Saturday, May 10, 2014

WAR DEGDEG AH: Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Oo Baafineysa Mulkiilaha TV-ga Universal Axmed Abuubakar

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa bafinaysa Madaxa Telefisinka Unversal, Axmed Abuubakar Mubaarak, in uu muddo bil ah ku yimaado maxkamadda horteeda

baafin_uni (1)
Ilaa iyo 3 sano waxaa socotey dacwad ka dhan ah Milkiilaha Tv-ga Universal, Axmed Abuubakar Mubaarak. Dacwadda ayaa ka socotey meelo badan oo kala duwan oo ah dalka dibaddiisa iyo gudahiisaba.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo gal dacwadeedku ka furnaa ayaa dhawr jeer looga yeeray Axmed Abuubakar Mubaarak, balse arrintaas waa uu ka dhega adayyay, waxayna dacwaddu u gudubtey Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, oo iyaguna dhawr jeer u yeeray.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Mubaarak uusan dhowrin Qoraalka maxkamadda ka soo baxay, lana soo xiriirin Xafiiska Garsoorka, si uu u garbaxo.

Arrintaas waxay dhalisay in Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ay soo saarto Qoraal baafin ah oo ay ku baafinayso Axmed Abuubakar Mubaarak meel kasta oo uu joogo gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba.

Qoraalka ayaa lagu Qoray: “Maxkamaddu waxay ku amraysaa Axmed Abuubakar in uu maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ku horyimaado muddo 30 maalmood oo ka bilaabanaysa 04/05/2014 kuna eg 06/06/2014, iyadoo la faray Axmed Abuubakar in uu dhawro yeerista loo yeeray.”

Baafinta waxaa ku saxiixan Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Dr. Xasan Maxamed Cali (Wariiri).

baafin_uni (2) 

No comments: