Wednesday, December 12, 2012

Dallada xuquuqul-insaanka S/land oo iftiimisay musumaasuq xadhkaha goostay oo qoyska madaxtooyadu


Dec 10, 2012 at 11:32 PM
S.Xaquuq wuxuu daaha ka feyday inay ogaadeen in Baashe Cawil X.Cumar (Moorgan) oo M.siilanyo Sodog u yahay si weyn ugu lug leeyahay musuqmaasuq baahsan oo ka jira

Dallada xuquuqul-insaanka S/land oo iftiimisay musumaasuq xadhkaha goostay oo qoyska madaxtooyadu ku lug leeyahay

Xoghayaha Dallada Ururada Xuquuqul-Insaanka Saleebaan Ismaaciil  (Saleebaan Xaquuq)ayaa daboolka ka qaadey in musumaasuq baahsani oo xadhkaha goostay ka jiro Somaliland,Qoyska Madaxtooyaduna si weyn ugu milmay oo qeyb ka noqday musuq-maasuqaas.

Saleebaan Xaquuq wuxuu ku nuuxnuuxsadey in intii Xukumada Siilanyo talada dalka haysay ay si xawliya u kordhayaan xad-gudubyada iyo gabood fallada is-dabajooga ah ee lagula kaco Muwaadiniinta iyo dadka taagta daran oo Xabsiyada layskaga guro iyagan Maxakamadaha la marin.

Saleebaan Xaquuq wuxuu daaha ka feyday in Dallada Xuquuqul –insaanku ogaatey in Baashe Cawil Xaaji Cumar (Moorgan) oo madaxweyne siilanyo Sodog u yahay si weyn ugu lug leeyahay musuqmaasuq baahsan iyo lunsasho hanti qaran oo ka jira TV-ga Qaranka (Tv ku hadla Afka Qoyska Madaxtooyada ),musuqaas oo  uu sheegay Saleebaan Xuquuq inay soo bandhigtay Hayada Transparent International.

Dhinaca kale Saleebaan Xaquuq wuxuu saluugay oo farta ku go’day Komishinka Doorashooyinka Somaliland iyo Natiijada doorashada Degaanka oo uu sheegay in lagu hungoobay oo mid lagu khasaarey u e’eg tahay maadababa buu yidhi tacab badan la geliyey,waqi dheerna la ga dhursugaayey balse natiijadeedii laysku haysto oo muran weyn xukumadu gelisay.

Sidoo kale Gudoomiyaha Dallada xuquuqul-Insaanka Somaliland Axmed Yuusuf Xuseen ayaa ugu baaqey Bulshoweynta reer Somaliland iyo difaacayaasha Xuquuqul Insaanka inay maalinta Arbacada isagu soo baxaan Banaanbax balaadhan oo lagu diidan yahay Cadaaladarada iyo Tacadiyada ay Komishinka Doorashooyinka Somaliland ku kaceen.Gudoomiyuhu wuxuu ku ceceliyey in natiijada doorashada degaanku  sababtay dhimasho iyo dhaawac Caruur da’doodu ka yaryar tahay 14 sano masuuliyadeedana Komishanku leeyihiin.

Hargeisa
://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=15151&Itemid=62

No comments: