Wednesday, October 9, 2013

Fowziyo oo tiri Soomaaliya Xor ma ahan!


Fowsiyo Yousuf Haji Aden, Wasiirka Arimaha Dibada DFS
London  - Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka hadashay Weerarkii Ciidamadeeda Mareykanka ay ku qaadeen Xeebta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Fowziyo Yuusuf ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Weerarkii uu Mareykanku maalmo ka hor ku qaaday Guri ku yaalla xeebta Baraawe oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Fowziyo oo Wareysi siinaysay Telefishinka CNN ayey sheegtay in ay ku faraxsantahay Tilaabada ay qaadeen Ciidamada Mareykanka ee Navy SEALs.

“Aad baan usoo dhaweyneynaa Weerarkii Mareykanka uu ku beegsaday Al-shabaab, waa tilaabo lagu caawinayo Soomaaliya,  waana arin u baahan in lasii wado" Ayay tiri Fowziyo.

Wasiirada ayaa sheegtay in Dowaldda Mareykanku aysan u baahneyn Fasax ama in ay dowladda Soomaaliya weydiisto ogolaasho Weerarrada kale ee ay la beegsanayaan Al-shabaab.

"Umana baahna (Mareykanka) inay ogolaasho na weydiistaan, waayo waxaan dagaal kula jirnaa cadow guud”

“We are welcoming more if this will help us get rid of al-Qaeda, al-Shabaab (...) We have a cooperation, and they don’t have to ask us, because we are fighting a common enemy.”

Wasiiradda Arrimaha dibadda ayaa iska dhigtay in Dowladeeda la weydiistay Fasax ama Ogolaasho, Weerarkii Toddobaadkan billowgiisii lagu qaaday Baraawe iyo midka Diyaaradaha Droneska ay geestaan.

Fowziyo oo tiri Soomaaliya Xor ma ahan!

Wariyaha Keydmedia Online ee London ayaa Wareysigaan kala hadlay Wariye Soomaali ah oo u shaqeeya mid kamid ah Wakaaladaha Wararka, Wariyhaan oo Codsaday in aan Magaciisa la Shaacin ayaa hadalka Wasiirada ku tilmaamay mid Qof Mas'uul ah uusan ku hadlin.

"Fowziya waxey Qiratay oo si Cad u sheegtay in aysan Soomaaliya aheyn Dal Xor ah, Dowlad Soomaaliyeed oo ka talisana aysan ka jirin (...)

Hadalkeeda waa hadal Daciif ah oo Qofka uu kasoo yeeray uusan Mas'uuliyada saaran aan fahmin.

Waa Qof fudud oo aysan Siyaasaddu u bilowneyn" Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Hada kahor Shirkii lagu qabtay London II, saas oo kale waxey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London hortooda ka sheegtay in Calanka Ingriiska laga taagay Magaalao Madaxda Muqdisho, ayna ku faraxsantahay, Goobtee hadalkaas ka leedahay waxaa fadhiyay Madaxweyne Xasan Sh. waana sacbiyeen, hadaba hadalkaas Diplomaasi ahaan hadii loo fiiriyo waa Qalad (...) Kawaran hadii Wasiirka Arimaha Dibada UK uu yiraahdo: Waaan ku Faraxsanahay in Calanka Mareykanka laga taagay London? Soo looma qaadanayo in Dalkaasi la maamulo?"

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Navy SEALs ayaa Toddobaadkan billowgiisii Weerar gaadmo ah ku qaaday Guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe, inkastoo weerarkaas uu noqday mid fashilmay oo aan hadafkii laga lahaa laga gaarin.

Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka oo la hadlay Wakaalada Wararka ayaa sheegay ay raadinayeen Nin Kenyaan ah, oo lagu magacaabo Cikrama oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab.

No comments: