Saturday, January 11, 2014

Innaali-laahu wa-innaa-ileyhi Raajucuun. Suxifi Wayn oo ka Geeriyooday Somaliland: Wariye Siciid Guraase,



Marxuum Wariye Siciid Ismaaciil Gurraase EEBOOW u naxariiso aaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiin


Hargaysa - Ilaahay Ha U Naxariistee  Siciid Ismaaciil Gurraase oo ka mid ahaa Suxufiyiinta Ruug-caddaaga ah  ee Bahda Warbaahinta Somaliland, isla markaana Wargeyso badan oo Hargeysa ka soo baxa Tifaftire ka soo noqday, ayaa xalay  ku geeriyooday magaalada Hawaas ee duleedka Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo maalintii khamiistii loo qaaday, ka dib markii maalmo ka hor uu dhiig madaxa kaga furmay, isla markaana Hargeysa waxba lagaga qaban kari waayey si loogu soo daweeyo itoobiya.

Alle ha u naxariistee Wariye Siciid Guraase, oo hadda ka mid ahaa bahda Wargeyska Waaheen, ayaa waxa afar maalmood ka hor waxa madaxa kaga furmay dhiig, waxaanu saddex maalmood yaallay Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, balse Khamiistii  ayaa loo qaaday magaalada Addis Ababa, isagoo isla xalayna ku geeriyooday Hawaas oo ka sokaysa Addis Ababa,

Marxuun Siciid Markii uu diyaaradda qaban-waayey waxa Maalintii khamiistii Hargeysa lagaga qaaday Ambalas maaddaama oo uu ku xidhnaa qalabka neefta ee Ogso-jiintu.

Wariye Siciid Guraase, ayaa ka mid ahaa bahda Saxaafadda Somaliland muddo dheer, waxaanu ahaa Weriyayaasha rug-caddaaga ah ee Saxaafadda muhiimka u ah, waxaanu muddadii dalka lagu soo noqday ka soo shaqeeyay Wargeysyada Jamhuuriya, Haatuf, Maalmaha, Waaheen, Xog-ogaal iyo Himilo oo uu dhawaan bilaabay.

Allaah ha u naxariistee, Marxuumka ayaa lagu wadaa in Maanta Meydkiisa la keeno magaalada Hargeysa si loogu aaso  haddii Illaahay yidhaahno.

Hawlwadeenada Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HORNWATCH)  iyo dhamaan Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee HORNWATCH waxa ay tacsi u diraysaa eheladii iyo Qaraabadii iyo guud ahaan Bahda Saxaafada Somaliland, qoyskii iyo eheladii  uu ka baxay marxuunku Illaahay Naxariistii Janno Ha Ka Waraabiyo iyagana Samir iyo Iiman haka siiyo ........ Aamiim Aamiin.......Aamiin

No comments: