Thursday, August 1, 2013

Seddax Hayy’adood O Caalami ah Oo Ka Digay In La Joojiyo Xawaaladaha Soomaalida


War qoraal ah oo ay si wadajir u soo saareen Hey’addaha Oxfam, Inter American iyo Adesa ayaa lagu sheegay haddii la xiro xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee waddamada reer galbeedka in ay halis ku keeni karto in dad badan oo ku tiirsanaa ay waayaan.Hey’addahan ayaa sheegay in lacagaha Soomaalida dibedda ku nool ay u diraan eheladooda ay ka badan tahay lacagta gargaar ahaan loo siiyo dalka Soomaaliya.

Bananka Maraykanka ayaa dhawaan sheegay in ay ka cabsi qabaan in lacagaha la soo marsiiyo xawaaladaha Soomaalida ay halis ugu jiraan in ay ku dhacdo gacanta kooxda Al-Shabaab ama kooxo kale oo qas ka wada dalka Soomaaliya, sidaas darted waxa ay ka baqayaan in sharciga lagala noqdo.

Waxa ay baanankan ku dhawaaqeen in ay xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka.

Sidoo kale dhawaan waxaa Bankiga ugu weyn Britain Barclays Bank uu ku dhawaaqay in uu xirayo xisaabaadka 100 xawaaladood oo ku yaalla dalka Ingiriiska, waxaa kaloo Baanka digniin kama dambees ah uu siiyay Shirkadda Dahabshiil, taasoo ugu dambeen 12-ka bisha August ee sannadkan lagu wargaliyay in ay soo gabagabeyso xiisaabadka ay heyso.

Habaddaba hey’adahan waxa ay sheegeen in tallaabada ay qaadayaan baananka Yurub iyo kuwa Maraykanka ay yihiin kuwa halis galin karta in Soomaalida ay iska bixin waayaan lacagaha kirada ay ku bixiyaan iyo kuwa cuntada ay ku cunaan.

Soomaalida ku dhaqan waddamada dibedda waxa ay sannadkan kasta Soomaaliya u soo diraan 1.3 Milyan oo dollar, lacagtaas waxa ay ka badan tahay mida gargaarka loo siiyo dalka Soomaaliya.

Hey’addahan ayaa ugu dambeen ku baaqay haddii falalkan ay ku dhaqaaqaan baananka Yurub iyo Maraykanka in xawaaladaha Soomaalida ay billaabi doonaan in ay ku shaqeestaan qaab suuqa madow ah.

No comments: