Tuesday, December 11, 2012

Difaacayaasha Madaxa Banaan ee Xuquuqa Aadamiga Somaliland oo Carrooga Ku Afuufay Tacadiyadda Musuqmaasuq Iyo Bani-aadaminimo Ee Xukuumadda, Dibad-baxna Ku Baaqay


Suleiman Ismail Bulaleh (Saleban Xuquuq)
December 11th, 2012 |
“Waxaynu Ka War-qabnaa In Sanadkii Boqolaal Kun Oo Doolar Oo Tv-ga Qaranka Ka Soo Baxa uu Wiilka Madaxwaynuhu Sodogga U Yahay….”Saleebaan Xuquuq
Hargeysa (Waaheen) Dallada Isku xidhka ururadda xuquuqal sIisaanka Somaliland oo maanta si gaar ah u xusay maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha oo adduunka oo dhan laga xusay, ayaa soo bandhigay gabood-fallada lidka ku ah xuquuqda aadamaha ee dalka ka dhacay intii xukuumadda Siilaanyo tallada dalka haysay.

Difaacayaasha xuquuqal Iisaanku, sidoo kale waxay ka hadleen musuqmaasuqa dalka ka jira oo ay sheegeen inuu marayo heer qoyska Madaxtooyaddu ku lug leeyahay in boqolaal kun oo doolar sanad walba la lunsado.

Guddoomiyaha difaacayaasha xuquuqal Iisaanka  Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Saleebaan Xuquuq) oo Munaasibadan ugu horeyn ka hadlay ayaa faahfaahiyey gabood-fallada xuquuqda aadamaha ku xun ee Somaliland ka dhacay mudada uu Madaxwayne Siilaanyo xilka hayo, waxaanu yidhi “Tan iyo intii tallada dalka ay qabsatay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo waxaad moodaa in xad-gudubyadda xuquuqal Iisaanku ay aad u sii kordhayeen, xadhiga sharci darada ah ee muwaadiniinta, iyadda oo aan loo marin Maxkamada wuxuu noqday mid aad u badan, waxaana imika xabsiga Madheera ku jira 16 qof oo ciidamadda qaranku ka soo qabteen Lawyacado, maxkamad lama gaynin, waxaasi ayaa la idinku haystaana lama odhan, dhowr jeer oo hore waanu ka hadalnay, waxaanu xukuumadda leenahay haddii ay dambi leeyihiin maxkamad hala geeyo, haddii kalena hala siidaayo. Xad-gudubyadda waaweyn ee dalka ka dhacay waxa ka mid ah saxaafadda Madaxa-banaan oo inta la xidhay ama la jidh-dilay waxay kor u dhaaftay 86 Wariye (inta xukuumaddani tallada haysay)”

Saleebaan Xuquuq, waxa kale oo uu kak hadlay Musuqmaasuq uu sheegay inuu Tv-ga qaranka ka gaysto nin uu Madaxwayne Siilaanyo sodog u yahay “Musuqmaasuqa oo kale, hay’adda caalamiga ah ee Transparency International war-bixinteedii ugu dambaysay waxay inagu dartay waddamada ugu musuqmaasuqa badan, difaacayaasha xuquuqal Iisaanku waxay xog-ogaal u noqdeen in heerka musuqmaasuqu uu ka gaadhsiisan yahay Somaliland ay ku lug leeyihiin xitaa qoyska Madaxwaynuhu” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in difaacayaasha xuquuqal Iisaanku ay Boobe Yuusuf Ducaalle u aqoonsadeen muwaadin daah furay xogo shacabka ka qarsoonaa “Difaacayaasha xuquuqal Iisaanku waxay sanadkan Boobe Yuusuf Ducaale u aqoonsan yihiin inuu daah furay xog ka qarsoonayd bulshada Somaliland iyo dadkii ay doorteen sida ay hawlaha u wadaan xaqiiqada uu ka sheegay, waxaynu ka war-qabnaa in sanadkii boqolaal kun oo doolar oo ka soo baxa Tv-ga qaranka ay Mushahar u qaataan dhowr iyo toban qof oo London jooga oo shakhsi loo dhiibo oo aan qaan-sheeg laga soo celin (Receipt), oo Inanka Madaxwaynuhu sodogga u yahay ku lug leeyahay, waana wax cad, waxaanu u aqoonsanahay Boobe Yuusuf Ducaalle inuu yahay qof u qalma in la siiyo shahaadada xoriyadda hadalka oo u dhaqdhaqaaqa inay dadku xog helaan”

Saleebaan Xuquuq, waxa kale oo uu ka hadlay “Waxa kale oo ka mid ah gabood-falada dhacay aar-goosiga siyaasiga ah, hal-doorkii dalka iyo dadkii aqoonta lahaa ee Somaliland u shaqeyn jiray dawladda waa laga xaaqay, taasi waxay keentay in Imtixaanaadkii fashilmo, waxa kale oo ka mid ah doorashaddan la isku haysto, oo wixii intaasi oo sanadood dadku wax walba u soo hureen ay maanta tacab khasaar u eg-tahay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku darau  “Xuquuqal Iisaanka Somaliland, maanta waxa uu marayaa heer laga war-waro”ayuu yidhi.

Guddoomiyihii hore ee komiishanka xuquuqal Iisaanka Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Cismaan oo isna halkaa ka hadlay ayaa si aad ah Komiishanka ugu dhaliilay go’aanka ah in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay degmooyinka Hargeysa, waxaanu sheegay in taasi keenayso in dadka la isku dillo.

Axmed Yuusuf Cismaan oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Waxaan idiin sheegayaa in doorashadii Somaliland ka dhacday ay u dhowdahay inay saqiirto ayna u sabab u yihiin taariikhduna ay xusi doonto komiishanka maanta xilka haya, waa nasiib daro in komiishankii doorashaddu isticmaalo ciidamada qaranka oo loo dhiibo sanaaduuqdii oo la yidhaahdo ku gura, in rag komiishanka ahaa oo ay ahayd inay ilaaliyaan garba-duub loo xidho, in sanaaduuqdii Saylac taalay meel lagu xidho”

Axmed Yuusuf Cismaan, waxa kale oo uu dhaliilay go’aanka dib loogu tirinayo codadkii Hargeysa laga dhiibtay “Waxa la tiriyey 431 sanaaduuq oo degmooyinka Hargeysa ah, tiradii la tiriyey ee la shaaciyey ayaa haddana la yidhi waa laga noqonayaa, tusbaxaana waxa furay komiishanka doorashooyinka, ma dowbaa , ma xaqbaa, ma garbaa, ma wax la qaadan karayaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa dhacay waxa uu bar madow ku yahay hogaanka dalka haddii uu waxba ka qaban waayo waxa dhacay, ceebtan maanta komiishankaa leh oo dawladdu lama laha, haddiise uu waxba ka qabban waayo dawladdu way la yeelanaysaa”

Guddoomiyihii hore ee komiishanka xuquuqal Iisaanka Somaliland uu ka hadlay 14 jir ay ku dhacday rasaastii ciidamadda boolisku u addeegsadeen dadkii ka cabanayey natiijadda doorashadda ee Hargeysa “Waar Gabood-falbaa dhacay, inan yar oo 14 jir ah ayaa xabbadi ku dhacday, anigu booliska eeda saari maayo, laakiin ninka amarkaa siiyay ee meesha u diray-baa dambigaa qaadanaya, bulshada Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa askarigu waa wallaalkeen ee dhagaxa ka daaya, Arintani arin Xaqsoor ama reer Fadhida maaha, arin Kulmiye, Rays iyo Waddani midna fadhida maaha ee waa arin qaran”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ku baaqaya dibad-baxa shacabku sameeyaan Arbacada “Maalinta Arbacadda ah difaacayaasha Xuquuqal iisaanku waxay idinku baaqayaan in la isku soo baxo oo banaan-bax weyn la sameeyo oo lagaga cabanayo waxa ay komiishanku wadaan ee dadka isku dilaya, isku soo baxa Arbacada dhacayaana waa Salmi aan cidna lagu dhibaynin”


No comments: