Habane
3.
Maxamed Carab Maxamuud
4.
Cabdi Farax Samade
5.
Ahmed Abdilaahi
6.
Liibaan Sahal
7.
Cabdixakiim xuseen Liibaan
8.
Cilmixakiim Xaashi Hufane
9.
Maxamed Barkhad Aanayte
10.
Muuse Xasan Warsame
11. Faarax Maxamed Xasan
12. Najax jaamac Roble
22 Sept. 2012 -Ciidamada Booliska ee Boorma
ayaa soo xidhxidhay dad ay tiradoodu dhan tahay 9 qof oo shicib ah kadib markii
ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen rabshado qasaare gaystay oo degaankaasi ka
dhacay, dadkaasi ayaa ka gadoodsana adeegxumo iyo musuqmaasuq bariinsaday MCH
magaaladaasi.
13 August 2012
Ciidamada Booliska magaalada Xariirad ayaa xabsiga u taxaabay dad shacab ah oo
ka mid ah reer guuraa ku tabaaloobay abaaraha deegaankaasi naafeeyay dadkaasi
oo ka gadooday raashin mucaawimo ahaa oo la sii dhexmariyay kaasi oo loo waday
tuulada caqbdiqaadir.
No comments:
Post a Comment