Sunday, July 21, 2013

Xasan Daahir Aweys Oo Muujiyay Geesinimo Cajiib ah: “Hadii La I Masaafuriyo Waan Soo Noqon Doonaa, Waxaan Sii Wadi Doonaa Jihaadka Murtadiinta iyo Gaalada AMISOM”.




Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya xarunta nabadsugida Dowlada oo uu ku xiran yahay hogaamiyihii hore ee ururka Xisbul Islam balse dhawaan ka soo goostay Al Shabaab ayaa waxa ay sheegayaan in kiiska Sheekhaan uu yeeshay waji cusub.
 

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegay in afkiisa laga hayo sidatan ” Hadii la i masaafuriyo oo dal kale la ii dhoofiyo waan ka soo laaban doonaa waxaana balan ah inaan la dagaalami doono ciidamada AMISOM ee gudaha Somalia ku sugan iyo Al Shabaab oo Shareecada Islaamka ka been sheegay ”

Nabadsugida Dowlada oo sheegay inaysan sii deeyn doonin nin dambiile dagaal ah oo hadane Dagaal cusub ku hanjabaya .
 

Qaar ka mid ah laamaha Sirdoonka Dowlada ayaa waxa ay qabaan in caafimaad ahaan Sheekh Xasan Daahir Aweys uusan wanaagsaneeyn maadaama maalin kasta afkiisa laga hayo hadalo is burinayo oo aanan horay looga baran inkastoo Sheekhaan dhanka kale uu yahay qof weyn oo waayeel ah.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shegay in Xasan Daahir yahay qof Soomaali ah oo ka tirsanaa Al-shabaab haatana gacanta ugu jira dowlada, wuxuu intaa ku daray in Xasan Daahir aan bulshada lagu sii dhex deyn Karin sababo la xiriira ayuu yiri isagoo weli aminsan fekerka Al-shabaab ee ahaa iney dowladu tahay gaalo mudan in lala dagaalamo,