Wajiga Runta ah ee Saxaafada Somaliland:
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland labadii sano ee ugu dambeeyay ku
foognaa xogogaal u noqoshada sababaha keena iyo waxa uu salka ku hayo xadhiga
tirada badan ee saxaafada xortaahi wariso in xukuumadda Somaliland kula kacdo,
inkasta oo sida qaalibka ah uu xadhiga suxufiyiinta Somaliland ku soo koobmo
qadar saacado ah sida had iyo goor dhacda. Balse marka loo dhabogalo tirada
xadhigaasi lanabarbardhigo xadhiga haleela suxufiyiinta wadamada qaarada Afrika
ayaa wuxuu noqonayaa xadhiga ay wariso saxaafada Somaliland in ay u gaysato
xukuumada Somaliland kan ugu tirada badan guud ahaan qaarada Afrika. Sidaasi
darteed Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa ay
daneeyeen in ay xogogaal u noqdaan sababaha keena xadhigan ka tiro badan
wadamada Qaarada ee aan ku dhaqmin nidaamka dimuquraadiyada, iyadoo dhinaca
kalena xoriyada ay haysato saxaafada Somaliland guud ahaan bulshada caalamku ka
marag fureen.
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay daraasadoodaasi ku ogaadeen
sababaha ugu badan ee keena xadhiga Suxufiyiinta dalka Somaliland ayaa ah qaar
salka ku haya badi suxufiyiinta Somaliland oo aan lahayn aqoontii saxaafadeed
ee aasaasiga ahayd, iyadoo mihnadda warbaahintu aanay suuqyada Somaliland ka
goynin qiimo badan taasi oo sababta in hawl-wadeenada warbaahinta dalku aanay
helin mushahar ku filan oo ay ku noolaan karaa iyaga iyo qoysaskoodu, arimahan
ayaa sababa in qaar badan oo ka tirsan Suxufiyiinta Somaliland in ay u
adeegsadaan qalabka warbaahineed ee ay gacanta ku hayaan mid ay ku gaadhaan
danahooda gaarka ah, tusaale ahaan in ay kaga helaan masaaliix gaar ah madaxda
hay’adaha dakhliga leh ee dalka iyo maamulada gobolada iyo kuwa dawladaha
hoose.
Tan iyo
markii ay dalka ka qabsoontay doorashadii dawladaha hoose daboyaaqadii sanadkii
hore waxa dalka Somaliland ka soo ifbaxayay hay’ado warbaahineed oo af qabiil
ku hadlaya iyadoo tan iyo la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland
warbaahintii ka tisqaaday dalku ay nadiif ka ahaayeen in ay qabiil gaar ah
afhayeen u noqdaan, balse maanta waxad arkaysaa beel difaacaysa hay’ad
warbaahineed. Iyo warbaahin ku hadlaysa af qabiil.
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxa kale oo ay xog ururimahooda
ku aadan dhinaca warbaahinta Somaliland ay ku ogaadeen in warbaahinta dalku u
nugushahay in ay adeegsadaan kooxaha xagjirka ah iyagoo kooxahaasi ka
faa’iidaysanaya duruufaha dhaqaale ee ba’an ee haysta warbaahinta, waxana taasi
daliil u ah iyagoo faafiya dhaleecaynta kooxaha xagjirka ah iyo kuwa qaranimada
Somaliland necebi ku hayaan dalka, kuna sheega Madaxwayne si dimuquraadi ah
shacabku u soo doorteen iyo xukuumadiisuba in ayay ku sheegaan in ay yihiin
argagixiso.
Dhinaca
kale, Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay
diiwaangaliyeen xadgudubyo lagu gaysto waxsoosaarka warbaahinta kuwaasi oo ay
ka mid yihiin, shaqsi weerar, soo gudbin warar iyo xogo aan sugnayn, iyo iyagoo
joogtaystay in hawl-wadeeno badan oo warbaahinta ahi u soo gudbin wararka iyo
dhacdo wareedyadu sida ay u dheceen balse u soo gudbiya sida ay iyaga wax ugu
goynayso ama ay jecel yhiin. Sidoo kale, iyadoo arimaha lagu majeerto
warbaahinta dimuquraadiga ay tahay tan dhiiri galisa nidaamka iyo kala
dambaynta ayay taasi lidkeeda warbaahinta Somaliland waxay dhiirigalisaa ku
dhaqanka sharcidarada iyo burburinta nidaamka iyo kala dambaynta dalka ka jirta
tusaale kooban, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ayaa diiwaan galiyay
shantii bilood ugu horeeyay sanadkan 2013 in ka badan 50 war (news article)
kuwaasi oo ay lagu baahiyay warbaahinta qoraalka ah, ta muuqaal araga ama TVs
iyo mareegaha internetka iyagoo leh Gudoomiyaha Ururka Siyaasadeedka Xaqsoor,
qaanuun ahaan waa urur aan dalka uga jirin. Dadbadan ayaa is waydiinaya
Saxaafada Somaliland ma iyadaa bixisa Liisamada lagu furto ururada Siyaasada?
Saxaafada
Somaliland ayaa la oran karaa waxay ku guuldaraystay in ay wararka ka soo
wariyaan qaybaha bulshada Somaliland ugu badan oo ah reer guuraaga, sidoo kale
warbaahinta Somaliland waxay ka aradan tahay xirfadaha cilmi baadhista
saxaafadeed (investigation journalism skills) taasi oo bulshada iyo
dalkaba ay kaga baaqato in aanay helin xogo iyo macluumaad muhiim u ah nolosha
dhaqan dhaqaale ee shacabka Somaliland, tusaale, duruufaha caafimaad,
waxbarasho, dhaqaale, dhaqan ee ka jira dalka Somaliand oo ay ku duugan yihiin
xogo aan la soo koobi karin oo haddii la helo sababi lahayd culays la saaro
cidii u xilsaarayd si ay isbedel ugu samayso.
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay rumaysan yihiin in duruufaha
haatan ay ku sugan tahay warbaahinta mid loo isticmaalo qaabab ka baxsan
anshaxa Saxaafadeed ee uu leeyahay dal dimuqaadi ah oo leh dastuur ilaaliya
xuquuqda aadamahu. Markaad u dhabo gasho wararka ay warinayaan warbaahintu
waxad ogaanaysaa in qaarbadani aanay ku salaysanayn il wareed toos ah oo jira,
balse taasi bedelkeeda ay ku salaysan yihiin ikhtiyaarka suxafiga qoraya ama
hay’ada warbaahineed ee warka warinaysa, taasi oo keenaysa in uu/ay sida ay u
jecel yihiin iyagu warkii in ay u
sheegaan ama u qoraan.
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay aaminsan yihiin Saxaafada
Xorta ahi in ay halbowle lagama maarmaan ah u tahay dal iyo bulsho xor ah.
Talaabada
ugu horaysa ee qalalaasaha saxaafadeed ee ka jira Somaliland lagu daboqaban
karo waxay u u arkaan Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga
Somaliland in ay tahay meelmarinta xeerar iyo shuruuc ku ilaalisa mihnada
saxaafada dalka iyo hawlwadeenadeedaba mabaadii’da udub dhexaadka u ah saxaafad
xor ah oo waafaqsan nidaamka dimuquraadiga ah dhaqan suuban ee diinta islaamka,
shuruucdaasi waxa ka mid ah Xeerka Anshaxa Suxufiyiinta Dalka oo heer qaran ah,
samaynta xeerka Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland
waxay suurto galin karaan in ay dalka keenaan aqoonyahano iyo khuburo caalami ah oo gacan ka gaysta samaynta Xeer Anshax
Saxaafadeed oo Qaranku yeesho.
Waxa kale
oo ay Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland daruuri u
arkaan in bulshada Somalialnd hesho halkii ay uga dacwoon lahaayeen
xadgudubyada loogu gayusto mihnada Saxaafada, EEBE naxariistii jano haka
waraabiyee Abwaan Gaariya Tixdiisii ERGO waa kii ku lahaa, DAMBI UU
BADHLEEYAHAY NIN DAWEE LA LEEYAHAY INUU DAARO MA OGOLA DAARAATA NABARKA AH,
Sidaasi darteed Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland,
waxay ku baaqayaan in qaabka looga dacwo tagayo Warbaahinta dalka aanay qab ku
yeelan dhamaan dadka ku foogan hawlqabadada Warbaahinta ee shaqada markaasi ku
jiraa, balse waa in ay noqotaa qaab ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada,
goloyaasha sharcidajinta iyo culimada diinta.
TALO SOO JEEDIMO
Ku: xukuumada Somaliland
- Xukuumadda waxanu ugu baaqaynaa in ay cadaalada horkeento askartii ka tirsanayd ciidanka Booliska ee weeraray Xarunta Wargayska Hubaal, kuwaasi oo dhaawac u gaystay mid ka mid ah hawlwadeenada wargayska. Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, weerarkan waxay u arkaan mid xili xaasaasi ah oo lagu soo qaaday qaranimada iyo madaxbanaanida dalka xili Madaxwaynaha iyo masuuliyiinta ugu saraysa ee xukuumadiisu ku gudo jirto wadahadalo heer caalami ah oo ku saabsan masiirka iyo xaqa aayo ka tashi ee qaranka Somaliland. Sidaasi darteed, dib u dhaca iyo jiitanka kiiskan ku saabsani walaac hor leh ayuu ku abuurayaa difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland, waxana aanu xukuumada ka dalbanaynaa in sida ugu dhaqsaha badan cadaalada u horkeento eedaysanayaashii qaar kood lagu qabtay iyagoo weerarkan gacanta kula jira.
- Xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaarada Warfaafinta waxa aanu ugu baaqaynaa in ay samayso shuruuc iyo xeerarkii kobcin lahaa guud ahaan warbaahinta dalka mid gaar ah iyo mid xukuumi ah labadaba.
- Masuuliyiinta Sarsare ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland waa in ay ka waantoobaan shaqo qorista ku salaysan qabiilka iyo qof jeclaysiga taasi oo ka dhigtay wasaaradii iyo adeegii muhiimka ahaa ee ay qaranka u haystay xeradayadu waa wada ul oo ul la qaato ma leh.Taasi bedelkeeda masuuliyiinta Wasaarada Warfaafintu waa in ay u hawl galaan sidi ay tusaale wanaagsan ugu noqon lahaayeen dhamaaan warbaahinta dalka iyo jiilalka cusub ee mihnada warbaahinta soo galaya.
- Waa in Wasaarada Wafaafinta Somaliland curisaa sidii dalka looga furi lahaa idaacado ka madaxbanaan siyaasad, kuwaasi oo loo adeegsan karo dhinacyada horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo wacyigalinta arimaha muhiimka u ah fayoqabka dad iyo deegaan labadaba.