Thursday, October 10, 2013

Madaxda sharikadaha mobile-lada Kenya oo la baadhayo



Madaxda sharikadaha moobillada ee Kenya


Madaxda iyo maamulayaasha sharikadaha telifoonnada moobillada ee dalka Kenya ayaa wax laga weydiinayaa sababaha Keenay inay jiraan in ka badan 1.5 malyuun oo ah kaadhadhka loo yaqaan SIM cards oo aan la diiwaangelin, hasse ahaatee lagu isticmaalo dalka Kenya gudihiisa. 

Arrintani waxay walaac gelisay hey'adaha nabadsugidda oo sheegay inay dhici karto in moobillada noocaas ah loo adeegsado wada xidhiidhka falalka argagixisnnimada, sidaasi awgeedna ay khatar ku yihiin nabadgelyada. Booliska Kenya waxay shirar iyo wax weydiin la yeesheen madaxda sharikadaha isgaadhsiinta afar ka tirsan oo ah kuwa telifoonnada moobillada.

Arrintani waxay ka danbaysay warbixinno lagu xusay in moobillo aan diiwaabgashanayn loo adeegsaday weerarradii xarunta Wesgate oo ay adeegsadeen islaamiyiintii weerarkaas geystey.

Waxana boolisku ugu hanjabay maareeyayaashaasi afarta sharikadood inay dhici karto in loo soo jaro waaran xidhitaan ah, hase ahaatee iyagu waxa ay ku gacansaydheen eedaymahaasi.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen madaxda afartaasi sharikadood, oo kala ah Safaricom, Bharti Airtel, Orange Kenya iyo Yu Essar, waxay sheegeen inay caddeemo u gudbiyeen booliska markii ay saldhigga tegeen. Waxayna ku doodeen in sharikadahoodu ay u hoggaansamaan qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ah ee u yaalla cadeegyada noocan ah iyo dhawrista waxyaabaha saamaynaya nabadgelyada iyo deganaansha.

Dalka Kenya waxa ka jira ilaa 29 malyuun oo ah kaadhadhka loo yaqaan SIM cards ee moobillada oo si sharci ah u diiwaangashan, iyo in ka badan 1.5 malyuun oo aan diiwaangashanayn. Sharikadda loo yaqaanno Safaricom ayaa ah tan ugu weyn ee adeegyada moobillada dalka Kenya.

No comments: