Jonathan Starr, Abaarso Tech Principle and Mubarik Mohamoud |
Mubaarig Maxamuud oo ka mid ah ardayda sannad koodii
afaraad dhamaysaynaysa kana qalin jabinaysa dugisga Abaarso Tech ayaa ka helay
warqad ogalaansho jaamaacada Massachusetts Institute of Technology taas oo ku
magac dheer MIT.
Warar ka soo baxay wadanka Maraykanka ayaa dhawaan u
aqoonsaday jamacadan MIT kalinta koobaad xaga engineerka kalinta labaadna
ugasha xaga businesska.
Mubaarik waxa uu ka mid noqday 5 arday ee ilaa hada laga
soo aqbalay jamacado Maraykanka ah ardaydanoo ah fasalka koobaad ee Abaarso
Tech ka qalinjabiya. Tani waxa raacsan 6 arday 00 hada ku sugan wadanka
Maraykanka iyo ardayga South Africa ku was oo kamid ah fasalkan ugu horeeya
eeka qalinjabinaya Abaarso Tech. Hadii Alle eedmo Waxa rajo ah in ardayda
sanadkan qalinjabinysa qaar badan oo kamidi hesho deeqyo kale oo waxbarasho
inta aanu sanadku dhamaan.
Jonathan Starr, maamulaha dugsiga Abaarso Tech, ayaa
yidhi sida tan “Mar kasta anagu waan ku faraxnaa maraka ardaydayadu hesho deeqo
waxbarasho dugisiyo iyo jamacado heersare, lakiin maxaa laga odhan karaa
fursadan qaliga ah ee uu Mubarik ka helay jamacada ugu saraysa xaga
engineerinka ee caalamka? Marka la dhaafo inuu ku koray wadankan ka soo kobcaya
dagaal sokeeye, ardaygan da’da yari waxa uu ka soo jeeda qoys danyar ah
maantana waxa uu gaadhay heer layaab leh. Ardaygani waxa uu wadada u furayaa
macalimiinta iyo ardayda timaadda Abaarso Tech sannadada soo socda.”
Harry Lee, gacanyaraha maamulka dugsiga Abaarso ayaa ku
daray, “ Mubarik ogalaanshi hiisu waxa uu cadaynayaa ardayda dugisga Abaarso ee
si hufan oo xad dhaaf ah u dadaalaysa si ay u helaan fursado qaaliya.”
Mubaarig Maxamuud ayaa yidhi, “ Waa riyo dhabowday in MIT
isoo aqbasho iyadoo jamacadni aqbasho ardayda calaamka ugu saraysa. In la isoo
aqbalo laina bar bar dhigo ardayda waadamada Marykanaka, China iyo Thialand
ayaa iga dhigtay in aan ku hanwaynaado dugisgayag Abaarso Tech, Wadankayga iyo
naftayda. Jamacadii aan galaba hada mustaqbalkaygu aad ayuu u horumarsanyahay
mana sugi karo bilaabitaanka noloshada jaamacadeed.”
Mubaarig waxa uu wali sugayaa in uu ka maqlo jaamacado
Maraykan ah oo aad u heer sareeya, ka dibna waxa uu dooran doona jaamacada uu
rajeeyo Insha Allah.