Friday, July 5, 2013

WAR DEGDEG AH: DAGAAL CULUS OO LAGA BAQAYO IN KA DHEX QARXO CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND AGGA BADHAN IYO KUWA MAAMUL GOBALEEDKA PUTLAND,( WARBIXIN MUHIIM AH)

Taliyaha Ciiddamada Qaranka Jamuriyada Somaliland ee Fadhigoodu yahay Magaalada Badhan, Yaasiin Cismaan Saalax (Gurey) oo Telefoonka ugu waramay

Taliyaha Ciiddamada Qaranka Jamuriyada Somaliland ee Fadhigoodu yahay Magaalada Badhan, Yaasiin Cismaan Saalax (Gurey) oo Telefoonka ugu waramay Shabakada Caalamiga aH ,MaandeeqNews isaga oo jooga Magaalada Badhan ayaa sheegay inay Magaalooyinka Badhan iyo dhahar hada si buuxda gacanta ugu hayaan CiidamadaQaranku Somaliland isla markaana ay ka saareen xubno ka socday guddiga doorashooyinka Maamulka Puntland oo Magaalooyinkaasi soo galay.

Waxaanu taliye Gurey sheegay in markii ay ka war heleen in xubnahaasi ka socday Maamulka Majeerteniya ay ku sugan yihiin deegaanadaasi ay Ciidamada Qaranka Somaliland weerareen isla markaana ay ka saareen meelihii ay joogeen, wuxuuna yiri ‘’way jirtay xili ay soo galeen magaaloyinka Dhahar iyo badhan qolo ka socotay Komishanka doorashooyinka Majeerteeniya , ka dib markii aanu ogaanay inay deegaanadaasi ku jiraan, oo dad yar oo u dhashay gobolka Boosaaso ay xagan wax ka wadeen ayay ciidamada Qaranku Ka Sareen meeshii ay joogeen, waanay baacsadeen.” Ayuu yiri Taliyaha.

Yaasiin Cismaan Saalax (Gurey) waxa kale oo uu sheegay in Masuuliyiin ka socday maamulka Majeerteniya oo hawlo ka waday Magaalada Dhahar ay sidoo kale doraato weerareen kana saareen ciidamada Magaaladaasi “Qolo ka socotay dhinaca Majeerteniya oo Magaalada Dhahar dadka uga yeeraayay iyagana ciidamada ayaa shalay weeraray, dadka iyo maatada Magaalada dhexdeeda ayay rasaas ka rideen, laakiin waa laga saaray” ayuu yiri Taliye Gurey.

Taliyaha ciidamada Qarnka Somaliland ee gobolka Badhan waxa kale oo uu tilmaamay in ciidamada ee aagaasi ay diyaar u yihiin isku day kasta oo kaga yimaada dhinaca Maamulka Majeerteniya isla markaana aanay maamulka Farooel uga suurtagelayn inuu wax sanduuqyo ah keeno deegaanadaasi wuxuuna yiri “Sanaaduuqda waxay doonayaan inay keenaan 16 ka bisha July 6- maqribnimo laakiin wax goboladan ugu suurtagelaya ma aha, ciidanka waa u diyaar, indhaha ayaanay ku hayaan, waxaanay eegayaan waa sanduuqa goobaha ay doonayaan in ay sanaaduuqda dhigaan ayaa lagu diyaarinayaa ciidamada oo aad iyo aad u badan, talaabo ayaanay qaadayaan ah inay indhaha ku dhuftaan.

Waxaanu intaasi raaciyay “gobolkan Badhan waa Somaliland, gobolka barina waa majeerteeniya oo waa Puntland, Gaalkacayo iyo Qardho ayaan nabad ahayn Badhan oo Somaliland inuu Faroole sanaaduuq keeno ama carqalad ka rido waa mid aan soconayn, Dawlada Somaliland-na kama yeeli doonto indhahana ka laaban mayso, sida foosha xun ee uu Faroole muddada badan ugu doonayay inuu nabadgelyo darro ka abuuro deegaanadan” “Waxaanu leenahay Faroole ha ogaado arrintaasi in aanay ka soconayn, ciidanka Qarankuna waa diyaar oo way joogaan Dhahar, Badhan iyo Laasqorayba, aagaas oo dhan waana ku diyaar.” Ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka gobolka Badhan Maxamed Faarax Cumar, oo isna xalay u waramay shabakada,MaandeeqNews.com isaga oo jooga magaalada Badhan, ayaa sheegay inay ka maamul ahaan diyaar u yihin in aanay Puntland sanduuqyo keenin magaalooyinkaasi “Arrintaasi diyaar garawgeedu wuu jiraa, ciidanka Qaranka iyo ka maamul ahaanba diyaar ayaanu u nahay, waxaan u soo jeedin lahaa Faroole inuu faragelinta ka daayo deegaanadan iyo shacabkayaga, nin gurigiisii gubanayaa ma aha inuu guri kale isku hawlo.”.   

No comments: