Thursday, August 1, 2013

Somalia: Afhayeenkii Duubabka Hiiraan Oo Caawa Lagu Dilay Baledweyne



Baledweyne, Somalia - Kooxo hubeysan ayaa caawa maqribkii magaalada Baledweyne ee xaarunta gobolka Hiiraan ku toogtay afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolkaas Xusseen Cilmi Ibraahim.


Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in sadax dhalinyarro ah oo ku hubeysan bastoolado weerar ku qaadeen marxuum-ka xili uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, inkastoo aanay suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka ka dambeeyay.
Meydka Afhayeenkii golaha dhaqanka odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyn.
20-kii bishan Luuuliyo ee aynu jirno ayey aheyd markii magaalada lagu toogtay guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada Baladweyne Xussan Cilmi Ciyoow.
Dilka afhayeenka odayaasha dhaqanka ayaa kusoo beegmay xilli maanta booliska gobolka Hiiraan soo bandhigay labo dhallinyaro ah oo loo heysto dilkii Garsoore Ciyow.

No comments: