Search This Blog

Friday, January 4, 2013

Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Togdheer ayaa usoo jeediyay Xisbiga mucaarirka ah ee Wadani in oo Mucaarid-nimadiisa Muujiyo


Cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer ayaa usoo jeediyay Xisbiga mucaarirka ah ee Wadani in oo mucaarid-nimadiisa muujiyo isla markaana uu ka qaybqaato ka hortaga marxaladaha siyaasadeed ee wadanka ka jira iyo arimaha bulshada. 



Madax-dhaqameedkan ayaa sidaasi ku sheegay xaflad soo dhaweyn ah oo Xisbiga Wadani ku xusaayay xisbinimadiisa uu kaga midka noqday  Sedexda xisbi Qaran ee Somaliland usoo baxay ,taasi oo ka dhacday Hoteelka Cigaal ee magaalada Burco oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u farobadan oo ka tirsanaa  taageerayaasha xisbigaasi iyo masuuliyiintiisa  gobolka Togdheer.

Caaqil Siciid Muxumed Marti-ilaaq oo ka mid ah cuqaasha gobolka Togdheer oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa ." Anagoo ku faraxsan guusha Xisbiga ka gaadhay doorashadii dalka ka qabsoontay ,waxa looga baahanyahay xisbigu in uu noq-do xibi mucaarid oo sheega dhaliisha jirta iyo halka ay dawladu ka qal-dantahay oo uu jawaab cad ka bixiyo si uu uga faa´idaysto oo uu dadka usoo jiito ,hadii kale Xisbiga waa laga sii soconayaa oo ma hanan karayo madaxweynanimada hadaanu waxa jira sheegin ,taasina waa xaqiiq markaa waxaanu leenahay xisbigu ha is cadeeyo ilayn waxa lagu doortay waa siyaasade ,waxa dadka lagu kala jiidanayaana waa siyaasad " Sidaasi ayuu caaqilku hadalkiisa kaga baxay.

Chief. Caaqil Cabdi Cali X.Cabile oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi. " Waxaanu idiin dooranay in aad noqotaan xisbi mucaarid ah ,oo ka hadla siyaasadaha jira iyo marxaladaha uu dalku ku jiro ,anagu madax-dhaqameed idiinmaanu dooran ,markaa waxa loo baahanyahay maadaama Xisbigi noqday xisbi Qaran in aad la jaan-qaadaan siyaasadaha socda ,iyo qaladaadka wadanka ka jira oo aydaan ka aamusin idinkoo aan cidna dhinaca saaraynin " Sidaasi ayuu Cabdi Cali yidhi waxaanu u mahad-naqay guusha uu xisbigu ka gaadhay .doorashadii wadanka ka dhacday.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay guusha xisbigoodu gaadhay ,waxaanu ku wargaliyay taageerayaasha Wadani ee Togdheer iyo bulshada kale-ba in Xisbiga Wadani uu yahay xisbi mucaarid ah isla markaana noqon-doono mucaarid wax dhisa oo aan waxba dumin dhaliilaha jirana uu ka hadli-doono.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay isla markaana soo dhaweeyay guusha Xisbiga Wadani kaga midka noqday Sedexda xisbi Qaran Caaqil Maxamed Biixi ,Jaamac Sidiiq ,Cabdikariin Yuusuf Maxamed iyo marti sharaf kale kuwaasi oo dhamaantood balan-qaaday in ay taageero mugleh la garabtaaganyihiin Xisbiga Wadani..

Cilmi-badhayaal Ingiriis ah ayaa beeniyey in maadada nikotiinta ee ku jirta sigaarku ay yarayso murugada


Cilmi-badhayaal Ingiriis ah ayaa beeniyey in maadada nikotiinta ee ku jirta sigaarku ay yarayso murugada, taasoo daraasado hore sheegeen in marka qofku cadhoodu hadduu sigaar cabbo uu hoos u dhacayo heer kulka dhiiggiisa ee cadhada sababay. 


Saynisyahannadan oo cabbiraad ku sameeyey 500 qof oo dadka sigaarka aadka u cabba ah, kuwaasoo ku jiray xaalad cadho, isla markaana waqtigaassigaar cabbayey, ayaa lagu ogaaday inaan cadhadoodu hoos u dhicin, sidoo kalena kor aanay u kicin.

Shantii qofba mid ka mid ah dadka tijaabada lagu sameeyey, ayaa sheegay inuu sigaar badan cabbo marka uu cadhoodo, taasina aanay waxba ka dejin, balse naftiisa ku samirsiiyo.

Dadka cilmi-baadhistan ka qaybgalay oo waqtigii la tijaabada lagu sameeyey aad u cabbi jiray sigaarka, ayaa la xaqiijiyey in murugadu aad ugu badan tahay, laakiin lix bilood kadib oo ay badankoodu qiijintii sigaarka joojiyeen ay sidii hore ka farxad bateen.
Cilmi-baadhistan oo ay si gaar ah u hirgeliyeen khubaro ka kala socday jaamcadaha Oxford iyo King?s College London ayaa lagu yidhi; ?Rumaysnaanta in sigaarku yareeyo murugada waa wax jiray, balse waa shay aad u khaldan oo aan waxba ka jirin, waxana dhab ah in sigaarku kor u qaado murugada iyo cadhada, waana in dadka sigaarka cabbaa sidaas la socdaan.?

Daraasaddu waxay intaa ku dartay in dhibta ugu badan ay la soo daristo dadka iyagu damca inay sigaarka joojiyaan, hase ahaatee ku guuldarraysta inay ka midho-dhaliyaan go?aanka ay qateen, isla markaana dib ugu noqda cabbista sigaarka, iyagoo tilmaamay inay baadhitaan dheeraad ah ku samayn doonaan sababaha dadka joojiyey qiijintiisa ee dib ugu ku noqda in dhibaato weyn oo caafimaad soo gaadho.

War Degdeg ah Ceelka Dameera Boob ee ay Xoolaha iyo Dadku Ka Cabaan oo Jabey iyo Kumanaan Xoolo ah oo Dul Hoganaya

 Friday, January 04, 2013

Ceelka Dameera-Boob ee ay Biyaha ka cabaan Sanad kasta xiligan dabayaaqada jiilaalka Xoolaha ugu badan ee Deegaanada Bariga Kililka Shanaad iyo nawaaxiga Tuulooyinka Somaliland ee ku teedsan Xuduuda Itoobiya iyo Somaliland u dhexeysa ayaa maanta jabey kadib markii ay dumiyeen Biro cusub oo lagu gurey dhawaan Ceelklaasi


Maamulaha Ceelka Dameera-Boob Cabdi Hirad Ismaaciil ,oo khadka isgaadhsiinta kula soo xidhiidhay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews, isagoo ku sugan Ceelka Dameera-Boob ee jabey oo Shan kiiloo mitir dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Alleybadey ayaa Qeylo dhaan culus u gudbiyay Guud ahaanba Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Maamulada Degmooyinka iyo Gobolka Gabiley, si loogu soo Gurmado dhibaatada xiligan ka timid Ceelkaas oo sida uu Sheegay ay Dul hogayaan Kumanaan Xoolo ah oo u badan Geel oo Ceelka Dameera-Boob uga soo aroorey Deegaano aad u fog oo ah deegaanada Bari ee Kililka Shanaad ee Itoobiya iyo Dhulka Xoola Daaqeenka madarka Sare.

"Waxaa Dumay oo Ceed kusoo gambiyay Gudaha Ceelka Biro dhawaan lagu gurey Ceelka Cusub marka Mushiinka la istaadho ayuu is bakhtiinayaa isagoo, markii hore soo qaadey Ciid ciladan oo aanaan ilaa hada anagu garaneynin waxa mar kaliya isla oogsadey kadib markii Ceelku jabey Kumanaan Xoolo ah oo u badan Geel oo dhul aad u fog uga soo Aroorey Ceelkan dameera Boob oo ay Sanad walba Xiligan oo kale Aroorkoodu habeeno usoo dhaxa hadaba waxaanu si degdeg ah uga codsaneynaa Wasaarada Macdanta iyo Biyihu in ay noosoo Gurmadaan, oo Maamulka Gabiley iyo ka Degmada Alleybadeyna noo qeylyaan Xaaladu aad ayay u adag tahey waxaana dararka Ceelka dul hoganaya Guul ooman oo bahaayinkaas ah hadaba waxaanu Codsaneynaa in Si degdeg ah naloogu soo Gurmado"Sidaa waxa Yidhi Maamulaha Ceelka Dameera Boob Cabdi Hirad Ismaaciil.

Ma aha Markii u horeysay ee uu sidan oo kale oo jabo Ceelka Dameera-Boob oo shan kiiloo mitir qiyaastii dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Alleybadey waxaaney Sanadkii kal sadexaad markii uu sidan oo kale degdeg ugu jabey Ceelkani iyadoo, ay dul hoganayaan Kumanaan Xoolo ah oo ay Qaarkood usoo dhexeen Geediga oonka Shan iyo Toban Caana-Maal xiligaas oo ay Wasaarada Macdantu si degdeg ah ugu gurmatey.


Thursday, January 3, 2013

Markab Cusub oo Nooca Xamuulka ah oo uu soo iibsaday Ganacsade reer Somaliland ah oo Shalay ku soo xirtay Dekeda Berbera

MV IDIL SHIP
Markabka cusub oo lagu magacaabo MV IDIL ayaa maanta ku soo xidhay dekada caalamiga ah ee Berbera markabkan oo uu leeyayahay Cabdicasiis Aadan Habane SISTO oo ah ganacsade Somalilander.

Markabkan oo ah nooca xamuulka (cargo) qaada  ayaa sida uu sheegay mulkiilaha markabkani Cabdcasiis Sisto waxaa uu ka dhex shaqayn doonaa dekadaha wadamada gacanka carabta  iyo khaliijka iyo dededa Berbera, ganacsatada dalkana  wax badan ayay uga faa'iidaysan doonaan markabkan  oo tanaaasulaad ah haddii EEBE idmo.

Markabkan ayaa tankiisu yahay 3000 oo tan waana cusub oo seefitigiisu wanaagsan yahay,

Markabakan ayaa hadaba saaka loogu wanqalay dekada berbera ama loogu duceeyay  iyadoo xafladaa loo sameeyay aay kazoo qayb galeen madaxda dekada oo uu ugu horeyo marreeyaha cali cumar maxamed xoor xoo,mareeye ku xigeenka labaad ee dekada mustafe maxamed yoonis, badhasaabka gobolka saaxil cali maxamed cilmi,maayorka berbera cabdishakuur maxamuud xasan cidin iyo madax kale oo goob jog ka ahayd ,

Ugu horayn masuul ku hadlayay afka maamulka markabka ayaa sheegay in aay aad ugu faraxsanyihiin shaqda uu markabkani ka bilaabayo dekada berbera ,ganacsatada reer Somaliland na  uu faaiido u yahay  in sii rartaan soona rartaan markab aay leeyihiin  rarkoodana si wanaagsan u xafidaya,

Waxa kale oo uu masuulkani u mahadnaqay madaxda sare eedekada iyo gobolkaba ka socday ee munaasibadan kazoo qayb galay.

Mareeye ku xigeenka labaad ee dekada berbera mustafe maxamed yoonis ayaa isna siwayn usoo dhaweeyay  markabkan iyo mulkiilahaba waxaanu ku balan qaaday maamul ahaan in aay si hufan ugu shaqayn donaaan ,wixii talo iyo khibradana maamulka dekadu ula diyaryahay  markabkan cusub ee kusoo biiray Asadka  ganacsatada  Somaliland waxaa   oo uu yidhi  yidhi maareeye ku xgeenka dekada berbera hambalyo hambalyo ganacsatada kale ee awoodaana haku daydaan mulkiilahah markabkan  oo badeeena aaynu dhinacwalba uga faaiidaysano,

Badhsaabka saaxil cali maxamed cilmi  oo hadalo kooban soo jeediyay ayaa isna yidhi , horta waan ku hambalyaynayaa mulkiilaha bada soo camiray iyo dekadaba  waxaanan ilaahay ka rajaynayaa ayuu yidhi badhasaabku in qaar kan ka tan badana uu keeni doono ,waxaana leeyahay ayuu ydhi iyadoo hada jaamacadii badanu inoo shaqaynaysa  in aay ganacsatadu ka qayb qaataan ka faaiidaysiga bada laguna dhiirado sidii aynu bada uga faadiidaysan lahayn, maamulka dekadana waxaan filayaa maadaama uu markabku yahay somalilander  kana xigo kuwa kale wixii tanaasilaad ah in looga fadhiyo lana dhiiri galiyo milkiilaha markabka,

Ugu danbayna maayorka berbera  cabdishakuur maxamuud xasan cidin  ayaa wuxuu yidhi ,

Horta waa sanad cusub maalintiisii kowaad waxaanu inoogu bishay waxyaabo cusub sida dhisme hotel oo casri ah oo saaka aaynu xadhiga ka jarnay iyo hada oo aynu u wanqalayno markabkan cusub  ee ganacsadaha somalilanderka ahi soo iibsday waana inoo farxad waanan soo dhawynaynaa cidkasta oo horumark dalka ka qayb aadanaysa,mida kale naguna maamul ahaan waanu cusubnahay  markaa waxaan ilaahay ka rajaynayaa in uu sanadkan inooga dhigo mid riyadeenu inoo wad rumawda inteeda khayrku ku jiraa.


Source URL: http://waaheen.com/?p=56660

Monday, December 31, 2012

Mudaharaadyo Xoogan oo Shacbiga Magaalada Boorama Sameeyeen iyo Ciidamada Booliska Somaliland oo u addeegsaday Rasaas Nool Dadwaynihii Mudaharaadayay taasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac



Boorama  saakay xaalada magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal waxa ay ahayd mid degan balse daqiiqado ka hor Barqanimadii maanta (11:15 AM) waxaa ka bilowday bartamaha suuqa weyn ee Boorama dibadbax xoogan oo rabshado wata, waxaana halmar guud ahaan Boorama laga maqlay Rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ciidamada Booliska & kuwa Militariga ku ridayaan dhalinyarada gadoodsan ee maalintii labaad dibadbaxyada ka sameynaya gudaha magaalada Boorama.

  
Dhalinyarada dibadbaxyada sameyneysa ayaa ka cadhaysan qaabka Xukuumada Somaliland u faragalineyso doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday degmada Saylac ee gobalka Awdal, halkaasoo qaar kamid ah Xildhibaanadii Beesha Samaroon ugu soo baxay golaha deegaanka degmada Saylac ay doorteen Maayar beeshaasi kasoo jeeda,  waxaana diiday in Maayarkaasi la dhaariyo Maxkamada Degmada Saylac oo wakiil ugu aheyd Dhaarinta Wasaarada arimaha gudaha Somaliland, iyadoo dhanka kale ay arintaasi ka biya diideen Xildhibaanada degmada Saylac ugu soo baxay Beesha Ciise oo iyaguna wata Maayar kale oo beeshooda kasoo jeeda, waxeyna dadka dibaxyada sameynaya gubayaan taayirada baabuurta iyagoo guud ahaan xidhay wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka magaalada oo dhagxaan waa weyn ku xidhay iyagoo ku dhawaaqaya erayo ay ku sheeganayaan magaalada Saylac kagana soo horjeedaan faragalinta Xukuumada Somaliland ay degmadaasi ku heyso.

Guud ahaan xaalada Boorama waa ay cakiran tahay waxuuna dibadbaxaan maalintii labaad socda kusoo beegmaya xili shalay galinkii dambe ay Boorama soo gaadheen wafdi uu hogaaminayo M/weyne K/xigeenka Somaliland Eng. C/raxmaan Saylici & 6 Wasiir oo kamid ah Xukuumadiisa, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye & Qaar Kamid Ah Odoyaasha Guurtida.
 

 
Dadweynaha Boorama ayaa ka argagaxsan Rasaasta sida xoogan ugu dhaceysa bartamaha Boorama & qaar kamid ah xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana guud ahaan la xidhay goobihii Ganacsiga ee gudaha Boorama ku yaalay.
 



MAY YOU HAVE A WONDERFUL NEW YEAR FILLED WITH LOVE, HAPPINESS, HEALTH, AND HOPE.


COMING SOON: WARBIXIN SANNADEEDKA 2012 XAALADA XUQUUQDA AADAMAHA SOMALILAND


              COMING SOON!!!!!!!!!!!!!!COMING SOON!!!!!!!!!!!!!!!!! COMING SOON!!!!!!!!!!!!!!!!


QAYBTA 1AAD-XADHIGA SHARCI DARADA AH & JID-DILKA HAY’ADAHA SHARCI FULINTA SOMALILAND U GAYSTAAN MUWAADINIINTA IYO AJAANIBKA KU SUGAN SOMALILAND     

QAYBTA 2AAD –DILKA SHARCI DARADA AH EE HAY’ADAHA SHARCIFULINTA SOMALILAND U GAYSTAAN RAYIDKA

QAYBTA 3AAD – GABOODFALADA XUQUUQDA XUQUUQDA QAXOOTIGA IYO MAGANGALYODOONKA

QAYBTA 4AAD –XADGUDUBYADA XORIYADA RA’YI DHIIBASHADA & WARBAAHINTA   
·         Shacbiga Somaliland oo la daalaa dhacaya qaabkii Madaxdii ay doorteen ugu gudbin lahaayeen tabashooyinkooda
QAYBTA 5AAD MUSUQMAASUQA XUKUUMADA SOMALILAND               
  • Falalka Musuqmaasuq ee Xukuumada Siilaanyo oo maraya heer laga werwero  
  • Fadeexadaha Maamulxumo iyo Musuq ee ka dhacay Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo daboolka ka rogay Xubno ka mid ah Qoyska Madawxwayne Siilaanyo oo ku lug leh musuq baaxad wayn
  •  Fashilaada Doorashadii Golayaasha Deegaanka Somaliland waxa kow ka ah Musuqmaasuqa       
QAYBTA 6AAD-TACADIYADA AY LA NOOL YIHIIN BEELAHA LA TAKOORO SOMALILAND WAA KUWO ARGAGAX LEH OO AANU AADAMIGU KU NOOLAAN KARIN
  •  Guurka oo ah munaasibad farxadeed oo qoysasku is maamuus ka helaan Marmar Gabooyaha Somaliland wuxuu ku noqdaa masiibo burburisa nabadgalyadoo, noloshooda dhaqan dhaqaale iyo wax kastoo kale oo ay deegaankooda ku haysteen-Casharada laga baran karo Boorama
QAYBTA 7AAD DARAASAD HORDHACA AH:  XADGUDUBYO XAASAASI AH OO AAN CIDINA KA HADLI KARIN IYO DOORKA AY XUKUUMADU KU LEEDAHAY