Thursday, January 3, 2013

Markab Cusub oo Nooca Xamuulka ah oo uu soo iibsaday Ganacsade reer Somaliland ah oo Shalay ku soo xirtay Dekeda Berbera

MV IDIL SHIP
Markabka cusub oo lagu magacaabo MV IDIL ayaa maanta ku soo xidhay dekada caalamiga ah ee Berbera markabkan oo uu leeyayahay Cabdicasiis Aadan Habane SISTO oo ah ganacsade Somalilander.

Markabkan oo ah nooca xamuulka (cargo) qaada  ayaa sida uu sheegay mulkiilaha markabkani Cabdcasiis Sisto waxaa uu ka dhex shaqayn doonaa dekadaha wadamada gacanka carabta  iyo khaliijka iyo dededa Berbera, ganacsatada dalkana  wax badan ayay uga faa'iidaysan doonaan markabkan  oo tanaaasulaad ah haddii EEBE idmo.

Markabkan ayaa tankiisu yahay 3000 oo tan waana cusub oo seefitigiisu wanaagsan yahay,

Markabakan ayaa hadaba saaka loogu wanqalay dekada berbera ama loogu duceeyay  iyadoo xafladaa loo sameeyay aay kazoo qayb galeen madaxda dekada oo uu ugu horeyo marreeyaha cali cumar maxamed xoor xoo,mareeye ku xigeenka labaad ee dekada mustafe maxamed yoonis, badhasaabka gobolka saaxil cali maxamed cilmi,maayorka berbera cabdishakuur maxamuud xasan cidin iyo madax kale oo goob jog ka ahayd ,

Ugu horayn masuul ku hadlayay afka maamulka markabka ayaa sheegay in aay aad ugu faraxsanyihiin shaqda uu markabkani ka bilaabayo dekada berbera ,ganacsatada reer Somaliland na  uu faaiido u yahay  in sii rartaan soona rartaan markab aay leeyihiin  rarkoodana si wanaagsan u xafidaya,

Waxa kale oo uu masuulkani u mahadnaqay madaxda sare eedekada iyo gobolkaba ka socday ee munaasibadan kazoo qayb galay.

Mareeye ku xigeenka labaad ee dekada berbera mustafe maxamed yoonis ayaa isna siwayn usoo dhaweeyay  markabkan iyo mulkiilahaba waxaanu ku balan qaaday maamul ahaan in aay si hufan ugu shaqayn donaaan ,wixii talo iyo khibradana maamulka dekadu ula diyaryahay  markabkan cusub ee kusoo biiray Asadka  ganacsatada  Somaliland waxaa   oo uu yidhi  yidhi maareeye ku xgeenka dekada berbera hambalyo hambalyo ganacsatada kale ee awoodaana haku daydaan mulkiilahah markabkan  oo badeeena aaynu dhinacwalba uga faaiidaysano,

Badhsaabka saaxil cali maxamed cilmi  oo hadalo kooban soo jeediyay ayaa isna yidhi , horta waan ku hambalyaynayaa mulkiilaha bada soo camiray iyo dekadaba  waxaanan ilaahay ka rajaynayaa ayuu yidhi badhasaabku in qaar kan ka tan badana uu keeni doono ,waxaana leeyahay ayuu ydhi iyadoo hada jaamacadii badanu inoo shaqaynaysa  in aay ganacsatadu ka qayb qaataan ka faaiidaysiga bada laguna dhiirado sidii aynu bada uga faadiidaysan lahayn, maamulka dekadana waxaan filayaa maadaama uu markabku yahay somalilander  kana xigo kuwa kale wixii tanaasilaad ah in looga fadhiyo lana dhiiri galiyo milkiilaha markabka,

Ugu danbayna maayorka berbera  cabdishakuur maxamuud xasan cidin  ayaa wuxuu yidhi ,

Horta waa sanad cusub maalintiisii kowaad waxaanu inoogu bishay waxyaabo cusub sida dhisme hotel oo casri ah oo saaka aaynu xadhiga ka jarnay iyo hada oo aynu u wanqalayno markabkan cusub  ee ganacsadaha somalilanderka ahi soo iibsday waana inoo farxad waanan soo dhawynaynaa cidkasta oo horumark dalka ka qayb aadanaysa,mida kale naguna maamul ahaan waanu cusubnahay  markaa waxaan ilaahay ka rajaynayaa in uu sanadkan inooga dhigo mid riyadeenu inoo wad rumawda inteeda khayrku ku jiraa.


Source URL: http://waaheen.com/?p=56660

No comments: