Saturday, February 28, 2015

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND OO XAARAANTIMEEYAY CUNISTA QAADKA, KANA HADLAY WAXA DIINTU KA QABTO


Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland 

Hargeysa - Waxaa habeenki xalay lagu qabtay Caasimadda Magaalada Hargaysa kulan lagaga dhawaaqayey Ururka la dagaalanka Mukhaadaaradka oo uu ku jiro Qaadku ( Jaadku ) kaas oo khatar weyn ku haya bulshada dalka.

Kulankan  Oo Ahaa Mid Aad Loo Soo Agaasimay Isla Markaana Ka Qabsoomay Hotel Ambasadoor Ee Maagalada Hargaysa Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Culimada Kala Duwan Ee Ku Dhaqan Somaliland Dr.Mahamed Cabdi Gaboose ,Saladiin , Aqoon Yahano ,Dhalinyaro ,Siyaasiyiin, Wasiiro, Iyo Haween .

Waxaana Ugu Horen Madasha  Lagu Shaaciyey In Caaawa Lagu Dhawaaqi Doono Urur Ka Shaqeen Doono Sidii Loo Dabar Jari Lahaa Khatarta

Uu Jaadku Ku Hayo Bulshadeena Oo Ah Mid Aan La Soo Koobi Karereen Waxaana  La Shaaciyey Gudoomiyaha Gudidan Isla Markaana Waxaa AY Bulshada Rer Somaliland Ugu Baqeen In Ay La Shaqeeyaan  Si Ay U Gaadhan Hadaf kooda Ah In Dabar  Gooyan Khataraha Kala Duwan Ee Ay Leeyahiin Mukhaadiraaku Kana Midka Yahay Qaaadku .

Ugu Horen Ayaa Waxaa Madasha Ka Hadlay Isla Markaana Si Aad U Faah Faahsan Ugu Hadlay Khatarka Qaadka Iyo Mowqifka Adag Ee Diintena Suuban Ee Islamku Isku Taagtay  Sh.Maxamed Sh.Cumar Diriri Waxaana Uu Sheegay In Diinteena  Suuban Ee Islaamku Ay Meel Adag Iska Taagtay Mukhaadiraadka Isla Markaana Mukhaadiraadka Uu Ka Mid Yahay Qaadku .

Waxaana Uu Sheekhu Cadeeyey In Qaadku Bulshadeena Dhibaatooyin Xoogan Oo Baladhan Uu Ku Yeeshay Hadii Ay Noqoto Xaga Diinta Iyo Dhincada Kale Ee Nolashiisa Waxaana  U  Xusay In Gudidan Ay Aheyd Mid Loo Bahana Buslshada Rer Somaliland Ay La Shaqeeyaaan.

Sidoo Kale Waxaa Isna Madasha Ka Hadlay Dr.Maxamed Cabdi Gaboose Oo Ka Mid Ah  Dhakhaatiirta Somaliland  Ka Hawl  Gala Waxaana Uu Dhakhtarku Si Cilmiyeysan Uga Hadlay Wax Yeelada Uu Qaadku Ku Leeyahay Caafimaadkeena

Waxaana Uu Cod Dheer Ku Sheegay Dr.Maxamed Cabdi Gaboose In Qaadku Uu Ka Mid Yahay Ama Uu Qeyb Laxaad Leh Ka Qaado Cudurada Dadkeena Ku Soo Badanaya Ee Ay Ka Midka Yahiin Faaliga Iyo Waaliadu

Dr.Gaboose Ayaa Waxaa Uu Sidoo Kale Ugu Baaqay Xukuumada Somaliland In AY Moqif Cad Ka Yeelato Sidii Loo  Joojin Laha Khatar Qaadka OO Uu Xusay In AY Tahay Mid Dadka Ku Soo Badaneysa Waxyeeladiisuna Maalinba Maalinta Ka Sii Daynbaysa Ayaa Sii Badaneyso.Culimada Diinta ee Somaliland, Xukuumadda iyo Dhakhaatiirta ayaa si isku mid ah bulshada ugu sawiray dhibaatada Caafimaad, dhaqaale iyo axlaaqeed ee uu ku hayo Cunista Qaadku, waxayna ku taliyeen in meel looga soo wada jeedsado sidii ummada reer Somaliland uga waantoobi lahayd isticmaalkiisa.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah hal-doorka culimada Somaliland iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada neerfaha ku dhaca ayaa khudbado ay ka jeediyeen Munaasibad habeen hore lagu daah-furay urur ka shaqeyn doono la dagaalanka Mukhaadaraadka, ayaa iftiimiyey dhibaatada Qaadka, halka Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland-na uu sanadkii hore sheegay in cunista Qaadku tahay Xaaraan marka la eego sharciga iyo danaha bulshooyinka caalamka.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo halkaasi ka jeediyay Muxaadaro dheer oo ku taxaluqda dhibaatada uu Qaadku ku hayo bulshada, ayaa xusay in waxyaabaha layaabka leh ee ay ka mid tahay in maalin walba dhaqaale gaadhaya 700.000 doollar lagu cuno qaad isla-markaana loo diro dalka Itoobiya, taasi oo uu sheegay inay ka dhigan tahay in sanadkii Qaad lagu cuno adduun dhan $ 252 Milyan oo dollar.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan isku dayey inaan ogaado lacagta maalintii inagaga baxda Qaadka, waxayna maalintii ku dhawaatey ilaa $ 700.000 dollar, sanakiina waa $ 252 Milyan oo dollar, haddii meel kale loola baydho waa lacag samayn karta waddo 1400KM ah”

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo Muxaadaradiisu dheerayd ayaa ku taliyey in shacabku ka waantoobo cunista Qaadka.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo isaguna halkaasi ku faahfaahiyey dhibaatada uu Qaadku u leeyahay caafimaadka ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka uu dadka u keenay ay ka mid tahay xannuunada dhanka Dhimirka.

Dr. Gaboose waxa kale oo uu wax ka taataabtey dhibaatada uu Qaadku u geysto jidh dadka cuna, gaar ahaan afka iyo ilaha, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in bulshada Somaliland fahamto dhibkiisa isla-markaana ka fogaato

“Qofka Qaadka cuna ee uu maalin walba kordhinayey garaaca wadnihiisa, aakhirka wuxuu yeeshaa Wadne Xanuun. Xididdada ayaa xumaanaya, dhiigga ayaa Xinjaro ku samaysmayaan oo xidhmaya” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qaadku wuxuu door weyn ku leeyahay xanuunka Faaligga ee dadkeenna aad iyo aadka ugu soo badanaya”

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa isagu hore meel adag iska taagay qadiyadda cunista qaadka lagaga wacyi-galinayo bulshada, waxaanu kulan ay wasaaradda shaqadu soo qaban-qaabisay ka sheegay in cunista Qaadku tahay Xaaraan, loona baahan yahay in dadku ka fogaadaan “Balwadda ina ragaadisay ee QAADKA la yidhaahdo xaqiiqadu siday tahay iyo sharciyanba waa Xaaraan oo toban jeer bay Xaaraan tahay, isaga iyo lacagta ka soo baxdaaba waa xaaraan..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Culimada Islaamku shirkii ugu dambeeyay ee ay ku qabteen Magaalada Madiina 1402-dii (Taariikhda Hijriga) oo ah ilaa 31 sano ka hor, waxay culimadu wakhtigaa ku dhameeyeen (Isku Raaceen) in QAADKU xaaraan yahay, oo aan loo baahnayn in dadka lagu dhex faadhiyo”

Wasiirku wuxuu sheegay “Go’aamadii shirkaa ka soo baxay waxa ka mid ahaa in dadka Qaadka cuna la xidho, taasina waata keentay in Sucuudigu qofka Qaadka iibiya iyo ka cunaya uu qaarkood dil ku xukumo…”ayuu yidhi.






No comments: