Saturday, February 28, 2015

MADAXWAYNE SIILAANYO OO NOQDAY MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY TAARIIKHDA EE HAWEENAY U MAGACAABA WASIIRKA WASAARADA MAALIYADA

wASIIR ZAMZAM CABDI AADAN 
OO NOQOTAY HAWEENAYDI UGU HORAYSAY EE WASIIR KA NOQOTA WASAARADDA MAALIYADDA SOMALILAND


Hargeysa - Isku shaandhayn Golaha Xukuumada Somaliland oo mudo laga sugayay in uu sameeyo Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud 'Siilaanyo' ayaa uu soo saaray habeen hore saqbadhkii, isku shaandhaynata ayaa Madaxwayne Siilaanyo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee taariikhda Somaliland haweenay u magacaabay xilka Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland, taasi oo ah talaabo ay soo dhaweeyeen haween waynaha Somaliland iyo ururada iyo dadka u dhaqdhaqaaq xuquuqda haweenka iyo dimuquraadiyada Somaliland, kadib markii uu Madaxwayne Siilaanyo u magacaabay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aada in ay noqoto haweenaydii ugu horaysay ee taariikhda Somaliland Wasiir ka noqota Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.


Marwo Samsam Cabdi Aadan waa haweenay Aqoonyahanad ah oo Nolosheeda intii badnayd ku qaadatay horumarka iyo dib u dhiska, waxa ay aqoon durugsan u leedahay Maamulka Duwaliga ah oo heerar kala duduwan aya ka soo qabatay 30kii sanadood ee ugu dambeeyay, ilaa ay afartii sanadeed ee ugu dambeeyay soo haystay xilka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

Guud ahaan Dadwaynaha reer Somaliland ayaa ku xasuusan doona dadaalkeedii joogtada ahaa Shaqo badnaanteedii iyo hogaaminteedii maamul ee ay ku hogaaminaysay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo 4.5 sano ee u dambeeyay iyadoo shaqaalaha waynaha Wasaarada ka dhigtay qaar si wayn isugu xidhan fulinta hawsha ay qaranka ugu xilsaaran tahay wasaaradani. Sidoo kale markii uu madaxwayne Siilaanyo u magacabay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare August 2010 waxay ay u hawlgashay isla markaasina geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay Waxbarashada Aaasaasiga ah ee dalka uga dhigi lahayd lacagla'aan oo waafaqsan waajibaadka dunida xorta ah isla qaadatay.

Shacabka Somaliland oo u badan danyar faqiir ah ayaa soo dhaweeyay talaabada Wasiir Zamzam lacag la'aanta uga dhigtay waxbarashada hoose dhexe ee dalka Waxana shan jeer laabmay tirada ardayda ku biirta waxbarashada hoose ee Somaliand iyo tirada hablaha hela waxbarasho, kadib waxa ay u hawlgasahay iyado ka jawaabaysa korodhka ardayda yar yar ee ku fursad waxbarasho ka heshay nidaamka cusub ee ay waxbarashada aasaasiga ah ee dalka lacag la'aanta uga dhigtay waxa ay Wasiir Zamzam iyadoo kaashanaysa khibradeeda iyo aragnimadeada shaqada ayaa u suurto galiysay in ay dalka miyi iyo magaaloba ka dhisto dugsiyo hoose dhexe iyo sare oo ku soo laban laabay intii dalka ka dhisnayd markii ay qabatay xilka Wasaarada Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare badhtamihii sanadkii 2010.

Magacaabida Madaxwayne Siilaanyo ee Marwo ZamZam ee xilka Wasiirka Maaliyada ayaa dad badani rumaysan yihiin in ay sababi doonto in Marwo Zamzam horumar muuqda gaadhsiindoonto dhismaha qaab maaliyadeed dalku yeesho oo bulshada Caalamkuna aamini karto, isla markaasina shacabka Somaliland fursad u siin doonto ay kula socdaan sida xukuumadu ugu tagrifasho cashuurta ay dalka ka soo ururiso. 

No comments: