Office Telephone: 252 2 4429552
hornwatch@yahoo.com
HORNWATCH Index:
S/land /0443/13
MAWQIFKA DIFAACAYAASHA XUQUUQDA AADAMIGA S/LAND:
Go’aanka Xukuumada S/Land Ee
UNSOM, Xiisadaha Mandaqada Geeska Afrika, Qalaasaha Dhinaca Saxaafada S/land
& Hawlgalada Ciidamada RRU.
Dhaqdhaqaaqyada
Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga
Somaliland, oo ka kooban in ka badan 28 urur bulsho oo ka hawlgala dhamaan
gobolada Somaliland waxay si wadajir ah cod midaysan ugu bayaaminayaan guud
ahaan bulshada caalamka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo
daneeyayaasha arimaha Geeska Afrika, taageerada buuxda ee aanu u hayno go’aanka
Xukuumada Somaliland ugu diiday in laga furo xafiiska Siyaasada Qaramada
Midoobay ee UNSOM dalka Somaliland.
Waxanu si
buuxda uga soo horjeedanaa siyaasada ay Qaramada Midoobay kula dhaqamaysay 22
sano ee la soo dhaafay dalka Somaliland, Inkastoo taageerada Qaramada Midoobay
la’aanteed dalka Somaliland iyo 4-tiisa
milyan ee ruux ay xaqiijiyaan hirgalinta mabaadii’da ay u abuuran tahay
Qaramada Midoobay in ay dunida ka taabogaliso, hadana taasi bedelkeeda shacbiga
Somaliland wuxuu ku mutaystay in Qaramada Midoobay ku ciqaabto dalka
Somaliland, guulaha la’aanteed ay qabsatay oo ay ka mid yihiin dib u heshiisiin
dhamaystiran, hubka dhigis loo qorsheeyay si qotodheer oo guulaystay, nidaam
iyo kala dambayn, meelmarinta dastuur dimuquraadi ah dhismaha ciidamada
sharcifulinta, maxkamadaha iyo garsoorka, furista ururada siyaasada iyo
qabashada doorashooyin xor ah oo xalaal ah, kobcinta dhaqaalaha dalka,
horumarinta xoolaha iyo deegaanka, la dagaalanka runta ah ee argagixisada,
dambiyada abaabulan ee xuduudaha isaga gudba, la tacaalista ka ganacsiga dadka
iyo tahriibka, shaqo abuurka, suurtogalinta waxbarashada aasaasiga oo khasab ah
misana lacag la’aan ah, hoos u dhigida dhimashada caruurta shan jir ka yar,
iska caabinta falsafadaha xagjirka ah ee kooxaha mayalka adagi ku duufsadaan
dhalinta iyo haweenka.
Sidaasi
awgeed Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee
Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay
aaminsan yihiin il la gaadhay wakhtigii shacabka Somaliland odhan lahaayeen
MAYA MAYA Tacadiyada Qaramada Midoobay, ku hayso xaqa aayo ka tashiga Qaranka
Somaliland.
Xidhiidhka soo jireenka ah ee
Somaliland iyo itoobiya waa muqadas
Dhaqdhaqaaqyada
Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga
Somaliland, waxay si buuxda u taageersan yihiin Dhismaha Biyo-Xidheenka Great
Millennium Dam (aka the Grand Ethiopian Renaissance Dam) oo dhismihiisu uu si
xawli leh uga socda dalka Itoobiya, waxanu si xoogleh u aaminsanahay dhismaha
Biyo-xidheenkani in ay tahay guushiii ugu waynayd oo aadamiga ku nool Geeska
Afrika hirgaliyo, faa’iidada Biyo-xidheenkani kuma koobna oo kali ah dalka
Itoobiya, balse wuxuu kaalin wax ku ool ka gaysanayaa tirtirida fakhriga
ragaadiyay umadaha ku nool mandaqada bariga Afrika.
Xukuumada
Somaliland iyadoo fulinaysa siyaasadeed ku aadan sii xoojinta xidhiidhka
iskaashi ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada, difaaca, iyo amniga ee labada
dale e Itoobiya iyo Somaliland waxay suurto galisay in shacabka Somaliland
sanadkii tagay 2012 noqdaan dalkii ugu horeeyay ee taageero dhaqaale oo
balaadhan siiyay dhismaha Biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam.
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay si nayid sami ah u soo
dhawaynayaan badheedhihii Raiisal Wasaaraha Itoobiya mudane Hailasalasa
Desenlege uu dhawaan ka horjeediyay Barlamaanka dalkiisa, Waxana shacabka
Somaliland la garabjoogaan taageero hiil iyo hooba ah walaalahooda shacabka
Itoobiya.
Hawlgalada ciidamada RRU-da
Dhaqdhaqaaqyada
Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga
Somaliland, iyagoo ku baraarugsan wakhtiga xaasaasiga ah ee ka aloosan
mandaqada uu eebe ku abuuray umadda Somaliland isla markaasina xogogaal u ah
duruufaha dhinaca amniga ah ee jira iyo tabaha cadowga gudaha iyo kan dibada,
waxay shacbiga Somaliland uga digaynaa in aan loo bahalo galin lana nacsiinin
wixii ay naf iyo maalba u soo hurteen.
Sida aynu
la wada socono beryahan dambe waxa warbaahinta ku soo noqnoqonayay eedo iyo
dacaayado lid ku ah ciidamada Somaliland ee loo yaqaano Ciidanka sida Degdega
ah ee Adag u Jawaaba (Rabid Re-action Unit) loona soo gaabiyo RRU.
Anagoo ah
ururada bulshada rayidka ah ee ka madaxabanaan Xukuumada waxanu umadda
Somaliland waxanu xogogaal u ahayn fashilaado badan oo ciidamada amaanka ku
yimi marar kala duwan oo ay fulinayeen hawlgalo la xidhiidha dhinaca sugida
amaanka, waxa ka mid ah hawlgalkii guri ku yaalay bariga Hargeysa maalmo yar
doorashadii baarlamaanka 2008, Gaadhi kireeye reer Burco ah oo bixiyay xog
ciidamada amaanku ku qabteen nin sita Shandad ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa,
iyadoo ninkii Aaladaha Qarxa sitay si fudud uga fakaday ciidankeena mudo yar
kadibna uu badhtamaha magaalada Burao ku dilay Gaadhi kireeyihii xogtiisa
bixiyay isla markaasina uu fakaday ilaa hadana aan la qaban. Fashiladaasi iyo
weeraradii is miidaaminta ahaa ee lala eegtay Madaxtooyada Somaliland,
Safaarada Itoobiya ee Hargeysa iyo Xafiiska UNDP Hargeysa ayaa sababay in la
dhiso ciidanka loo yaqaano RRU.
Sidaasi
darteed, Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee
Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay aaminsan yihiin ciidamada RRU-du ay ka
samaysmeen dhiigii iyo dheecaankii ka dhacay shacbigii lagu xasuuqay qaraxyadii
dabayaaqadii October 2009 Hargeysa. Sidoo kale waxanu si xoog leh u
rumaysanahay in maanta nina aanu ku dhaaran karin kuwa ay yihiin mabaadii’da ay
caruurtiisu rumaysan yihiin.
Way
dhacdaa oo dhici kartaa in dad aan waxba gaysan kuna jirin in waxyeelo ka soo
gaadho hawlgalada ciidanka RRU-da, laakiin shacabku ha ogaado in Dab munaafiq
shiday Muumin ku gubto, maanta dambiyada dal kasta oo dunida ka mid ah
ciidamadiisa amnigu la tacaalayaan ee baadhayaan maaha dambiyo muuqan kara ama
la taaban karo waa dambiyo quluubta dadka ku jira sida lagu ogaadaana kaliya
tahay hadba sida ay iskugu xidhan yihiin shacbiga dalkaasi iyo ciidamadiisa
amaanku.
Gabogabadii
waxanu aaminsanahay in maanta ay Somaliland ka amaan badan tahay ka hor markii
aanay jirin Ciidamada RRU. Waxana aanu uga mahadcelinaynaa cid kasta oo
taageero ka gaystay abuuridii ciidankan oo ay ugu horayso Xukuumada Somaliland,
iyo Dalalka UK, US iyo Itoobiya.
Qalalaasaha Saxaafada:
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland labadii sano ee ugu dambeeyay ku
foognaa xogogaal u noqoshada sababaha keena iyo waxa uu salka ku hayo xadhiga
tirada badan ee saxaafada xortaahi wariso in xukuumadda Somaliland kula kacdo,
inkasta oo sida qaalibka ah uu xadhiga suxufiyiinta Somaliland ku soo koobmo
qadar saacado ah sida had iyo goor dhacda. Balse marka loo dhabogalo tirada
xadhigaasi lanabarbardhigo xadhiga haleela suxufiyiinta wadamada qaarada Afrika
ayaa wuxuu noqonayaa xadhiga ay wariso saxaafada Somaliland in ay u gaysato
xukuumada Somaliland kan ugu tirada badan guud ahaan qaarada Afrika. Sidaasi
darteed Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa ay
daneeyeen in ay xogogaal u noqdaan sababaha keena xadhigan ka tiro badan
wadamada Qaarada ee aan ku dhaqmin nidaamka dimuquraadiyada, iyadoo dhinaca kalena
xoriyada ay haysato saxaafada Somaliland guud ahaan bulshada caalamku ka marag fureen.
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay daraasadoodaasi ku ogaadeen
sababaha ugu badan ee keena xadhiga Suxufiyiinta dalka Somaliland ayaa ah qaar
salka ku haya badi suxufiyiinta Somaliland oo aan lahayn aqoontii saxaafadeed
ee aasaasiga ahayd, iyadoo mihnadda warbaahintu aanay suuqyada Somaliland ka
goynin qiimo badan taasi oo sababta in hawl-wadeenada warbaahinta dalku aanay
helin mushahar ku filan oo ay ku noolaan karaa iyaga iyo qoysaskoodu, arimahan
ayaa sababa in qaar badan oo ka tirsan Suxufiyiinta Somaliland in ay u
adeegsadaan qalabka warbaahineed ee ay gacanta ku hayaan mid ay ku gaadhaan
danahooda gaarka ah, tusaale ahaan in ay kaga helaan masaaliix gaar ah madaxda
hay’adaha dakhliga leh ee dalka iyo maamulada gobolada iyo kuwa dawladaha
hoose.
Tan iyo
markii ay dalka ka qabsoontay doorashadii dawladaha hoose daboyaaqadii sanadkii
hore waxa dalka Somaliland ka soo ifbaxayay hay’ado warbaahineed oo af qabiil
ku hadlaya iyadoo tan iyo la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland
warbaahintii ka tisqaaday dalku ay nadiif ka ahaayeen in ay qabiil gaar ah afhayeen
u noqdaan, balse maanta waxad arkaysaa beel difaacaysa hay’ad warbaahineed. Iyo
warbaahin ku hadlaysa af qabiil.
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxa kale oo ay xog ururimahooda
ku aadan dhinaca warbaahinta Somaliland ay ku ogaadeen in warbaahinta dalku u
nugushahay in ay adeegsadaan kooxaha xagjirka ah iyagoo kooxahaasi ka
faa’iidaysanaya duruufaha dhaqaale ee ba’an ee haysta warbaahinta, waxana taasi
daliil u ah iyagoo faafiya dhaleecaynta kooxaha xagjirka ah iyo kuwa qaranimada
Somaliland necebi ku hayaan dalka, kuna sheega Madaxwayne si dimuquraadi ah
shacabku u soo doorteen iyo xukuumadiisuba in ayay ku sheegaan in ay yihiin
argagixiso.
Dhinaca
kale, Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay diiwaangaliyeen
xadgudubyo lagu gaysto waxsoosaarka warbaahinta kuwaasi oo ay ka mid yihiin,
shaqsi weerar, soo gudbin warar iyo xogo aan sugnayn, iyo iyagoo joogtaystay in
hawl-wadeeno badan oo warbaahinta ahi u soo gudbin wararka iyo dhacdo
wareedyadu sida ay u dheceen balse u soo gudbiya sida ay iyaga wax ugu goynayso
ama ay jecel yhiin. Sidoo kale, iyadoo arimaha lagu majeerto warbaahinta
dimuquraadiga ay tahay tan dhiiri galisa nidaamka iyo kala dambaynta ayay taasi
lidkeeda warbaahinta Somaliland waxay dhiirigalisaa ku dhaqanka sharcidarada
iyo burburinta nidaamka iyo kala dambaynta dalka ka jirta tusaale kooban,
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ayaa diiwaan galiyay shantii bilood
ugu horeeyay sanadkan 2013 in ka badan 50 war (news article) kuwaasi oo ay lagu
baahiyay warbaahinta qoraalka ah, ta muuqaal araga ama TVs iyo mareegaha
internetka iyagoo leh Gudoomiyaha Ururka Siyaasadeedka Xaqsoor, qaanuun ahaan
waa urur aan dalka uga jirin. Dadbadan ayaa is waydiinaya Saxaafada Somaliland
ma iyadaa bixisa Liisamada lagu furto ururada Siyaasada?
Saxaafada
Somaliland ayaa la oran karaa waxay ku guuldaraystay in ay wararka ka soo
wariyaan qaybaha bulshada Somaliland ugu badan oo ah reer guuraaga, sidoo kale
warbaahinta Somaliland waxay ka aradan tahay xirfadaha cilmi baadhista
saxaafadeed (investigation journalism skills) taasi oo bulshada iyo
dalkaba ay kaga baaqato in aanay helin xogo iyo macluumaad muhiim u ah nolosha
dhaqan dhaqaale ee shacabka Somaliland, tusaale, duruufaha caafimaad,
waxbarasho, dhaqaale, dhaqan ee ka jira dalka Somaliand oo ay ku duugan yihiin
xogo aan la soo koobi karin oo haddii la helo sababi lahayd culays la saaro
cidii u xilsaarayd si ay isbedel ugu samayso.
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay rumaysan yihiin in duruufaha
haatan ay ku sugan tahay warbaahinta mid loo isticmaalo qaabab ka baxsan
anshaxa Saxaafadeed ee uu leeyahay dal dimuqaadi ah oo leh dastuur ilaaliya
xuquuqda aadamahu. Markaad u dhabo gasho wararka ay warinayaan warbaahintu waxad
ogaanaysaa in qaarbadani aanay ku salaysanayn il wareed toos ah oo jira, balse
taasi bedelkeeda ay ku salaysan yihiin ikhtiyaarka suxafiga qoraya ama hay’ada
warbaahineed ee warka warinaysa, taasi oo keenaysa in uu/ay sida ay u jecel
yihiin iyagu warkii in ay u sheegaan ama
u qoraan.
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay aaminsan yihiin Saxaafada
Xorta ahi in ay halbowle lagama maarmaan ah u tahay dal iyo bulsho xor ah.
Talaabada
ugu horaysa ee qalalaasaha saxaafadeed ee ka jira Somaliland lagu daboqaban
karo waxay u u arkaan Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga
Somaliland in ay tahay meelmarinta xeerar iyo shuruuc ku ilaalisa mihnada
saxaafada dalka iyo hawlwadeenadeedaba mabaadii’da udub dhexaadka u ah saxaafad
xor ah oo waafaqsan nidaamka dimuquraadiga ah dhaqan suuban ee diinta islaamka,
shuruucdaasi waxa ka mid ah Xeerka Anshaxa Suxufiyiinta Dalka oo heer qaran ah,
samaynta xeerka Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland
waxay suurto galin karaan in ay dalka keenaan aqoonyahano iyo khuburo
caalami ah oo gacan ka gaysta samaynta
Xeer Anshax Saxaafadeed oo Qaranku yeesho.
Waxa kale
oo ay Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland daruuri u
arkaan in bulshada Somalialnd hesho halkii ay uga dacwoon lahaayeen
xadgudubyada loogu gayusto mihnada Saxaafada, EEBE naxariistii jano haka
waraabiyee Abwaan Gaariya Tixdiisii ERGO waa kii ku lahaa, DAMBI UU
BADHLEEYAHAY NIN DAWEE LA LEEYAHAY INUU DAARO MA OGOLA DAARAATA NABARKA AH, Sidaasi
darteed Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay ku
baaqayaan in qaabka looga dacwo tagayo Warbaahinta dalka aanay qab ku yeelan
dhamaan dadka ku foogan hawlqabadada Warbaahinta ee shaqada markaasi ku jiraa,
balse waa in ay noqotaa qaab ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada,
goloyaasha sharcidajinta iyo culimada diinta.
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, iyagoo u arkaan danaha iyo
masaaliixda Qaran ee dalka Somaliland in ay yihiin qaar lama taabtaan ah,
ilaalintoodana waxa umadda uga masuul ah hadba xukuumada talada dalka loo
doorto ee haysa.
Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay halkan maanta warbaahinta
uga cadaynayaan in Xayiraada Maxkamada Maroodijeex Saartay Wargayska Hubaal
aanay kasbanin cambaaraynta Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland,
go’aankaasina waxa difaacayaashu qaateen kadib markii aanu xogogaal u noqonay
in wargaysku baahiyay warar aan sal iyo raad toona lahayn oo waxyeelona u
gaystan kara xidhiidhka lamataabtaanka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo wadamada
dariska ah.
Dhiilo ka soo yeeraysa
dhinaca garsoorka somaliland
Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay
ka war heleen fal dhabar-jab ku ah hay’adaha garsoorka Somaliland kaasi oo uu
ku kacay Gudoomiyaha Maxkamda Racfaanka Somaliland kadib markii uu ku daray
Kaaliyayaal iyo shaqaale ka tirsan Garsoorka oo uu shaqada uga cayrinayay arimo
habsan iyo maqnaasho badan uu ku daray muwaadin Kaaliye ah oo aan isagu hal
maalin iyo hal saac toona aan ka maqnaanin shaqadiisa kaasi oo sida ku cad
warqada lagu socodsiiyay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gob. Maroodijeex ee ku
taariikhaysan 30/03/2013 sumadeeduna tahay MDH/2/A/DH/10/13 kuna
saxeexan yahay C/raxmaan Xasan Bile oo ah Garsooraha Makamada Degmada Axmed
Dhagax, Ujeedadeeduna tahay Warbixin ku saabsan Kaaliye Kayse Axmed Faarax
oo ka hawlgala Maxkamada Deg. Axmed Dhagax oo shaqadii iyadoo aan waxba lanaga
waydiinin laga eryay, kadib markii la yiri waa la garan waayay meel uu joogo
iyadoolaga soo bedelay Burco.
Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo
kiiskan si qoto dheer u baadhay waxay ogaadeen in si sharci ah Wasaarada
Cadaaladu Kaaliye Kayse Axmed Faarax uga soo bedeshay Maxkamda
Deg. Burco una soo bedeshay Maxkamada Gob/Deg. ee Hargeysa, sida ku cad
wareegtada uu ku saxeexan yahay Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed
Caydiid ee ku taariikhaysan 19/04/2012.
Sidoo kale markaanu helay warqada uu ku saxeexan yahay Kaaliyaha
Sare ee Maxkamada
Degmada Hargeysa ee ku taariikhaysan 23/04/2012,
sumadeeduna tahay MDH/22/12, ujeedadeeduna tahay Hawlgalin Kaaliye
Kayse Axmed Faarax, taasi oo lagu socodsiiyay Garsooraha ka hawlgala Waxda
Maxkamada Degmadda M/Haybe, iyadoo warqadan lagu sheegay “iyadoo maxkamada
Degmada Hargeysa fulinaysa qoraalka Wasiirka Cadaalada ee ku taariikhaysan 19/04/2012
in Kaaliye Kayse Ahmed Faraax ka hawlgalo waaxda uu joogo garsooraha warqada
lagu socodsiiyay”.
Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa
ogaadeen in sifo sharci ah uu Kaaliye Kayse shaqadii loo soo bedelay ku galay
isla markaasina masuuliyiintii uu ka hoos shaqaynayay ay cadeeyeen in aanu
maalin iska dhaafoo saacad ka maqnaan shaqadiisa isagoo bay yiraahdeen u guta
sida ugu wanaagsan ee Kaaliye looga baahan yahay, Sidaasi awgeed Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan SHAQO KA
CAYRINTA muwaadin Kayse mid BAR MADOW ku ah guud ahaan cadaalada iyo
garsoorka dalka, waxana lagu xadgudubay xuquuqdiisii muwaadinimo iyadoo dhinaca
kalena lagu tuntay dhamaan xeerarkii iyo qaanuukii shaqaalaha dawlada taasi oo
si toos ah sababteeda uu u leeyahay Gudoomiyaha Maxkamda Racfaanka Gob.
Maroodijeex Cabdirashiid Duraan.
Marka madaxdii iyo Garsoorayaashii ugu sareeyay Hay’adaha Garsoorka
dalkeenu ay iyaga laftoodii dulmi iyo tacadi aadaminimada ka baxsan u
gaysanayaan shaqaalahoodii, malaga filan karaa in adeeg cadaalad iyo dhex ah
dadwaynuhu ka helaan.
Xadgudubyada xuquuqda ra’yi dhiibashada iyo cabiraada
Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan
ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay cambaaraynayaan xadhiga sharcidarada ah
ee ciidamada amaanka Somaliland xoriyadiisii kaga qaadeen Mawliid Aden Cumar
oo loo xidhay kadib markii uu maqaalo uu ku dhaliilayo adeega Baanka Dhexe ee
Qaranku uu umadda u hayo uu ku qoray warbaahinta dalka.
Mudo todoba maalmood ah ayuu mawliid ku xidhan yahay saldhiga dhexe
ee Hargeysa, waxana Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland u aqoonsadeen muwaadin u xidhan
fikirkiisa (Prisoner of Consceince).
Sidoo kale waxa isna sidaasi oo kale maqaalo aragtidiisa uu ku
cabiray dhawaan Ciidanka Booliska ee Dambi Baadhistu sifo ka baxsan sharciga ugu
xidheen Saldhiga Dhexe ee Hargeysa Muwaadin lagu magacaabo Cumar Goodaad oo ka
soo jeeda beelaha la haybsooco kana mid ah aqoon yahanada faro ku tiriska ah ee
ka soo qalin jabiyay dhawaan Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa.
Ugu dambayn Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga
Somaliland, ayaa xogogaal u noqday muwaadin ka soo jeeda gobolka Sool oo
da’diisu marayso 80 sanadood, uu mudo 4 bilood ah ugu xidhan xabsiyada Caynabo
iyo Burco sifo ka baxsan sharciga dalka. Muwaadinkan oo wiil uu adeer u yahay
gaadhi dhaawac fudud oo gacanta ah ugu gaystay nin magaalada Caynabo arintaasi
darteedna uga yimi miyiga bari ka xiga magaalada Laascaano isla markaasina
bixiyay badhigooyo dhan US$3330 ayaa xadhigiisan waxa lagu sheegay maadaama uu
yahay nin reer barri ah haddii la sii daayo waa la waayayaa.
TALO SOO JEEDIMO
Ku: Xukuumada Somaliland
- Xukuumadda waxanu ugu baaqaynaa in ay cadaalada horkeento askartii ka tirsanayd ciidanka Booliska ee weeraray Xarunta Wargayska Hubaal, kuwaasi oo dhaawac u gaystay mid ka mid ah hawlwadeenada wargayska. Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, weerarkan waxay u arkaan mid xili xaasaasi ah oo lagu soo qaaday qaranimada iyo madaxbanaanida dalka xili Madaxwaynaha iyo masuuliyiinta ugu saraysa ee xukuumadiisu ku gudo jirto wadahadalo heer caalami ah oo ku saabsan masiirka iyo xaqa aayo ka tashi ee qaranka Somaliland. Sidaasi darteed, dib u dhaca iyo jiitanka kiiskan ku saabsani walaac hor leh ayuu ku abuurayaa difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland, waxana aanu xukuumada ka dalbanaynaa in sida ugu dhaqsaha badan cadaalada u horkeento eedaysanayaashii qaar kood lagu qabtay iyagoo weerarkan gacanta kula jira.
- Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasaarada Warfaafinta waxa aanu ugu baaqaynaa in ay samayso shuruuc iyo xeerarkii kobcin lahaa guud ahaan warbaahinta dalka mid gaar ah iyo mid xukuumi ah labadaba.
- Masuuliyiinta Sarsare ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland waa in ay ka waantoobaan shaqo qorista ku salaysan qabiilka iyo qof jeclaysiga taasi oo ka dhigtay wasaaradii iyo adeegii muhiimka ahaa ee ay qaranka u haystay xeradayadu waa wada ul oo ul la qaato ma leh.Taasi bedelkeeda masuuliyiinta Wasaarada Warfaafintu waa in ay u hawl galaan sidi ay tusaale wanaagsan ugu noqon lahaayeen dhamaaan warbaahinta dalka iyo jiilalka cusub ee mihnada warbaahinta soo galaya.
- Waa in Wasaarada Wafaafinta Somaliland curisaa sidii dalka looga furi lahaa idaacado ka madaxbanaan siyaasad, kuwaasi oo loo adeegsan karo dhinacyada horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo wacyigalinta arimaha muhiimka u ah fayoqabka dad iyo deegaan labadaba.
- Wasaarada Cadaalada waxanu ugu baaqaynaa in ay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu celiso Kaaliye Kayse Axmed Faarax shaqadiisii oo si aadaminimada iyo wadaninimadaba lid ku ah uu uga cayriyay Gudoomiyaha Maxkamda Racafaanka Gob. Maroodijeex
- Wasiirka Arimaha Gudaha JSL waxanu ugu baaqaynaa in degdeg xoriyadiisa ugu soo celiso Muwaadinka Mawliid Aden Cumar.
Warbaahinta Dalka ee Gaarka ah &
Ururadooda Saxaafada
Waa in ay dhaafaan heerka isku hiilinta (Advocacy NGO) oo ay suurto
galiyaan horumar dhinaca aqoonta iyo xirfadaha saxaafada ah oo ay helaan hawl-wadeenada
hay’adaha warbaahineed ee xubnaha ka ah ururadoodu, Ururada Saxaafada
madaxabanaan laftigooda maamul ahaan iyo aqoontii urur saxaafadeed looga
baahnaa malaha, marka la is barbardhigo warbixihimaha uu soo saaray ururka
Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA sanadihii 2011 iyo 2012, iyo warbiximaha uu
soo saaro Ururka Suxufiyiinta Somalia ee (NUSOJ) waxa kuu soo baxaysa in ururka
suxufiyiinta Somaliland yihiin eber (0):
Click here for SOLJA annual reports on 2012 and 2011 respectively
Click here for NUSOJ annual report
Ururada Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland waa in ay ka baxaan
go’doonka ay kaga jiraan dhigooda Wadamada Geeska/Bariga Afrika ka jira iyo
guud ahaan dunida, si ay u suurto gasho in aad la wadaagtaa waayo’aragnimada
iyo khibrada iyo sidoo kale fursadaha jira ee dhinacayada tababaro, waxbarasho,
helitaan xifado cusub ama/iyo agab/qalab warbaahineed.
Ku: Bulshada Caalamka iyo Deeqbixiyayaasha Warbaahinta
Xorta ah
Doorka Bulshada Caalamka iyo Deeqbixiyayaasha Warbaahinta Xorta ah
ay ku leedahay qalalaasaha saxaafadeed ee ka jira Somaliland yaanu ku koobnaan
oo kali ah cambaarayn balse maadaama oo nidaamka Somaliland ka jira uu suurto
galiyay Saxaafad Xor ah oo naadir ku ah
Qaarada Afrika iyo guud ahaan dunida seddexaad, waxa Somaliland uga baahantahay
taageero wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo dhinaca aqoonta iyo xifadaha
Saxaafadeed ee kala duwan in ay siiyaan guud ahaan warbaahinta xukuumada iyo
tan madaxbanaan ee dalka Somaliland ka jirta.
N.B.
Cidii u baahan tafaasiil
iyo cadaymo dheeraad ah oo ku saabsan arimaha lagu xusay warbixintan hala soo xiriiraan
hornwatch@yahoo.com, ama xuquuq@gmail.com ama 00252 63 4429552
Suleiman Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha Gudidia Ilaalada Xuquuqda Aadamiga
Geeska Afrika (HORNWATCH)