Monday, December 31, 2012

Mudaharaadyo Xoogan oo Shacbiga Magaalada Boorama Sameeyeen iyo Ciidamada Booliska Somaliland oo u addeegsaday Rasaas Nool Dadwaynihii Mudaharaadayay taasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac



Boorama  saakay xaalada magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal waxa ay ahayd mid degan balse daqiiqado ka hor Barqanimadii maanta (11:15 AM) waxaa ka bilowday bartamaha suuqa weyn ee Boorama dibadbax xoogan oo rabshado wata, waxaana halmar guud ahaan Boorama laga maqlay Rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ciidamada Booliska & kuwa Militariga ku ridayaan dhalinyarada gadoodsan ee maalintii labaad dibadbaxyada ka sameynaya gudaha magaalada Boorama.

  
Dhalinyarada dibadbaxyada sameyneysa ayaa ka cadhaysan qaabka Xukuumada Somaliland u faragalineyso doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday degmada Saylac ee gobalka Awdal, halkaasoo qaar kamid ah Xildhibaanadii Beesha Samaroon ugu soo baxay golaha deegaanka degmada Saylac ay doorteen Maayar beeshaasi kasoo jeeda,  waxaana diiday in Maayarkaasi la dhaariyo Maxkamada Degmada Saylac oo wakiil ugu aheyd Dhaarinta Wasaarada arimaha gudaha Somaliland, iyadoo dhanka kale ay arintaasi ka biya diideen Xildhibaanada degmada Saylac ugu soo baxay Beesha Ciise oo iyaguna wata Maayar kale oo beeshooda kasoo jeeda, waxeyna dadka dibaxyada sameynaya gubayaan taayirada baabuurta iyagoo guud ahaan xidhay wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka magaalada oo dhagxaan waa weyn ku xidhay iyagoo ku dhawaaqaya erayo ay ku sheeganayaan magaalada Saylac kagana soo horjeedaan faragalinta Xukuumada Somaliland ay degmadaasi ku heyso.

Guud ahaan xaalada Boorama waa ay cakiran tahay waxuuna dibadbaxaan maalintii labaad socda kusoo beegmaya xili shalay galinkii dambe ay Boorama soo gaadheen wafdi uu hogaaminayo M/weyne K/xigeenka Somaliland Eng. C/raxmaan Saylici & 6 Wasiir oo kamid ah Xukuumadiisa, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye & Qaar Kamid Ah Odoyaasha Guurtida.
 

 
Dadweynaha Boorama ayaa ka argagaxsan Rasaasta sida xoogan ugu dhaceysa bartamaha Boorama & qaar kamid ah xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana guud ahaan la xidhay goobihii Ganacsiga ee gudaha Boorama ku yaalay.
 



No comments: