Search This Blog

Monday, December 17, 2012

Itoobiya Oo Daahir Rayaale U Xulatay Masuulkii Ugu Mudnaa Ee Uu Meles-sanewi Madaxda Shanta Somaliyeed Kala Kulmay




Sawiradda Madaxdii Adduunka Ee Meles Zenewi La Kulmay Intii Uu Noolaa Oo Addis-ababa Lagu Soo Bandhigay Iyo Daahir Rayaale Oo Somalida Kaga Jira

ADDIS ABABA (Waaheen) – Wasaarada arimaha dibada ee dalka Ethiopia ayaa ku soo bandhigtay badhtamaha Magaalada Addis Ababa sawiro aad u faro badan oo ah Madaxweynayaasha caalamka, Reysal Wasaarayaal & madax kale oo adduunka miisaan ku leh sida xoghayayaashii Qaramada Midoobay u kala dambeeyay, sida Kofi Annan & Ban Ki Moon, kuwaasi oo uu mid mid ula sawiran yahay Reysal Wasaarihii dalkan Ethiopia ee geeriyooday Melez Sanawi.

Daahir Rayaale Kaahin
Sawiradda masuuliyiinta la sawiran raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya ayaa wasaarada arimaha dibada Ethiopia ay ku sheegtay inay yihiin dadkii ugu qiimaha badnaa uguna miisaanka cuslaa ee uu la kulmay Reysal Wasaare Melez Sanawi, loogana jeedo xasuus iyo qiimayn loo samaynayo Raysal-wasaarihii hore ee dalkaasi.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa ah qofka keliya ee Madaxdii Meles Senaawi Somalida kala kulmay guud ahaantood lagaga soo daray sawiradaa lagu sheegay inay yihiin dadkii ugu qiimaha badnaa ee uu la kulmay Reysal Wasaare Melez Sanawi.

Goobta sawiradan lagu soo bandhigay oo ah garoonka weyn ee dabaal dega ee Magaalada Addis Ababa ayaa Wariye Barkhad Cadillaahi Maxamed oo ka tirsan bahda Oodweynenews.com kula kulmay dad aad u badan oo Itoobiyaan ah oo daawanaya sawiradaasi, gaar ahaan iyagoo isha ku hayey sawirka Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo mararka qaar ay ku soo xoomayeen dad badan oo doonayey in ay arkaan.

Qaar kamida dadkii Ethiopianka ahaa ee sawirkaa daawanayey oo Wariyuhu weydiiyey inay garanayaan qofka uu yahay ayaa si fudud iigu sheegay inuu yahay Madaxweynihii hore ee Somaliland.

Haddaba arinta muhiimka ah ee la is weydiin karo ayaa ah Reysal Wasaarihii hore ee dalka Ethiopia Melez Sanawi waxa uu la kulmay madax aad u faro badan oo Soomaali ah, sida Madaxweynayaashii u kalla danbeeyey Maamuladii ku meel-gaadhka ahaa ee Koonfurta Somaliya, Puntland iyo weliba
Madaxweynayaashii soo maray Somaliland, laakiin xukuumada dalka Ethiopia sawiradan ay soo bandhigtay oo fagaarahaa lagu soo dhejiyey markii uu gerriyooday Melez Sanawi ayaa qofka kelliya ee ay kaga soo dareen dadka afsoomaaliga ku hadla oo dhan uu noqday Madaxweynihii hore ee Somaliland Mdane Daahir Riyaale Kaahin.

Dadka reer Somaliland oo aragtiyo iska soo horjeeda ka qabba Madaxweyhihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa haddana dowlada Ethiopia oo ah dowlad awood badan oo siyaasadeed & Mid dhaqaale ku leh geeska Africa ay u doorteen inuu ka mid yahay dadkii ugu qiimaha & Mudnaanta badnaa ee uu la kulmay Reysal Wasaare Melez Sanawi.

Marka laga hadlayo dadka afka Soomaaliga ku hadla ee uu la kulmay melez Sanawi ayaa waxaa iyaduna mid la is weydiiyo ah Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xidhiidh aad u dhow la lahaa dalka Ethiopia & Reysal wasaare Melez Sanawi, kaasi oo aan ku jirin sawiradaa ama aan lagu soo darinba.
Wariyaha ayaa tilmaamaya in sawirada uu halkaasi ku soo arkay ay ahaayeen kuwo aad looga soo shaqeeyay oo aad u qurux badan, waxaana maalin kasta safaf dhaadheer ugu jira dad itoobiyaan iyo Caddaan ah oo sawiro ka qaadanaya Sawiradan.

Sawiradan Madaxda Somalida lagaga soo daray Daahir Rayaale Kaahin, ayaa muujinaysa miisaanka siyaasadeed uu Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ku lahaa Itoobiya iyo Mandaqada, maadaama oo guud ahaan Madaxda Somalida oo dhan isaga loo xushay inuu yahay Masuulkii ugu mudnaa ee uu Meles Zenewi kala kulmay Somalida.

Fresh Violent Rallies Started two main villages in Hargeisa after Election Commission published the final results of Moroodijeex region



SEVERAL hundreds of youth massed in Ida’ada neighborhood of Hargeisa on Sunday to protest against changes to the disputed Municipal Council election results.


The National Election Commission (NEC) on Friday published the final results for Hargeisa district elections after a recount following the rejection of earlier publications. The recount of Hargeisa’s main municipalities threw up some interesting results but directly affected four Councillors and two political associations. The new data showed a reduction of almost 7 percent to the 6th December 230,000 voters.

Two Councillors previously elected according to the NEC’s preliminary results failed to retained their seats after the recount and this reverse has sparked the latest protest.

The two previously declared winners, Fuad S. Abi and Khadar H. Ali, were elected from the Ida’ada municipality. They immediate replacement by the NEC has angered the residents and backers from the northeast neighborhood.

The youth who demonstrated burnt tires and blockaded several roads with stones before they were dispersed by security forces.

Political tensions have surged in Somaliland following the recent district and council elections that many rejected as fraud.

At least ten people have been killed by security forces since the Nov. 28th vote. The results for Marodi Jeh region, Sanaag and Sool are yet to be made public due to massive disputes. The most serious case is said to be that one surrounding Erigavo Municipal Council, the provincial capital of Sanaag. The NEC office has been shelled with live ammunition several times by armed men and are refusing to the let the commission transport the results back to Hargeisa.

A record number of 2,368 candidates are contesting the polls.


Unlike last week’s demonstration that left more than three dead, no serious violence has been reported in the latest protest in the capital thus far.

"Letters From Somalia": Dreams of Education in a War Torn Land


By Rohini Bhaskar



Maryam, a doctor in charge of an SOS clinic
in Badbado. Photo courtesy of Jens Honore.
12/14/2012: Once upon a time, Somalia was one of Africa’s most prosperous and thriving commercial centers. However, because of an ineffective government, civil war, famine and disease, it has become the world’s poorest and arguably most violent country. In the face of famine and poverty, people have been fighting cholera, diarrhoea and HIV.  Around 40% of Somalis need humanitarian assistance. Mogadishu, the capital of Somalia is home to 1.3 million. The SOS Children’s Village in the capital city faces extreme challenges due to the country’s highly volatile environment. Extreme violence in 2011 caused families and children from the SOS Village to be displaced from their homes and moved into neighboring safe zones. Roadblocks by various forces and militia made free movement impossible. Children couldn’t attend school, colleges were not accessible to the youth and the sick were left uncared for.

But even in the face of such terror, the people of Somalia remain strong and brave, and wish for their children to become educated. They are strong-willed and determined to make sure their children lead normal lives. Children have dreams and aspirations, despite living in such unfavorable conditions.

"Letters from Somalia"

“Letters from Somalia” was part of a class exercise that a number of children and youth from the SOS Children’s Village Mogadishu participated in it. Below are excerpts that provide a remarkable insight into this community of resilient, extraordinary people.

Students learn the alphabet in
a child friendly space at the Badbado IDP camp
 in Mogadishu. Photo courtesy of Ms. Hilary Atkins.
In a small rented home filled with SOS children and other families, Ali, a 14-year old emerges. Ali’s mother repeats her mantra to him, “education is the key to life”.  Ali’s mother and a lot of other mothers have put on a brave face to shield their children from the fears and concerns they all share. Thus Ali’s dream lives on. He dreams of becoming a doctor.

Hoping to maintain a normal routine for children, the SOS Village director Osman Shukri planned well in advance with SOS Mothers, teachers and colleagues, alternative places to conduct classes and lectures. He did not want education to be disrupted at any cost.

Ali’s friend Ahmed emerges from a tiny overcrowded room and says proudly “I take 12 subjects like; chemistry, physics, math, English, Arabic, biology, geography, history, Somali and computer studies.”

A malnourished child at the SOS Emergency clinic
 in Badbado, Somalia. Photo courtesy of Jens Honore
Fatuma, who attends college half an hour away, is happy that her education has not been disrupted. The upheaval of the past two decades has prevented many people from completing their education, especially women. This will not be the case with Fatuma who takes inspiration from her best friend in school. “We help each other as friends” says the 17 year-old who is considering her career options. Attending the Nursing School at the SOS Vocational Training Centre is on her list.

Gunfire, shelling, violence, war and disease have not been able to shake the will-power and determination of these Somalis. The hopes of children to return to their homes will soon become a reality. The SOS facilities are undergoing repair and will be able to welcome its children and Mothers back in 2013.

Sunday, December 16, 2012

Family's plea over Somaliland custody death


The family of a man who died in police custody in East Africa is demanding answers about his death.
Abdullahi Ibrahim, 43, from Bow in east London, who was diagnosed with schizophrenia, died on a visit to an area called Somaliland.
He died on 28 November, hours before he was due to stand trial for running over a police officer.
BBC London has been unable to contact the authorities in the self-declared independent Somaliland for a response.
Mr Ibrahim's family said local officials were looking into the case.
His daughter Khadra, 26, said: "He was the most generous man you could come across.
Faxed medical records
"He helped everybody and anybody. Anyone who knows him in the community would tell you he was a lovely man."
Mr Ibrahim was visiting relatives when his family said his medical condition deteriorated and he was arrested.
His daughter faxed over his medical records hoping the authorities would recognise him as being mentally ill and spare him a possible death sentence.
Mr Ibrahim's daughter claimed he had bruises on his body and his teeth were missing.
"No-one has been arrested, no-one has been accused of anything," she said.
"We want justice for my father."
A Foreign and Commonwealth Office spokesman said it was in discussions with the British Embassy in neighbouring Ethiopia about the death and providing assistance to the family.

EEBOOW KA SOO GAADH JICIIR IYO UURCADE MAGAALADA HARGEYSA EEBOOW MUSTAQBALKII UBADKAY CUNEEN EE IFKA UGU SOO QADIN CADAABKAAGA

December 15, 2012
 

Waxan halkan ka salaamayaa dhammaan muwaadiniinta dhabta ah ee reer-Somaliland.  Marka labaad waxa ayaan darro ah in ay wali laalantahay ku-dhawaaqista sidii loo kala helay doorashadii ka dhacday degmada Hargeisa.  Waxa loo badinayaa hadal-haynteed aad la isula dhex-marayaa in murankaa iyo qalalaasahaa ka dhacay caasimadda Hargiesa uu gacan weyn ku leeyahay Maayar-Jiciir, waayo isaga dan ayaa ugu jirta in doorashadaa la isku qab-qabsado oo haddii au u suurto gashana gabigeedaba la baabi?yo si isaga iyo xaaraan-quutayaasha ka ag-dhaw uu cimrigu ugu sii dheeraado inta ay is-kaba-raacinayaan jajabsiga iyo ruugidda lafiyihii ka soo hadhay dhulkii danta-guud ee hareeraha iyo gudaha caasimadda Hargeisa, waaba haddii ay wali wax uga hadhsanyihiine, waxayse aad u jecelyihiin in ay sii leef-leefaan oon waxba looga dambaynin.

Habeen wal oo ay ku dhawaaqista go?aankii doorashooyinka degmada Hargeisa dib usii dhacdaaba wuxuu caasimadda Hargeisa u yahay habeen baas oo murugo leh, waayo wuxuu ku sii dheeraynayaa dhibaatada iyo dib-u-dhaca ay ku hayaan Maayar-Jiciir iyo xulafadiisa ma-naxayaasha ahi; Maayar-Jiciirna waxay u tahay bash-bash iyo badhaadhe waayo ma doonayo in uu gacanta kala baxo subaggaa dufanka badan ee uu sida dhib-yaridah u malafsanaayo, wayse ka qarsoontahay oo ma oga in uu balaayo iyo baas caloosha ka buuxsaday oo uu goor aan fogayn si weyn uga qoomamayn-doono.

Waxaynnu Ilaahay ka baryeynaa in uu Maayar-Jiciir iyo Ina-Uurcadde si deg-deg ah ummadda reer-Somaliland iyo caasimadda Hargeisaba uga soo gaadho si dibin-daabyadooda iyo boobka bilaa-naxariista ah ee ay dhulka iyo ummaddaba ku hayaan looga raysto, kuwo khayr-qaba oo daacdnimo ummadda ugu shaqeeye oon ka shaqaysanna oo beddelkooda keeno.

Wa-Billaahi-Tawfiiq

Somaliland-ha-noolaato
Fareh Abdu Mohammed

farehabdu@yahoo.com

Wasiirka Madaxtooyadda oo ay dhalinyaro Reer Axmed Dhagax ahi ku hor istaageen Cisbitaalka Adna oo uu Xaaskiisa keenay


Dadweyne u badan Dhalinyaro ayaa caawa fiidkii ku soo xoomay Cisbitaalka Adna Maternity ee magaaladda Hargeysa oo uu ku sugnaa Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi  X Cali  Xasan, kaasoo keenay xaaskiisa.
Dhalinyarada Cisbitaalka Hor tumani waxay ku dhawaaqayaan in loo soo saaro Xirsi, balse Adna Aadan oo ku sugan ayaa la sheegay inay u soo baxday si ay u kala dareeriso, hase yeeshee ilaa hada waxa la sheegayaa qaarkood inay diidan yihiin.
Dad goob jog ah oo Waaheen u soo waramaya ayaa sheegaya Xirsi inuu wali ku sugan yahay Cisbitaalka oo ay u suurtogeli kari la’dahay inuu ka soo baxo.
Short URL: http://waaheen.com/?p=55614

Xukuumadda oo ku jirta qal-qaalo ay ku Iibinayso Hotelka Dawladda ee Hargeysa Club



Saturday, December 15th, 2012

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta ayaa qoraal ay ku Amrayso inuu ku baneeyo Hotelka u qortay Maareeyaha Hargeysa Club, qoraalkaasoo lagu xusay inaanu wax faa’iido ah u soo hoynin Dawladda.

Inkasta oo aanu qoraal kaasi Waaheen si rasmi ah u soo gaadhin, hadana waxa u xaqiijiyay Ilo wareed rasmi ah oo arkay Amarkaasi ay wasaaraddu ku dalbanayso in lagu baneeyo.

Ilo wareedkaasi waxa uu sheegay in ay Xukuumaddu qorshaynayso maadaama aanu Hotelka Dawladda ee Hargeysa Club wax faa’iido ah u soo hoynayn inay Iibiso, isla markaana wax kale ku bedelato.
Hore Xukuumaddu waxay u iibisay wasaaraddii Duulista Hawada iyadoo sheegtay inay dhisme kale u samaynayso hase yeeshee waxa ay dib u kiraysatay isla xaruntii wasaaradaasi kadib markii ay dhisi weyday meel kale.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Hawlaha Guud ba waxay dhawaan soo kala saareen Digreetooyin ay Guryaha iyo dhismayaasha Dawladda gacantooda ugu soo celin lahaayeen.
Sidoo kale Hore waxa ay Xukuumaddu u soo saartay Qorshe ay ku doonayso inay Guryaha Dawladda Iibin doonto isla markaana ay ugu bdedli doonto dadweynaha Mashaariic Horumarineed oo ay shaqo ka helaan balse ilaa hada Qorshahaasi muu hirgelin.
Toddobaadkii horwena Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu si rasmi ah ugala wareegay Gurigii uu ku jiray wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda ee xukuumaddii Rayaale C/laahi Maxamed Ducaale kaasoo ku dhegsan Xarunta Madaxtooyadda.

source: http://waaheen.com/?p=55619



Friday, December 14, 2012

Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Oo Madaxtooyaddu U Xidhay Eedaymo Ururada Xuquuqal Iisaanku U Jeediyeen Wiil Madaxwaynuhu Sodog U Yahay




Thursday, December 13th, 2012


Ciidamadda dambi-baadhista ee CID-da ayaa maanta xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

Editor-in-Chief of Waaheen, Mohamoud Abdi Jama holding his Award

Ciidamadda CID-da ayaa Wariyaha xidhay ka dib markii saraakiil Madaxtooyadda ka tirsani soo gaadhsiiyeen waaran qabasho ah oo ay ka soo samaysteen Maxkamada Gobolka Hargeysa si loo xidho Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen.

Wariye Xuuto ayaa la xidhay ka dib markii Taliyaha Ciidamadda CID-da Maxamed Muuse Abraar uu la soo xidhiidhay isla-markaana uu ugu tagay xaruntooda, iyaga oo markaa ka dib u sheegay inuu xidhan yahay, haystaana waaran Maxkamadeed.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa ciidamada CID-du u sheegeen in lagu haysto war ku soo baxay Wargeyska Waaheen, kaasi oo ku saabsanaa Wiil Madaxwayne Siilaanyo sodog u yahay oo Guddoomiyaha isku xidhka ururada xuquuqal Iisaanka Somaliland Saleebaan Xuquuq uu ku eedeeyay inuu sanad kasta boqolaal kun oo doolar ka qaato telefiishanka qaranka.

Ciidamadda CID-da ayaa Guddoomiye Xuuto u sheegay in looga baahan yahay inuu soo caddeeyo halka Wiilkaasi uu lacagtaasi kaga qaato telefiishanka iyo musuqmaasuqa uu ku kacay.

Warka baahintiisa lagu haysto Xuuto ayaa waxa uu afkiisa ka soo baxay Guddoomiyaha isku xidhka ururada xuquuqal Iisaanka Somaliland Saleebaan Xuquuq, balse Madaxtooyadda oo waarankan soo goosatay waxay ka warwareegtay inay toos u abaarto masuulkii hadalkaasi ka soo baxay, balse sida cad waxay waaran u soo samaysatay Guddoomiyaha Waaheen.

Short URL: http://waaheen.com/?p=55540