Wednesday, July 24, 2013

Press Statment: Waxaanu Soo Dhawaynaynaa Idaacada QURAANKA KARIIMKA AH EE SOMALILAND LAGA HIRGALIYAY


“inkastoo hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah ay uu sida fiinta uga sii qaylinayay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yusuf Ducaale hadana Aakhirona meel la tago lehe Idaacadan Quraanka Kariimka ah way mahadiyeen bulshada reer Hargeysa oo iimaankoodii ayay qoysay, Boobana wuxuu kala garan wayaay mucaaradada uu Madaxwayne Siilaanyo u hayo markaasuu ILAAHII abuurtay Mucaariday, haka toobad keeno ayaan kula talin lahaa hagardaamooyinkii uu Quraanka kariimka ah u gaystay 
                                                                 ..................Gudoomiyaha HORNWATCH




Ku:                   Warbaahinta Gudo iyo Dibad
Taar:                 23 July 2013

ODHAAH SAXAAFADEED / PRESS STATEMENT

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si wayn u soo dhawaynayaan IDAACADA QURAANKA KARIIMKA AH ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud. Ahmed Mohamed Siilaanyo ka hirgaliyay taariikhda markii ugu horaysay caasimada Somaliland.

Guul uu aadami suurtogaliyo tii ugu waynayd ayuu Madaxwayne Siilaanyo ka hirgaliyay dalka Somaliland taasi oo ah Idaacad FM ah oo  24 saacadood 7 maamlmood ee todobaadkii dadwaynuhu si joogto ah uga dhagaysanayaan Qawlka RABI koree oo nasahnaaye” sidaasi waxa yiri Gudoomiyaha Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch Mr. Suleiman Ismail Bolaleh.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri Mr. Bolaleh “inkastoo hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah uu sida fiinta uga sii qaylinayay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale oo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii caasimadu aanay u heli lahayn IDAACAD ka haqabtirta Quraanka Kariimka ah ayaa waxan anigu is waydiiyay oo tolow ma ILAAHII abuuray iyo Qawlkiisa QURAANKA KARIIMKA AH ayay Mucaaridada Siilaanyo Boobe ula gashay Boobe”.[1]

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch waxay u aragtaa suurtogalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah mid wax ku ool u ah dib u soo celinta dhaqanka suuban ee Islaamnimada ee guud ahaan mujtamaca, gaar ahaan waxay si aan la qiyaasi karin idaacadani wax uga taraysaa horumarinta barashada xifdiga Quraanka Kariimka ah iyo aqoonta faraha badan ee ku duugan, waxay kobcinaysaa guud ahaan Akhlaaqda wanaagsan, run sheegnimada, amaano xafidka mujtamaceena.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch, waxay EEBE uga baryaysaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada iyo dhamaan cid kasta oo hirgalinteeda kala qaybqaadatay ka hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah dalka Somaliland in uu RABI ajar iyo xasanaad ugu bedelo, ugana dhigo sahay ay si fudud kaga gudbaan Jidka Siraad maalinta xisaabta wayn ee Aakhiro.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch waxay ku dhiirigalinaysaa xukuumada Somaliland in ay magaalooyinka kale ee Somaliland ka hirgaliyaan idaacadan oo kale, sidoo kale waxanu ugu baaqaynaa Ganacsatada Somaliland in lacagtooda ku iibsadaan inta aanay dhiman ka hor Janadda EEBE oo ay qaybo ka mid ah maaliyada ILAAHAY siiyay ku bixiyaan sidii looga hirgalin lahaa Idaacado Quraanka Kariimka ah Gobolada iyo Magaalooyinka dalka ee wali dhegaysiga Idaacada Quraanka Kariimka ahi aanay gaadhin.

ILAAHAY AYAY MAHADI U SUGNAATAY
Suleiman Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HornWatch)



[1] Boobe Yuusuf Ducaale oo Idaacadan Quraanka Kariimka ah ee umaddii caasimada ku noolayd qaboojisay isku dayaya in uu bilowgaba suurtogalinteeda curdan dhadhiyo, dagaalkii uu ku qaaday si faahfaahsan waxad uga akhrisan kartaa qormooyinkiisii 9, 10, 17, 18 ee taxanihiisii Magacaabistaydii iyo Maagistaydii oo aad ka daalacan karto websitka Boobe Yuusuf Ducaale ee www.dharaaro.com ama guji halkan:


No comments: