Wednesday, July 24, 2013

WAR DEGDEG AH: Qarax Khasaaro geystay oo lala eegtay mudanayaal baarlamaanka ka tirsan oo goordhaweyd Muqdisho ka dhacay



Muqdisho - Qaraxa aad u xooggan oo lala eegtay gaari uu watay mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho,qaraxa ayaa la sheegayaa inuu kusii xirnaa gaariga Xildhibaan Sheed Aadan Madeer oo ah gudoomiyaha gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa geystay dhimashada hal ruux oo rayid ah waxaana ku dhaawacmay 7 kale oo dhammaantood ah dad shacab ah,gaariga uu qaraxu haleelay ayaa waxaa qabsaday dab aad u xoogan,goobta uu falku ka dhacay ayaa ah Suuqa wadada Via Eyjito ee degmada Xamarweyne oo ah goob aad u mashquul badan.

Xildhibaanadii weerarka lalu bartilmaameedsaday ayaa ka badbaaday, waxaana ay sheegeen iney xiliga uu qaraxu gaariga qabsday in ay ku jireen Dukaamo kusoo jeeda goobta uu gaarigu yaalay, Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa goobta ka daad gureeyey dhaawacyadii qaraxa ku waxyeeloobay.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Ibraahim Sahal oo goobta soo gaaray ayaa sheegay in aanay qaraxa wali hubin nuuca uu yahay basle waxa uu tilmaamay inuu laba mid uun yahay in qarax uu gaariga kusii xirnaa iyo in Bac walxaha qarxa ay ku jiraan gaariga la hoos dhigay sidaasne uu qaraxu ku yimi, wuxuuna meesha ka saaray in dhulka lagu sii aasay maadaama ay goobta iyo agagaaekeeduba ay Laami yihiin.

Gudoomiyaha degmada ayaa sheegay inuu falkani yahay mid cadowtooyo oo lagu gumaadayo, wuxuuna Alle uga baryey kuwa dadka qarxinaya iney iyagu qarxaan,wuxuuna xaqiijiyey in qaraxa uu ku dhintay hal ruux 7 kalane ay ku dhaawacmeen,dhaawacyada ayaa waxaa ku jira kuwa qaba dhaawacyo halis ah oo xubnahooda ku waayey qaraxa.

Taliyaha saldhiga booliska degmada Xamarweyne Maxamed Daahir oo isne goobta warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay iney baaritaano ku wadaan sida ay wax u dheceen iyo cidii masuulka ka hayad qaraxaas.

Xildhibaan SH Aadan Madeer oo lahaa gaariga la qarxiyey oo weerarkaasi ka badbaaday ayaa warbaahinta u sheegay iney gaariga saarnaayeen isaga iyo rag kale oo xildhibaano ah xiligaas,balse ay nasiib wanaag ku jireen dukaameysi.

No comments: