Sannadkii
1992 ummad caydhowday oo wada qaawan oo qori garabka u saaran mooyee aan wax
kale haysan baa dawladnimada Somaliland laga dhex yagleelay. Haddana fawdo iyo
colaad lagu ka la irdhoobay baa maamul dhab u shaqaynaya loo gudbiyay. Haddana
reero qabyaaladaysan iyo afmiishaarro bahaloobay baa hannaan dimuqraadiyadeed
laga suurtageliyay oo habsami iyo nabad madaxnimada lagu la ka la wareegay.
Hawlahaasi ma ay fududayn ee mar walba arrintu waxa ay saarrayd mindi
jirjirkeed. Maantana maamulka jira waxaa laga sugayaa dawladnimadaa in uu sii
ambaqaado oo waxa ka dhiman ku kordhiyo. Taas ayaa noqon lahayd tallaabadii ugu
dambaysay ee lagu gaadhi lahaa maamul wanaag, caddaalad iyo xasillooni bulsheed
oo buuxda.
Madaxweyne
Axmed Maxamed Maxamuud ”Siilaanyo” iyo jaalleyaashiisa Kulmiye waa la ogaa
wixii ay qoob iyo qaylo dalka ku waaleen xilligii ay Rayaale iyo Udub talada
hayeen. Eedaha iyo foolxumada ay sheegi jireen soohdin ma lahayn. Dacwad ay
joogto carrabka ugu hayn jireen waxa ay ahayd garsoorkii iyo hantidhawrkii in
ay xukuumadda ku milmeen, sidaa darteed dulimiga iyo musuqu faraha ka baxeen.
Tu kale ha joogtee taasi runtood bay ahayd. Waxaa kale oo run ah maantaba taa in aan waxba iska beddelin. Wax waliba waa tabtii ay ugu yimaaddeen. Maanta
madaxweynaha iyo wasiirradiisa yaa la xisaabtama? Marka ay xilkooda iyo hantida
yare ee umadda ku tagrifalaan awooddee baa qabata ama qaban karta? Sidaas ayay
ahaanaysaa ilaa la helayo hay’ado dawladeed oo xukuumadda ka madaxbannaan.
Dhaqanka siyaasadeed ee
Somaliland sidiisaba waxaa ku jira laba cilladood oo ragaadiyay. Ta hore waa
bulshada oo aan ka la garanayn dawlad iyo reer, cudurkaas oo siyaasiga xumi
weligiiba ku shaqaysto isaga oo ay la tahay in ay tol’la’ayda ugu badinayso. Ta
labaadna waa hay’adihii dawladnimada oo isugu urursan golaha fulinta
(xukuumadda), golahaas oo ay awoodda oo dhami gacanta ugu jirto. Garsoorka iyo
hantidhawrka oo ah laba tiir oo aanay la’aantood dawladnimo hagaagsani
suurtoobi karin maanta Somaliland laga ma yaqaan, haddii ay jiraanna ma aha wax
xukuumadda ka madaxbannaan. Inta aanay labadaasi awood iyo madaxbannaani lahayn
laga ma yaabo in la helo dawladnimo hagaagsan, ama in musuqmaasuqa laga baxo,
ama xaqsoor la helo.
Bulshaduna dhaqanka caynkaas ah
ayay qaayibtay oo maalinba kooxda talada haysa ayaa ah “dawladda”, kooxdaas
ayaana dalka waxa ay doonto ka samaysa. Muwaaddinku waxa uu xabsiga ku galaa
telefoon nin siyaasi ahi diro. Wargeyska sidii Xiddigta Oktoobar noqon waayaa waa
xaraan. Khasnadda qaranka iyo jeebka siyaasigu waa isku mid qudha.
Madaxweynuhuna waa ilaah la caabudo iyo sheyddaanka la iska naaro isku mar
qudha iyada oo labada jeerba lagu qiimaynayo maskax garashadeedu liidato.
Bilawgii
waxaa wax lagu soo dhisay habka tolnimada iyo hiddihii soojireenka ahaa.
Berigaa dad baa moodayay in ay tahay si badownimo ah oo aan dawladnimo ku shaqayn
karin. Guul bay se dhashay oo maanta shisheeye iyo sokeeyaba waxaa la isla
qiray fikraddaasi in ay ahayd mid kudayasho u leh Afrikada burburtay oo dhan.
Ha ahaatee maalintaaba qof waliba wuu garan karayay in ay tahay xaalad
kumeelgaadh ah oo laga bixi doono. Mar uun bay garashada qummani diidi doontaa
dawladnimo casri ah in aan lagu wadi karin ”reer hebelow waa idinku intaa
annaga waa nagu intan”.Laba iyo labaatan sannadood ka dib arrintu weli waxa ay
taagan tahay bartii laga soo unkay. Waxa qudha ee soo kordhay waa ururrada
siyaasadeed oo qudhoodu tolal ku wada tiirsan.
Danta
xisbiyada laga yeeshaa haddii ay tahay dimuqraadiyadayn, dawladnimo wanaag iyo
xaqsoor, oo ay tahay in ay weel u noqdaan aragtiyaha iyo danaha ka la duduwan
ee qaybaha bulshada, kuwa Somaliland iyaga ayaa sabab u noqda qabyaaladda iyo
qaybinta dadweynaha, waayo fikir kale oo ay ku dhisan yihiin baan jirin. Dadka
xisbiyada ku wada jiraa ma laha aragti midaysa aan ahayn in ay madaxnimada
wadajir u ugaadhsadaan. Haddii wax kale oo mideeyaa jiri lahaayeen qofku sida
xoolo baadi ah marba dhan u ma tasoobeen ee xisbiga ay isku fikirka yihiin buu
ku ekaan lahaa. Fariidnimada ugu weyni maanta waa in ay dhawr nin oo ka la
reero ahi calan xisbi isku wada sawiraan si ay u qaldaan bulshada miskiinadda
ah ee indhaheedu ina hebelkooda uun garanayaan. Wax kale oo meesha yaallaa ma
jiraan. Udub oo ahaa xisbigii ugu adkaa waxa uu jiray oo keliya intii ay
kooxdiisu talada haysay, maalintii xilka laga wareejiyay ayuuna nin waliba
reerkoodii u carraabay. Ifafaalaha Kulmiye ka muuqdaana kaa ka ma duwana.
Doorashadooda soo socota haddii ay isla dhaafaan ayay nasiib lee yihiin.
Dawladnimada
sidaa u aragga xun nin wal oo maanta hoggaamiye ka noqda hawl weyn baa hor
taalla. Haddana dhanka kale madaxnimada xilligan waxaa ku jirta fursad
taariikheed oo wanaagsan, waayo waxa aad reebi kartaa raad iyo waxqabad qiimi
leh oo lagugu xusuusto. Haddii halkaa laga eego Axmed-Siilaanyo dharaartii uu
xilka la wareegay guul baa u dagatay. Waa ruugcaddaa aan Geeska Afrika oo dhan
cidina ugu aqoon iyo waayo’aragnimo badnayn dawladnimo waxa ay tahay. Sidaa
darteed qabyada iyo cudurrada jira oo dhan wuu ka dheregsanaa. Wax walba in
lagu bixiyo in la ka la furfuro tolnimada iyo dawladnimada, iyo hirgelinta
hay’adaha dawladnimada isu dheellitira, ayaa ah labada waajib ee ugu horreeya
waxqabadka laga sugayay.
Axmed-Siilaanyo
in uu garsoorka iyo hantidhawrka curyaansan dhaqaajiyo ilaa imika Ilaahay ma
waafajin. Mar haddii aanay taasi dhicin wax waliba waxa ay isaga
socdaan sidii xumayd ee uu ugu yimid. Musuqmaasuqa aan cidina ka xisaabtami
karin, ku tumashada xorriyadda muwaaddinka iyo batraannimadii siyaasigu weli
waa tabtii. Weli se waqti buu haystaa. Inta xilligiisa ka hadhay ma ku dhacaa
taabbagelinta hay’ado dawladeed oo hawlahooda u madaxbannaan, gaar ahaan
garsoor iyo hantidhawr masuuliyiinta la xisaabtami kara? Ma ka badbaadi karaa
muddada xilkiisa in aanu ku dhammaysan in uu madaxweyne uun iska ahaado
dabadeed wax walba sidoodii kaga tago ee wax looga aayo ka tago? Wayddiintaasi
macno weyn bay u lee dahay taariikhda Somaliland iyo ta qof ahaaneed ee
Axmed-Siilaanyo labadaba.
Rabadaan
wanaagsan!