Friday, July 5, 2013

AKHRI Oo DAAWO Aad YAABTIDE!: Asalka calanka dalka Soomaaliya oo la ogaaday in la soo Minguuriyay, Xog Sugan + Daawo Video

Waa yaab! Yaabka Yaabkiis!!! Taariikhda Calanka Soomaalidu miyey khaldantahay? oo 53 sanadood ma calan COPY ah ayaa inaga dul babanayay? Mise horaa loo caddeyey ee aniga ayaan ka warqabin.

Waxaa la igu barbaariyey taariikhda calanka buluuga ah oo xiddigta cad oo shanta gees-leh dhexda ku leh in uu hindisay Ilaahay ha u naxariistee nin la oranjiray Maxamed Cawale Liibaan. M. Cawaale wuxuu ahaa nin aad u wanaagsan, ilbaxna ah aqoon dheeraadana u laha addunyada. Waxuu madax ka ahaan jiray xafiiska madaxweyne Aaden Cabdulle Cosman, kaddibna warshaddi kallunka ee Boolimoog ayuu maareeye ka noqday, ugu danbeyntiina ilaa burburkii wuxuu la taliye u ahaa goddomiyaha Bangiga Horumarinta Soomaaliyeed.

Waxaa taariikhda Soomaalidu qoreysaa in 1954 uu Maxamed Cawaale hindisay oo sawiray calanka buluuga ah tafsiirna ku bixiyey in buluugu cirkeena yahay xiddigta cad ee shanta-gees lahina ay ka dhigantahay shanta Soomaaliyeed ee gumeystuhu kala qaybsaday. Sidaas baan ku rumeysannay uguna heesijirnay ilaa wakhtigan xaadirka ah.

Hadaba goor galab ah ayaan Filin American ah oo la yiraahdo: GODS AND GENERALS aan soo kiraystay. Wuxu Filmku ku saabsanyahay dagaalkii sokeeye ee Woqooyi iyo Koofurta Mareykana ka dexdhacay, dagalkaas oo bilowday April 12, 1861 dhammadayna 9 April 1865, iyada oo Gen. Robert Lee uu hoggaminayay ciidamada Koofureed oo isku dhiibay Gen. Ulysses Grant oo ahaa Tliyaha ciidamada Waqooyi mudo kadibna Madaxweynaha America uu noqday sanadihiii 1869 ilaa 1877.

Ciidamada Koofureed ayaa waxay wateen Calankii Soomaalida ee buluuga ahaa oo heesa la yaab leh u qaadayey oo u micno dhaw kuwii aan u qaadi jirnay bluglay. Yaab iyo amakaag ayaa igu dhacay markaan arkay Gen. John Bell Hood oo ku magacdheeraa Sam Hood oo ciidankiisii oo rer Texas ahi ay sitaan n calankeeni Buluuga ahaa. Arrintaas markaan arkay ayaan raadin ugu dhaqaaqay bal asalkeeda iyo taariikhda calanka buluuga ah cida hindistay in aan raadiyo.

Ciidamada Koofurta America calamadii ay kala wateen 1861. Waxanan arkayaaa in calankeenii buluugley dhex babanayo. Waxana ay ku magacaabayeen “bonnie blue flag”

Waxaan ogaaday in markii ugu horreysay ee Calan Buluug ah oo dhexda ku leh xidig cad oo shan geesood leh ay ahayd 23 September 1810. Dadkii deganaa galbeedka Florida (USA) oo Spain gumaysan jirtay ayaa isticmaarkii ku kacay burburiyeyna wixii mood iyo noolba Spain lahayd. Waxay dhulka soo dhigeen calankii Boqortooyada Spain iyaga oo saaray Calanka Buluug ah ee dhexda ay uga taalo xidigta cad ee shangeeslayda ah kaasi oo aan sina uga duwanayncalanka Soomaalida. 10 December 1810 ayaa ‘USA” la wareegtay dowladii cusbay ee Florida, oo la oran jiray “Republic of West Florida”. Waxaana la soo dejiyey Calankii Buluuga ahaa oo lagu badalay calankii “USA”

Muddo kaddib waqtigii dagaalkii sokeeye ee Mareykanka uu bilaabanaayey ayaa dowlad goboleedkii Mississippi ka goostay dalka Mareykanka lana soo baxaday “Bonnie Blue Flag” waa Calankii Buluuga ahaa oo awal meel la isaga tiiriyey.

Dib bay u soo noolaatay Calankii Buluuga xidigta shanta gees leh oo cadi dhexda uga taalay sanadkii 1861 halakaas oo cidamada koofureed gaar ahaan  ciidankii Texas ay wateen Calanka Buluuga ah. Dowlad gobleedyadii koofureed markay ka bexeen wadajirkii America waxay ka dhigteen si aan rasmi ahayn calanakooda kan buluuga ah ama siday.

Bulshada Soomaalida dhexdeeda Ilaa waqtigan xaadirka ah waxa la isku haystaa cida hindistay calanka Soomaaliya ee Buluuga  ah laakiin muran kama taagna ninkii tiriyey heestii ugu caansaneyd ee Calanka buluuga ah loo tiriyo oo la curiyay sannadkii 1861 heestaasi oo uu alifay Mr. Harry McCarthy oo asalkiisu Irish ahaa kana yimid gobolka Ulster.

Su’aasha muhiimka ah, ee aan u soo bandhigayo guud ahaan bulshada Somalia ayaa waxay tahay, sidee calankan buluuga ahi inoogu yimid. Ma Maxamed Cawaalaa hindisay calankan buluuga ah ee xidigta cad ee shanta geesle leh isaga oo aan arag calankaan gobolo ka mid ah Maraykanka ka dul babanayay sanadahii  1810 iyo 1861? Mise wuu soo koobi gareeyay markuu ogaaday in aan dowlad lehi aanay jirin sannadkii 1954 oo meel la isaga tiiriyey?.

Daawo Video-gan Cadaynta ah


Qore: Abdulkadir Aden Mohamud “Jangeli”

Source: Xiiso.com

No comments: