Search This Blog

Thursday, May 9, 2013

Somaliland : Arday dhigta Abaarso Tech oo Deeq Waxbarasho ka helay Jaamacadda Caalamiga ah Ee MIT


Jonathan Starr, Abaarso Tech Principle and Mubarik Mohamoud

Mubaarig Maxamuud oo ka mid ah ardayda sannad koodii afaraad dhamaysaynaysa kana qalin jabinaysa dugisga Abaarso Tech ayaa ka helay warqad ogalaansho jaamaacada Massachusetts Institute of Technology taas oo ku magac dheer MIT.

Warar ka soo baxay wadanka Maraykanka ayaa dhawaan u aqoonsaday jamacadan MIT kalinta koobaad xaga engineerka kalinta labaadna ugasha xaga businesska.

Mubaarik waxa uu ka mid noqday 5 arday ee ilaa hada laga soo aqbalay jamacado Maraykanka ah ardaydanoo ah fasalka koobaad ee Abaarso Tech ka qalinjabiya. Tani waxa raacsan 6 arday 00 hada ku sugan wadanka Maraykanka iyo ardayga South Africa ku was oo kamid ah fasalkan ugu horeeya eeka qalinjabinaya Abaarso Tech. Hadii Alle eedmo Waxa rajo ah in ardayda sanadkan qalinjabinysa qaar badan oo kamidi hesho deeqyo kale oo waxbarasho inta aanu sanadku dhamaan.

Jonathan Starr, maamulaha dugsiga Abaarso Tech, ayaa yidhi sida tan “Mar kasta anagu waan ku faraxnaa maraka ardaydayadu hesho deeqo waxbarasho dugisiyo iyo jamacado heersare, lakiin maxaa laga odhan karaa fursadan qaliga ah ee uu Mubarik ka helay jamacada ugu saraysa xaga engineerinka ee caalamka? Marka la dhaafo inuu ku koray wadankan ka soo kobcaya dagaal sokeeye, ardaygan da’da yari waxa uu ka soo jeeda qoys danyar ah maantana waxa uu gaadhay heer layaab leh. Ardaygani waxa uu wadada u furayaa macalimiinta iyo ardayda timaadda Abaarso Tech sannadada soo socda.”

Harry Lee, gacanyaraha maamulka dugsiga Abaarso ayaa ku daray, “ Mubarik ogalaanshi hiisu waxa uu cadaynayaa ardayda dugisga Abaarso ee si hufan oo xad dhaaf ah u dadaalaysa si ay u helaan fursado qaaliya.”

Mubaarig Maxamuud ayaa yidhi, “ Waa riyo dhabowday in MIT isoo aqbasho iyadoo jamacadni aqbasho ardayda calaamka ugu saraysa. In la isoo aqbalo laina bar bar dhigo ardayda waadamada Marykanaka, China iyo Thialand ayaa iga dhigtay in aan ku hanwaynaado dugisgayag Abaarso Tech, Wadankayga iyo naftayda. Jamacadii aan galaba hada mustaqbalkaygu aad ayuu u horumarsanyahay mana sugi karo bilaabitaanka noloshada jaamacadeed.”

Mubaarig waxa uu wali sugayaa in uu ka maqlo jaamacado Maraykan ah oo aad u heer sareeya, ka dibna waxa uu dooran doona jaamacada uu rajeeyo Insha Allah.

No comments: