Search This Blog

Saturday, May 10, 2014

Masuuliyiintii Wargeyska Haatuf oo Xabsiga loo Taxaabay






Dacwadan oo Abaaro Sagaalkii Subaxnimo ka Billaamatay Maxkamada Hargeys ayaa Garsoorihii Dhageysanayey dacwadu waxa uu dacwadoohoodii dhegeystay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade iyo Wiil Sodog u yahay Madaxweyne Siilaanyo kuwaasi oo dacwad ka dhan ah ku furay wargeyska Haatuf oo hore ay ugu eedeyen in Warar been abuuraha uu ka tabiyey.

Dhanka Kale Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cige ayaa iyaguna eedahaasi loo soo jeediyey iska Difaacay.

Dacwadan oo Socotay Muddo ka Baddan 5 Sacadood oo xidhiidh ah ayaa Markii La dhegeystay dooda Wasiirada ee ay dhammaatay Dacwadii maantu ayaa Waxa Rumaan Loodiray Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cige.

Source: waaheen.com

No comments: