Wednesday, November 27, 2013

Musharaxiinta Puntland oo kor u dhaafay 20 (Akhriso Magacyadooda iyo Gobolada ay kasoo kala jeedaan)




Waxaa sii badanaya musharaxinta u taagan hagaanka Puntland iyada oo ay hada ay gaarayaan in ka badan 20 musharax.

Musharaxiinta ayaa u kala qeybsan kuwa xilal kasoo qabtay maamuladii Puntland soo maray, Gancsato si weyn looga yaqaano Gobolada Puntaland, iyo ku cusub masraxa siyaasada.
Inkasta oo ay mudo aad u gaaban ka dhiman tahay doorashada hadana waxaa Olalaha u socdaa si aad u baxad weyn.

Olalaha ugu weyn ee xilka Madaxweynenimada Puntland ayaa u muuqdaa in uu u dhaxeeyo Madaxweyne Faroole iyo Cali Xaji Warsame.

Musharax Cali Xaaji ayaa ah musharax kaliya taageero weyn ka heysta Ganacsatada Puntland.
Waxaa dhamaan siyaasiyinta xildoonka ah ay dadaal ugu jiraan sidii ay xildhibaanada Beesha Dhulbahante ay codkooda u heli lahaayeen.

Madaxweyne Faroole waxa uu ku kalsoon yahay in loo dooran doono 5ta soo sacota hogaanka Puntland wararka waxa ay sheegayaan in madaxweyne Faroole uu ilaa hada uu kalsooni ka heysto xildhibaada gaaraya 33 xildhibaan.

Mudug            4  Musharax
Nugaal            7  
Musharax
Dhulbahante   9  
Musharax
Bari/Karkaar  4  
Musharax
Warsangeli      9  
Musharax

Musharaxiinta Gobolka Mudug ayaa aaminsan in Xildhibaanada beesha Dhuldahante ay xaq ugu leeyihiin in ay iyaga codsiiyaan waxa ayna ku sababeenayaan iyaga shacabka Mudug ay garab istaageen dagaaladii ka dhacay deegaanada KHaatumo.

Dorashadaan ayaa Saameynta ugu weyn ku yeelan doonta loolanka ka dhaxeeya Madaxda Fedraalka, Madaxweyne Xassan SH ayaa dan weyn wadaa waxa uu dadaal ugu jiraa sidii xilka looga qaadi lahaa Raiisul wasaare Saacid waxaana warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in Xilka uu magacaabi doono siyaasi kasoo jeedo Puntland gaar ahaan beelaha Mudug, taasna Madaxweyne Faroole aad buu usoo dhaweeyey.
Dhanka kale Madaxweyne Faroole, Cade Muuse iyo Gaagaab ayaa u muuqda kuwo isku soo dhawaanaya waxaana la filayaa in dhawaan ay Isfahan weyn dhexmari doono.

Beelaha looga tirada badan yahay Puntland ayaan wax jaanis ah ku laheyn in ay waqtigaan ka qabtaan xilka Madaxweynenimo Puntland.

Halkaan Hoose ka Akhriso Musharaxiinta.

Gobolka Bari

Musharaxiinta ka Soo Jeeda Beesha Cali Saleebaan
1- Shire Xaaji Faarax (Ganacsade laga qadariyo Puntland)
2-  Yaasiin Faarax Cartan  (kamid yahay Muxtaramiinta Gobolka Bari)

Gobolka Nugaal


Musharaxiinta ka Soo Jeeda Beesha Ciise Maxamuud iyo Leelkase Nugaal
1-  C/raxmaan Faroole (Madaxweynaha Talada Haya)
2- Maxamed Cabdi Nuur Xirsi  (kamid yahay Muxtaramiinta Gobolka Nugaal)
3-Cabdinaasir  (kamid yahay Muxtaramiinta Gobolka Nugaal)
4-Cali Xaaji Cabdulle dhegoole
5-CabdiQaasim Maxamed Xassan (U Taagan Madaxweyne Ku Xigeen)

6- Daahir Xirsi Cali Ciiro  (kamid yahay Muxtaramiinta Gobolka Nugaal)


Gobolka Mudug


Musharaxiinta ka Soo Jeeda Beesha Cumar Maxamuud
1- Cali xaaji Warsame (Madaxii Hore ee Shirkada Golis, Uguna Cadcad Tartamayaasha Madaxweyne Faroole Laloomaya)
2- Prof. C/wali Maxamed Cali Gaas (Raiisul Wsaarihii Hore ee Soomaaliya)
3- C/wali Maxamud Gurey  (Muxtaramiinta Gobolka Mudug)
4- C/daahir Maxamed Yuusuf (AUN Cabdullaahi Yuusuf Baa Adeer u Ahaa)
5- Gen. C/laahi Cali Mire Carays (Wax badan u Qabtay Puntland)
6- C/raxmaan Cuuke (Aad looga Qadariyo Soomaaliya)
7- C/raxmaan Maxamed Gablax Qurba Joogta Minnesota)
8- Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab (Madaxweyne Xigeenkii Hore ee Puntland, aadna looga qadariyo Gobolka Dhamaantiis)
9- Cali C/qaadir Yuusuf (Muxtaramiinta Gobolka Mudug)

10- C/laahi Cali Barre (Cidi-libaax) (Muxtaramiinta Gobolka Mudug)

Gobolka Karkaar
Musharaxiinta Kasoo Jeedo Beesha Cismaan Maxamuud
1- Xaji Maxamed Yasin (kamid yahay Muxtaramiinta Gobolka Karkaar)
2- Axmed Cabaas Axmed (Gacmogaab)  (kamid yahay Muxtaramiinta Gobolka Karkaar)
3- Dr. Saadiq Eenow (Qoraa, Hogaanka Xisbiga Midnimo)
4- Cali Cabdi Awaare -Cismaan Maxamuud (Wasiirkii hore Dawladaah Hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland)
5- Gen. C/laahi Saciid Samatar (Wasiirkii Hore ee Amniga Puntland)

6- C/lahi Shekh Axmed  (kamid yahay Muxtaramiinta Gobolka Karkaar)

No comments: