This is where you can follow the important socio-economic, geopolitical and security developments, going inside the Republic of Somaliland and Horn of Africa region
Search This Blog
Wednesday, February 13, 2013
War Deg Deg Ah: Ciidamada Amaanka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Boqor Raabi oo dhawaan ka soo laabtay Muqdisha
Ciidamadda Booliska Somaliland ayaa goor dhaweyd ka qabtay xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda duulista hawada Axmed Dalal Faarax, Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo muddooyinkii ugu danbeeyay ku maqnaa dalka Somaaliya, isagoo kaga qaybgalay shirarkii ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Lama garanaayo goorta iyo goobta uu Boqor Raabi ka soo galay Somaliland maadaama oo lagu ogaa isagoo ku sugan Dalka Dibadiisa , balse warar rasmiya ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Baligubadlemedia in Boqor Raabi uu socdaal xagga dhulka ah ku soo galay dalka. Saaka ayay ciidamadda ammaanku ka warheleen inuu ku suganyahay xafiiska agaasimaha guud ee Wasaaradda duulista hawada, kaas oo ku yaala daarta ka soo horjeeda Baar Hargaysa.
Lama oga sababta dhabta ah ee ku soo kalihisay Xafiiska agaasimaha guud iyo inay ku balan sanayeen, balse markii ay ciidamadda ammaanku ka warheleen inuu ku suganyahay dhismaha Wasaaradda duulista ayay ugu yimadeen isla markaana xabsiga uga taxabeen. Boqor Raabi ayaa tiraba dhawr jeer ka qaybgalay shirar lidi ku ah qaranimada Somaliland, siduu u sheegay Shabakadda Baligubadlemedia taliye ka tirsan laanta socdaalka Somaliland, ma jirin wax cafis ah oo loo fiday Boqor Raabi iyo miduu soo dalbadayba, isagoo taliyaha oo ka cudur daartay in magaciisa la xusaa noo cadeeyay in Boqor Raabi ku jiray dadka khiyaamada qaran kaga maqnaa dalka.
BOOBE muxuu ka yidhi Khilaafka 2da Masuul ee dalka ugu saraysa, xadhiga Nadra, Digniintii Dawladda Ingiriisku

“Ninka Nadra Hadalladeeda, wax ka soo qaadayaa xilka uu sido magacii. Wax lagu talax-tago ma aha, ee Madaxtooyada Somaliland waxaan ku odhan lahaa Nadra Maxamed Jaamac yaanay idin ku noqon Samsamtii 2013ka”
Maxaa maanta I nala gudboon?
“Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade,
Ganbo-xoorka waayaha haddii, laysu minan-guursho,
Dad uun baa ma-guurtada lahaa, goobihii baxaye,
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide,
Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede,
Nin uun baa guddoonshee xil waa, laysu gororshaaye,
Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne,”
Maansadii Gudgude ee Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Bisinka. Waa maalmihii ay ayeeyooyinkeen Tiirka Bir ah cuskan jireen, innagana Ilaahay inama seejiyo. Waan qabaa dareenkiinna. In badan oo idin ka mid ah ayaa leh ama saaka odhanaya waa kaa taxane kale bilaabay, halka ay qaarkiinna ka naxayaan. Waa intiinna biyaha uurkooda ku jira ka didaysa. Bal se waxaan jeclahay in Qormadaydan ku koobo hal maqaal oo miid ah ama rib ah, haddii uu ila taraarana kollay laba ila dhaafi maayo.
Qalin-hollashadaydan maantu kama foga hadal-haynta iyo hadaaqa bulshada Somaliland ee maanta.
Aan idiin qodobbeeyo si aad dhakhso ugu garataan:
Digniintii Dawladda Ingiriisku ugu baaqaysay muwaaddiniinteedu in ay ka soo baxaan Somaliland,
Dawladda Mareykanka oo digniintaa ku celisay muwaaddiniinteedana ugu baaqday in ay Somaliland ka soo baxan,
Xadhigga hadal-haynta batay ee Nadra Maxamed Jaamac,
Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka,
Intani waa qodobbada ugu muhiimsan ee loogu hadal-haynta badan yahay Somaliland.
Seyladaha waa lagaga sheekaysanayaa, makhaayadaha, Internet-yada, basaska dhexdooda, xaafadaha ayay kaga sheekaysanayaan iyo meelo kale oo badan. Qaarna si gurracan oo aan dal iyo dad midnaba dan u ahayn ayay uga hadlaan.
Xukuumad iyo dawladba waa la DHALLIILI karaa, laakiin in la EEDEEYAA waa hawl kale oo hubinteeda iyo soo-oogiddeda u baahan. Waxaan is-leeyahay waa labada dadka iskaga qaldan. Aan xabbad-qaado dhowrka qodob ee aan kor idiin ku soo taxay:
Digniinaha ingiriiska iyo Mareykanka:
Ingiriis iyo Mareykan waa laba dawladood oo inaga madax-bannaan oo danahooda gaar ahaaneed sida ay hadba doonayaan u maammusha oo aynaan saamayn caynkaas ah ku yeelan karin, waxna ka beddeli karin. Waxa inala gudboon oo keliya in aynaan afka iska xumeyn, in aynaan caytamin iyo in aynaan degdegin. Waxaynu u baahan nahay in aynu hubsanno waxa dhacay, gurigeennana hagaajisanno. Awalba sidaa la inaguma odhan jirin. Maxaa si’ ah haddaba? Jawaabta ama jawaabahaba in aynu baadi-goobno weeyaan.
Arrinta Nadra Maxamed Jaamac:
Waa waxaan sakaaro ka biirsan oo aan u baahnayn in la sii wad-wado. Ma hubno e’ xataa haddii ay Nadra Maxamed Jaamac hadallo aan fiicnayn qaar ka mid ah madaxda Qaranka farriin tilifoon oo aan milgahooda ahayn u dirtay, in ay u yeedhaan oo ay waaniyaan ayaa ka fiicnayd inta saldhig iyo silic-dilka laga sanqadhiyay iyo hadal-hayntan demi weyday la beeri lahaa. Maxaa loo sheeganayaa? Maalin kasta waxaynu arkaynaa cay, af-lagaaddo, meel-ka-dhac, boob iyo dhagar kale oo qaran-jebis ah oo dalkan iyo dalkanba lagula kacayo. Bal waxa dal iyo dadba haysta ee Nadra Yar carrabka lagu dhejinayo eega. Ma maqli jirteen: “fallaadhi gilgilasho, kaagma go’do.”
Ma aanu arag e’, ereyada Nadra Maxamed Jaamac lagu haystaa ma dhagarta intaa le’eg ee qaylo la og yahay ka dhacday ayay ka weyn tahay. Ninka Nadra Maxamaed Jaamac hadalladeeda, haddii ay jiraanba, u adkeysan waayay ama wax ka soo qaadayaa xilka uu sido magacii. Wax lagu talax-tago ma aha, ee Madaxtooyada Somaliland waxaan ku odhan lahaa Nadra Maxamed Jaamac yaanay idin ku noqon Samsamtii 2013ka. Waa talo, haddii aad diiddaanna waxaad ka heshaan ayaad leedihiin. Ma is-tidhaahdeen, waxa ka caqli badnaa inantii yareyd ee tidhi: “Naaska walaalkay I qabtay waa hadba sida aan ka dhigtaa.” Haddii ay dhacdayba oo Nadra yar wax ka duuleenn, ma inta gabadhaa yar ee maahmaahda laga reebay garatay ayay garan waayeen oo weliba ay luuqda sii daba-dhigayaan. Waxaan kaga baxayaa tuduc aan ka soo qaadanayo Ibraahin-gadhle oo ahaa:
“Tuug waa is-qariyaa,
Halka uu ka xado tulud,
Tahan buu ka guuraa,
Toddobaadkan Xaajow,
Mid tiriig sitaa yimid,”
Ma Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkaa:
Wax lafo-jab ah oo dhacay ma jiro. Warar rasmiya ama qoraal ah oo aynu aragnay ma jiraan. Hadallo aynaan hubin ayaa inagu soo duulaya. Madaxweynihii wuu baxay oo waa shaqo tegay isaga oo soo fulinaya hawlihii dastuuriga ahaa ee aynu u igmannay. Ma aha madaxda inta aynu dooranno in aynu ka daba qaylinno. Wax kasta oo dhacayba waxa muuqata in ay Madaxweynaha iyo ku-xigeenku arrin ku kala tageen oo midna dibadda ka soo hawl-gelayo, midna gudaha lagu og yahay oo uu ka hawl-galo.
Waxaynu nahay reer Odeygii ka maqan yahay. Waxaynu ku qasban nahay in aynu Madaxweynaha sugno oo aynaan war-baahinta ku wada hadlin. Arrintu mid qoys ma ha sida ragga qaarkii u haysto. Arrintu mid qabiil iyo mid qolo midna ma aha. Sida dadka qaarkii u haystaan ee ay shirarka u abaabulayaan. Arrintu mid qofeedna ma daarrana. Doqon iyo fiqi-duurrayaasha siyaasadda socod-baradka ku ah ayaan garanayn e’, waa mid QARAN. Waa hawl Somaliland oo dhan u taal. Madaxweynihii waa imanayaa haddii Eebbe idmo waana la sugayaa. Waxa inala gudboon midnimo Qaran oo buuxda iyo in aynu toltolanno dildillaaceenna.
Wa billaahi towfiiq.
Dhammaad
Think Like a Thief
Jeff Clark, Senior Precious Metals Analyst
Jeff Clark, BIG GOLD
It’s official: the greatest number
of responses to any article I’ve written since joining Casey Research was to Robbed!,the story of my
friend’s gold being stolen and the suggestions for storage. It’s clear the
article struck a nerve – from those who’ve also been a victim of theft, to
those who were simply looking for additional ideas for storage locations.
Based on the number and quality of
responses, I thought it would be useful to pass some of them along. Here are
the (edited) emails I received, along with our comments…
Other Stories of Stolen Gold:
“I
had 136 American gold Eagles stolen from my home... $198,500 worth of gold.
Besides the loss, I will lose the tremendous appreciation of the next few
years. So be warned: HIDE YOUR GOLD!”
“Another
sad story of robbery was the reportof a Canadian man being robbed of his
entire life savings. The article says he was punched, stabbed and tied up by
home invaders who made off with his life savings in silver bars. The two thugs,
wearing fake police uniforms, made off with $750,000 in silver the man had
bought as an investment last year.”
Comment: There are more horror
stories than I think most of us are aware of. The message is the same: the gold
and silver bullion you possess is valuable, and will be increasingly so, so
tell only one other person. And to determine if your home storage is really
secure, think like a thief: how likely would someone intent on robbing you find
or get to your valuables?
Additional Storage Locations:
“Just
wanted to offer an additional storage method... I suggest private vault
storage... only you and the one person you trust have this information. I use
Mountain Vault in the Phoenix area. Good prices: only a few hundred dollars for
3" or 6"h x 10"w x 24" deep. You can pack a lot of gold
Eagles in there!”
Comment: Private vault storage is a
great option, of course, but at this point it’s not widespread enough to make
it available to most people – and you want to be relatively close to your
precious metals. It’s also generally more expensive than most other storage
choices. The advantage it holds over a bank safe deposit box is that it’s
outside of the financial system. If you’re within an afternoon’s drive of one
and can justify the cost, it’s definitely worth checking into. Google
“depository” and your state or province.
“Some
upscale jewelry stores have storage options.”
Comment: Jewelry stores make me
nervous; they might be an easy target if Doug Casey is right about a Greater
Depression.
“There
is one other option you forgot to mention: Build a storage or garden shed out
back. Have a safe built into the floor. You can access the gold without
being seen, day or night. Tell only one other person (such as your adult
child) the combination. Do not have a key, only a combination. If you are
robbed, they will not kill you because then they won't have the combination. If
someone breaks in and heads for the shed and tries to dig it out of the ground,
tell the cops to go find the contractor who installed it!”
Comment: An alternative worthy of
consideration. Just be sure that if you go this route, the safe is protected
from the elements – you don’t want rainwater seeping in, for example. Also, my
father knew a man whose family was tortured until he gave up the combination to
his safe. While a combination safe is preferable to a key lock, don’t think you’re
immune. Keep the safe hidden and tell only one confidant. Last, hiring a
contractor is something to avoid if possible; all it takes is for them to tell
one other person.
“Bury
a pop can a foot above your buried gold so that if someone used a metal detector,
they’d find it and stop digging.”
Comment: Something to consider if
you go the “midnight gardening” route. Keep in mind, though, that all they’d
have to do after removing the pop can is wave the detector over the hole again.
“On
the subject of storing bullion and home safes, Liberty safes are some of the
best on the market. What sold me is, they will replace the safe and its
contents if damaged or broken into. I didn't find any other company with as
good a product or warranty.”
Comment: The guarantee is worth
checking into if you’re buying a home safe. However, keep in mind that no safe
is 100% secure; a safe buys you time, nothing more. Meaning, hide your safe or
store it under the floor where something could be placed over it (a
refrigerator in the garage, for example).
“Keep
two safes – a decoy one and the “McCoy” safe.”
Comment: Not a bad idea if you’re
storing a lot at home. Get a cheap safe from an office supply store for the
decoy one, and put some metal or jewelry in it that’s less valuable so the
thief thinks he got your stash.
“Keep
in mind that someone could follow you home from a coin shop.”
Comment: Yes, be alert of your
surroundings when you’re handling gold. If you suspect someone is really
following you, drive to the police station.
Also, my friend installed a security
system at his home, complete with cameras. While most of his gold is no longer
stored there, he’ll have a video recording if someone tries again. A nanny cam
could work, too, and they’re not expensive.
Bank Safe Deposit Boxes
“The
bank can access a safe deposit box only if the owner is deceased and no one
claims it.”
--
Bank official
Comment: Several readers wrote in to
say they’d been told there were circumstances under which a safe deposit box
could be accessed by the bank (confiscation) or restricted from access by the
owner (locked down during a natural disaster, for example), but most of these
comments sounded more like an internal comment from a local bank rather than a
broader instruction.
The statement above is what my local
bank told me and is generally the case with the bankers we spoke to. That’s not
to say the rules couldn’t change (and perhaps with little notice), but
generally speaking, the bigger risk here is that the contents aren’t insured
(think of the banks washed away by the tsunami in Japan).
I also got a response from Frank
Trotter at EverBank, a banker David Galland knows well and someone we trust…
“We
have always noted that there are two key elements for holding gold:
1.
If you’re holding it as an investment, then minimize the cost of holding and
maximize the liquidity. This was the concept behind the development of our
EverBank Metals Select Pooled accounts, and is in place at a number of other
institutions. We also think this should be the primary focus of investing
in gold.
2.
We do not view holding the metal as an investment, but rather a self-insurance.
If you are holding for emergency, then cost and convenience are not the primary
drivers. Of course each individual has to assess what they consider an
emergency to determine how to hold the metal, but if you are holding for
emergency, then you must control the metal directly. I think we can all
find scenarios where it would be impossible to access any business storing
anything for you; will the employees come in, are all businesses closed by
order, is there unrest near the facilities, etc. In major emergencies, it
is certainly illogical that overseas transportation would be available if that
is your selected location, and so on.
“Basically,
we view investments in metals in cost-efficient and liquid instruments to be
primary to hedge against inflation and geopolitical events, and holding metals
yourself to be the only way to effectively hedge against dislocation of civil
society.”
Coin Storage
“On
burying coins: do not put silver coins, or even gold for that matter,
directly in touch with PVC. It is highly reactive with silver, and silver is
found in most alloyed gold coins in some amount. Here's a link to a good short articleabout it. Most
coin dealers use mylar coin ‘flips’ which are hard and brittle, but I often get
sovereigns and even silver Eagles in so-called ‘soft’ flips which can contain
PVC. I remove them and put them in hard plastic non-PVC holders, of which there
are a number on the market.”
Comment: To confirm this, I spoke to
a couple dealers:
Van
Simmons/David Hall Rare Coins: “PVC holders were common,
but not any longer. The industry has changed, in part, because PVC used to
cause what was called the “green gunge,” especially with copper and nickel
coins.”
Andy
Schectman/Miles Franklin: “Over a long period of time, it
could put holes in bullion. The reader is correct that you should store your
coins in the stiffer plastic holders, not the softer “flips,” though no
reputable dealer would use those these days.”
Insuring Your Metal
“You
mentioned your friend decided not to make a claim with his insurance company
because they may not have paid it or dropped him from coverage. I talked to my
insurance agent, who is a personal friend I trust, and was told that in my case
it covers only up to $2,000 worth. I recall the underwriter wanting to know
what my safe was like, how heavy it was, etc., then wanted to know how much
gold and silver I had and in what forms (I was told there are different rules
for bars vs. coins). They also required a current appraisal of everything I
had. In the end, they would insure it as a ‘rider’ with a premium of 1.5% of
the value per year. Not only would I have been uncomfortable giving them all
the data they were asking for, but I also didn't want to pay them 1.5%
annually.”
Comment: While it may seem wise to
insure your metal, it breaks one of the golden rules of home storage – you’ve
got to tell other people what you have. If you go that route, consider who else
your agent has to discuss your policy with (corporate office, admin staff,
etc.), who has access to the paperwork, etc. Bottom line: I would pursue this
route only if you had substantial holdings, had a security system at your home,
and kept some of your holdings elsewhere.
The bottom line is to review your
storage methods so that you’re confident your physical assets are secure. If
you “think like a thief,” you might find where you need to make some changes.
And don’t forget that no storage location is 100% secure. Therefore, one
of the best ways to store your physical gold is to diversify your locations.
The more you have, the more you should utilize several methods for holding
metal.
Last, as I stated before, don’t let
this scare you off from buying bullion. It’s still the asset that offers the
best monetary protection for the foreseeable future. Not owning it may leave
you feeling robbed when you go to use your paper dollars and find they won’t
buy you as much as you thought. That’s not a theft you can prevent – unless you
own gold.
[The March issue of BIG GOLD just
named the top major gold producer in the industry – and our Buy Under price was
just hit. Find out who we think has the best potential of the million-ounce
producers, along with our recommended bullion dealer list and the coin with the
lowest premium in the industry. Try BIG GOLD for only $79 per
year today, with 3-month money-back guarantee.]
"Al-Qaeda in the United States: A Complete Analysis of Terrorism Offences"
The CSIS Homeland Security and Counterterrorism Program and
the Henry Jackson Society cordially invite you to a discussion of:
"Al-Qaeda
in the United States:
A Complete Analysis of Terrorism Offences" Featuring:
General
Michael Hayden (Ret.)Former Director
Central Intelligence Agency and National Security Agency
and
Robin SimcoxPublication
Author and Research Fellow
Henry Jackson Society
Moderated By:
Stephanie
SanokActing Director
CSIS Homeland Security and Counterterrorism Program |
Tuesday, February 26, 2013 10:00-11:00AM CSIS 1800 K. St. NW, Washington, DC 20006 B1 Conference Center In recent years, several individuals from a wide variety of backgrounds have attempted to attack the United States on behalf of al-Qaeda. These individuals have defied easy categorization, creating challenges for intelligence, law enforcement, and other agencies tasked with countering their activities. However, with the publication of "Al-Qaeda in the United States", the Henry Jackson Society seeks to provide new insights into the al-Qaeda movement and its U.S. operations by rigorously analyzing those involved or affiliated with the organization. Please join CSIS and the Henry Jackson Society on February 26 for an on-the-record discussion of this new report and the nature of al-Qaeda-related terrorism in the United States. |
Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Xukuntay Haweenay Farriin Aflagaaddo ah u Dirtay Wasiirka Madaxtooyada
![]() |
| Maxakamadda Gobolka Hargeysa |
Maxkamada Gobolka oo maanta dhageysatay dacwadan, ayaa go’aan ka soo saartay, ka dib markii Nadra Maxamed Jaamac ay garsooraha Maxkamada hortiisa ka qiratay inay fariintaasi u dirtay Wasiirka Madaxtooyadda.
Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa markaa ka dib ku dhawaaqay go’aan ah inuu Nadra Maxamed Jaamac ku xukumay 8 bilood oo xadhiga ah, maadaama oo ay qiratay.
Qoyska Haweenaydan ayaa raali galin ka bixiyey fariintaasi, iyaga oo warbaahinta ku qoray inay ka xun yihiin falka gabadhoodu ku kacday,
Sidoo kale Ururadda xuquuqul insaanka maxaliga ah ayaa iyaguna sheegay inay ka tanaasuleen u doodida gabadhan oo ay sheegeen inay fariimo anshaxa suuban ka baxsan u dirtay Wasiirka madaxtooyadda.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali X. Xasan, ayaa mar uu shalay ka hadlayey munaasibad Xisbiga Kulmiye loo sameeyey, waxa uu si faahfaahsan uga hadlay farriin ay xambaarsanayd aflagaaddada ay haweenaydaasi u dirtay.
Source: Somalilandpost.net
Haddii Somaliland Dhakhso Loo Aqoonsan Waayo; Maxaa u talo ah?
Rashid Garuf
Waxan qoraalkan kaga jawaabayaa su'aasha kor ku qoran ee ah ciwaanka qoraalkan. Raali ka ahaw qoraankan dheer ee aan ku guul daraystay inaan soo koobo.
1 - Dhisme Qaran: akhristow waxag ogsoon tahay in Somaliland la soo noqotay xoriyadeediii 21 sannadood ka hore, ama May 18, 1991-kii. Shicibka Somaliland waxay dhisteen milgihii qaranka oo leh, dimuqraadiyad, barlamaan, guurti, dawlad degmo, gobol, iyo dawlad dhexe. Waxay shicibka Somaliland samaysteen dastuur qeexaya xornimada iyo qaranimada Somaliland oo ay u codoyeen boqolkiiba todoba iyo sagaashan 97%. Waxay samaysteen nidaamkii doorashada ee lagu dooranayay madaxdooda heer degmo iyo qaran labadaba. Iyagoo soo doortay xildhibaanada barlamaanka, xildhibaanada degmooyinka, Maayorada magaalooyinka waaweyn oo dhan, iyo labadii madaxweyne ee ugu dambeeyay. Waxay samaysteen qawaaniintii lagu dhaqi\dhaqmi lahaa kuwaasoo caawinaya qaranimada, nabad gelyada, iyo horumarka Somaliland. Markii ay Somaliland dhisanaysay qaranimadeeda 21-kaa sannadood wax aan ahayn qaranimada Somaliland kumay tashan. Walina wuu socdaa dhismihii qaranimada Somaliland oo geedigaasu wali muu dhamaan.
2 - Dhisme Dhaqaale: Somaliland shicibkeedu waxay dhisteen dhaqaale ku salaysan wax soo saarkooda iyo baayac mushtarkooda. Kaasoo ay ka mid shirkado dhisme oo waaweyn, shirkado telephone-ka, shirkadaha soo saara alaabada yar yar ee warshadaha uu baahan, shirkada waawayn oo wax soo deginta iyo dhoofinta xoolaha labadaba ka shaqeeya. Shirkada heshiis la leh shirkado caalamka sida Coca Cola oo kale, waxay dhisteen hotel waaweyn iyo kuwo yar yar oo adeega baahida shicibka Somaliland. Shirkadahanu maalinba maalinta ka dambaysa way sii badanayaan oo way sii korayaan, waxaana u shaqeeya dad fara badan, qaarkoodna maanta waxay ka shaqaystaan Somaliland gudaheeda oo keliya qaarna waxay ka shaqaystaan wadamo badan sida Somaliland, Djibouti, Ethiopia, iyo Somalia oo meel walba way gaadhaan. Walina wuu socdaa dhismihii dhaqaalaha Somaliland lagu kobcinayay.
3 - Dhisme Bulsho: Somaliland waxay samaystay dhamaan hayadihii bulshada u adeegayey ee ay ka mid yihiin waxbarashada hoose, dhexe, sare iyo jaamacado oo dhamaantoodba 21-kaa sannadood siinayay waxbarasho ku salaysan qaranimada Somaliland iyo himiladeeda. Waxa kale oo Somaliland samaysatay dhakhtaradii caafimaadka oo xeer gobol, degmo, iyo tulo intaba laga sameeyay. Walina wuu socdaa dhismihii arrimaha bulshada kor loogu soo qaadayay oo geediganu muu dhamaanin.
4 - Dhisme Difaaca Qaranka gude iyo dibadba: Somaliland waxay 21kii sannadood ee la soo dhaafay samaysanaysay ciidamada difaaca qaranka, ciidamada badda, iyo ciidamada amniga gudaha (police). Dhamaan ciidamada difaaca gudaha iyo dibada ee Somaliland waa kuwa suurto geliyay maanta inay Somaliland ahaato waddan nabad iyo xasilooni dadkeedu ku nool yihiin. Dhismaha difaacuna wali wuu socdaa oo ma dhama.
Waxan akhristoon intaa kuula wadaagay aniga oo og inaad adiguna ogtahay. In aan ku tuso in qaranka Somaliland jiro oo intaaba samaysatay iyada oo aan helin aqoonsi 21-kii sannadood ee la soo dhaafay. Sannadkastana shicibka iyo qaranka Somaliland wax ku kordha mooyaane aan waxba hoos uga dhicin.Somaliland shicibkeeda iyo dawladoodu waxay qarankan ka leeyihiin laba [plan and strategy] oo kala ah A iyo B (raali ahaada kelmadii u dhigmaysay plan ee afsomaliga ahayn ayaan hore u soo saari waayaye).
A - In qaranka Somaliland ictiraaf looga raadiyo caalamka si xawliga dhismaha qaranka, dhaqaalaha, adeega bulshada iyo difaaca qarankaba si heer sare ama xawli sare ah kor loogu soo qaado. Marka ictiraafkan la gaadho wuxu keenayaa laba arrimood
(1) in shicibka Somaliland himiladoodii la gaadho oo ay ka mid noqdaan wadamada caalamka
(2) in xawliga dhismaha qaranka, dhaqaalaha, adeega bulshada, iyo difaaca dalka kor loo qaado, si dheefta ay shicibka Somaliland ka helayaan qaranimada ay kor ugu sii badato marka ay iskaashi ka helaan caalamka.
B - Haddii ictiraafku raago oo uu qaato 100 sannadood; sidii madaxwayne Ahmed Silanyo barlamaanka u sheegay, shicibka Somaliland iyo qarankooda waxa ka go'an in sidii ay yeeleen 21kii sannadood ee la soo dhaafay ay halkaa ka sii wadaan dhismihii qaranimada Somaliland, dhaqaalaha Somaliland, adeega bulshada, iyo difaaca qaranimada Somaliland. Taasu waxay keenaysaa laba arrimood
(1) in shicibka Somaliland halkaa ka sii wadaan dadaalkii ay ugu jireen himiladoodii inay ka mid noqdaan wadamada caalamka
(2) in halkii laga sii wado dhismaha qaranka, dhaqaalaha, adeega bulshada, iyo difaaca dalka kor loo qaado, si dheefta ay shicibka Somaliland ka helayaan qaranimada ay kor ugu sii badato marka ay iskaashi ka helaan caalamka.
Gunaanad. Hadaba akhristoow qaranka Somaliland maaha mid bilaabmaya marka Somaliland aqoonsi hesho. Waa mid soo jiray 21 sannadood oo u adeegayay shicibka Somaliland sidaan korka ku muujiyay, waa mid jiri doona mustaqbalka dhow iyo dheer labadaba, haddii ictiraaf uu helo sida himiladu tahay, waa illaahay mahadii xawliga dhismaha qarimo ayuun bay taasu kor u sii qaadaysaa oo kordhinaysaa adeega iyo waxtarka qaranimadu siiso shicibkeeda iyo dadkeeda. Laakiin haddii aqoonsi hore loo waayo, dhismaha qaranka, dhaqaalaha iyo adeega bulshada Somaliland, halkaas ayuu ka sii soconayaa, xawligaa uu maanta ku socdana iyo mid ka dheerna wuu ku sii soconayaa. Waxan aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta Caalamku arkay in Somaliland tahay qaran tashaday, oo caalamku yahay kuwa maanta kula taliyay Somaliland iyo Somaliya inay u wada hadlaan laba dawladood oo ka tashadaan xidhiidhkooda mustaqbalka (waxa laga wada hadlayaa waa xidhiidhka dhaqaalaha, nabad gelyada, socdaalka, la dagaalanka argagaxisada iyo budhcad badeeda iyo wixii la mida).
Qaranimada Somaliland sidii aan hore idiinku soo sheegay waa wax 21kaa sannadood soo jiray, waanay jiraysaa kumanaanka sannadood ee soo socda, aqoonsi iyo aqoonsi la'aan labada. Qaranimada Somaliland waxa raba shicibka Somaliland oo iyaga rabitaankooda ayay meteshaa.
Fadlan facebook page-kayaga la yidhaahdo [Somaliland Mission] noo saar LIKE. Waad mahadsan tahay.
Rashid Garuf
Wakiilka Somaliland ee USA
rashidnur@somaliland.us
Tuesday, February 12, 2013
Somaliland Poised to Pass First-Ever Energy Law in 2013
Somaliland has its first-ever draft of an electrical energy law, a
major step toward increased legitimacy for the break away republic of Somaliland the autonomous region of
Somalia.
With guidance from the Partnership for Economic Growth, the Somaliland Ministry of Mining, Energy and Water Resources and nearly 100 Somalis from independent power providers, consumer groups, nongovernmental organizations, universities, and government agencies recently came together to review the first draft of the law and regulations.
The Partnership is led by DAI and funded by the U.S. Agency for International Development (USAID). USAID’s first economic development project in Somalia in 20 years, the Partnership is working with a broad range of government authorities and private sector actors to strengthen weak links and to improve investment opportunities in agriculture and livestock, improve access to business development services, develop regulatory policies to improve business opportunities and ultimately, attract more investment and generate employment.
Work on the draft energy law started nearly two years ago with public-private dialogues held to tackle a myriad of barriers in Somaliland: a lack of infrastructure, a dearth of qualified technicians, the high cost of electricity production, an under-developed legal framework, and how to move forward through new Somali-led legislation.
The draft law and regulations are expected to establish the right conditions for growth in the energy sector, with a focus on expanding reliable, efficient and affordable electricity services, powered by both conventional and alternative sources that would help promote investment in the Somaliland economy.
Both Somali and international legal and energy experts helped develop the law, ensuring that it reflects local aspirations and is consistent with international best practices.
Some solutions proposed by participants included: setting up electrical and engineering faculties in select universities; creating bodies to regulate competence and ensure that there are enough qualified technicians and engineers; refurbishing power generation plants to ensure maximum utility; and creating a body to ensure the implementation of the law.
The Electrical Energy Act is expected to become law this year.
The President of Somaliland, Ahmed Silanyo, recently praised the energy efforts in his 2013 State of the Union address, saying, “My government will submit an Energy Legislation to this honorable Chamber. This will be the first of its kind in the country. We have a policy to encourage and implement some renewable energy projects this year. We are implementing five wind energy facilities in Hargeysa Airport to meet the electricity needs of the airport and we are also establishing four additional wind energy facilities in Las Anod. These projects will create jobs for our people.”

Raysal Wasaaraha Muqdisho Oo Sheegay Inay Awood Ciidan Ku Muquunin Doonaan Somaliland
Muqdisho, February 11, 2013 (Haatuf) – Ra’isal Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ku hanjabay in xukuumadiisa itaalka darani ay awood Ciidan ku muquunin doonto cidkasta oo ka hortimaada danahooda oo sida caadada u ah hogaamiyayaasha Koonurta sheegtey dhulka Somaliland oo uu si indho la’aan ah u xusay in xukuumadiisu ay xaq u leedahay inay faro-galiyaan khilaafyada iyo xiisadaha ka dhaca gudaha Somaliland. Sidoo kale hadalkan ka soo yeedhay Ray’isal Wasaaraha Muqdisho ayaa ku soo beegmay xili khilaafyo ay ka dhextaagan yihiin xukuumadda talada haysa ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo u dhaxeeya Madaxwayne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa, sidoo kalena wali aan la dawaynin tabashooyinkii doorashadii deegaanka ka dhashay ee ay axsaabta siyaasada qaarkeed ka qabeen natiijooyinkii ka soo baxay doorashooyinkaas Wadanka ka qabsoomay 28-kii bishii November ee sanadkii hore ee 2012-kii. Hanjabaada wakhtigan ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha xukuumadda Somalia Mr Saacid ayaa ku soo beegantay xili isaga Gurigiisa ay ku ilaalinayaan Ciidamo Afrikaan ahi, isla markaana Xamar gudaheeda aanu Xasilooni ku haysanin oo ay Ciidamada Amisom ee Ajanabiga ahi ku ilaaliyaan magaaladaas, kuna dooday inay ka go’an tahay fulinta qodobadii wixii loogu yeedhay dariiqada nabada ee Road Map-ka ee hogaamiyayaasha Koonfurta lagu khasbay inay u hogaansamaan fulintiisam cidii ka hor timaadana lagu muquunin doono xoog. Ray’isal Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Muqdisho kula hadlay Warbaahinta maamulkiisa, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin deeqaha dunidu siin jirtey wixii la isku odhan jiray Somali, kaas oo sheegay inay hada wixii ka danbeeya dawladiisu gacanta ku dhigi doonto maamulkooda, kuna faanay in dawladiisu ay guulo badan ka gaadhay wax uu ugu yeedhay la dagaalanka cadawga Soomaalida. Dhinaca kale khilaafyada ka dhex oogan madaxda sare ee Qaranka iyo dhawaaqii ka soo yeedhay dalalka Britain iyo Maraykanka ayaa ayaa u muuqda kuwo fursado dahabi ah siiyey cadawga badan ee dalkan yar ee curdinka ah u maleegaya dabi-nada tirada badan.
Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Loo Diray Warqad Lagu Difaacay Qadiyada Madax-banaanida, Laguna Sharaxay Kala Duwanaanshaha Somaliland & Somaliya
Hargeysa, February 11, 2013 (Haatuf) – Ururada Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland ayaa qoraal ay ku difaacayso nabadgalyada iyo Madaxbanaanida Somaliland u diray Xoghayaha Arimaha Dibada Ingiriiska iyo Xoghayaha cusub ee loo Magacaabay Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka.
Qoraalkan oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Horn Of Africa Human Rights Committee Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Xuquuq), ayaa qoraalkaasi ku sheegay in Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu yahay ka kali ah ee matala masaaliixda iyo danaha dalka Somaliland, isaga oo sidoo kale Sheegay in Madaxwaynaha dalka dunida ugu liita ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo gurigiisa ay ku ilaaliyaan ciidamada AMISON aanu matalin dalka Somaliland iyo shacabkiisa toona.
Qoraalka uu afhayeenku diray Wasiirrada arimaha dibada Maraykanka iyo Ingiriiska oo aanu idiin soo turjunay ayaa u dhignaa sidan "Kaliya Madaxwaynaha la doortay ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa leh awooda sharciga ah ee ku matalayo masaaliixda iyo danaha dhaqaale, amni difaac, ganacsi iyo siyaasadeed ee Qaranka Somaliland.
Mudane Wasiir, anaga oo ah kuwo hoos ku xusan ee u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada Somaliland, anaga la shaqeynayna xuquuqal iinsaanka iyo ururrada arimaha bulshada, kana hoos shaqeynayna dallado aan dawli ahayn oo heer qaran ah ayaanu jecelahay inaanu kuu muujino mahad-naqa aanu u hayno dadka iyo dalka boqortooyada Ingiriiska, qaybta libaax ee ay ka qaateen hanaanka horumarinta kaabayaasha waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo dimuqraadiyada waddankayaga mudadii 20-ka sano ahayd.
Mudane Wasiir, sidaad ka warqabto hanaanka dimuqraadiyada Somaliland ee sababay in dawlad uu hogaamiyo Madaxwayne la soo doortay, kaasi oo tusaale u noqonaya qawaaniinta dimuqraadiyadeed ee Afrika iyo dunida Muslimka, Madaxwaynaha la soo doortay wuxuu awooday inuu sugo xuduudaha waddanka, xaqiijiyana xoriyada muwaadiniintiisa, sidoo kalena wuxuu awooday inuu qayb laxaadle ka qaato inay Somaliland ka qayb-gasho dedaalada caalamiga ah ee lagu dabar-jarayo budhcad-badeeda iyo aragagixisada ee Geeska Afrika, taana waxa lagu gaadhay taageerada iyo iskaashiga dawladdaha aanu jaarka la nahay ee Jabuuti, Itoobiya iyo Yemen iyo sidoo kalena dawladdo iyo ururro caalami ah.
Tanni saamaynteeda mudane wasiir ururrada bulshadu waxay kugu wargalinaynaa in kaliya in Madaxwaynaha la doortay ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu leeyahay awooda sharci ee uu ku matalayo wada xaajoodyada caalamiga ah, anagoo tan eegaynaa waxaanu jecelahay inaanu kugu wargalino in dadka reer Somaliland ay ka soo horjeedaan isku dayada uu Madaxwaynaha aan la dooran ee waddanka aanu jaarka nahay ee Somaliya uu ku doonayo inuu wada xaajoodyo ku matalo dadka reer Somaliland.
Mudane Wasiir, Somaliland inkasta oo aanay ictiraaf caalami ah ka haysan adduunka inay tahay waddan madax-banaanidii uu waddankaagu siiyay 26.06.1960-kii kala soo noqotay kadib midowgii aanu la galay dalka Somaliya 18 May 1991.
Dhanka kale ururrada bulshada Somaliland waxay aad uga murugaysan yihiin xanibaadii socdaaladii caalamiga ahaa iyo daciifintii amniga Somaliland ee ay ku dhawaaqday Wasaaradaadu, taasi oo aanu anagu aaminsanahay inay tahay mid aan waafaqsanayn xaqiiqada, inkasta oo tanni saamayn qaloocda yeelanayso caalami ahaan, haddana dhawaaqaagu wuxuu feejignaan dheeraad galiyey dawladdayada iyo sidii ay u ilaalin lahayd dadka ajaanibka ah, muwaadiniinta iyo ka hor-taggida argagixisada caalamiga ah. Mudane, waxaanu ka codsanaynaa bulshada caalamka, gaar ahaan boqortooyada Ingiriiska inay sii wadaan taageeradii ay siin jireen waddankayaga isla-markaana ay adkayso sharaftii iyo xushmadii aanu u qalanay. Ugu dambayntii, waxaan rabnaa inaanu ku wargalino adduunka in dadka reer Somaliland kalsooni buuxda ku qabbaan Madaxwaynahooda ay doorteen Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo maamulkiisa”

Shirka Xeerka Isgaadhsiinta Somaliya Oo Muqdisho Ka Socda Iyo Guddoomiyaha Ururka Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland Oo Ka Qayb-galay
Muqdisho, February 11, 2013 (Haatuf)– Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagaga doodayo xeerka isgaadhsiinta Somaliya oo ay wasaarada isgaadhsiintu diyaarisay. Shirkan oo shalay furmay isla-markaana soconaya maalmaha soo socda, ayaa waxa hadal ka jeediyay raysal-wasaaraha Somaliya, waxaanu ku canaantay shirkadah isgaadhsiinta dhibaatada ay dadka ku hayaan iyo sida ay shacabka ugu khasbeen inay dhowr telefoon qaataan.
Shirkan oo ay ka qayb-galeen shirkadaha isgaadhsiinta Telefoonada iyo Internetka ee Somaliya ka shaqeeya ayaa khudbada uu Mr Saacid ka jeediyay uu ku yidhi “Waxa khaldamay in la kala garto waxa dadku gaarka u leeyihiin iyo waxa dadka ka dhaxeeya, waxa la jabiyay xeerarkii u yaallay caalamka iyadoo la isticmaalay Mowjado ay waddamo kale leeyihiin, waxaa lagu xad-gudbay xuquudii muwaadinka iyadoo lagu khasbay inuu qaato saddex telefoon, si uu shirkad kasta u isticmaalo telefoonkeeda” Shirkan isgaadhsiinta Somaliya uu u furay raysal-wasaaraha Dawladda Somaliya ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha ururka shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland Eng Yuusuf Maxamuud Cumar, kaasi oo si toos ah uga qayb-qaadanayey shirkaasi oo lagaga doodayey qodobada xeerkaasi ku jira.
Shirkan oo u gaar ah shirkadaha isgaadhsiinta ee Somaliya ka shaqeeya iyo Wasaarada isgaadhsiinta, Boosaha iyo gaadiidka dawladda Somaliya oo xeerkaasi soo diyaarisay ayaan la ogeyn in Guddoomiyaha ururka shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland uu si shakhsi ah u tagay iyo inuu shirkadah isgaadhsiinta Somaliland ku malatalayey shirkaasi.

Subscribe to:
Comments (Atom)

.jpg)