Hon. Ahmed Aden Qaybe |
Siyaasiga Qaybe oo laga
waraystay shalay barnaamijka raad raaca taariikhtii Somalia ee idaacada
BBC-da ayaa waraysigaasi uu kaga hadlay arimahaasi, waxayna u dhacday
sidan oo ugu horayn la waydiiyey kulankii labada dhinac natiijada ka soo
baxday, waxaanu yidhi:
“Natiijadii kulankaasi waxay
noqotay waa la is mari waayay, habeenkii oo dhan markii la wada hadlayay
waa la ismari waayay waxa lagu heshiiyey markii danbe 4:30 ahayd waar
bal guddidii wasiirada hadana ku celino oo bal iaygii aynu nidhaahno sii
wada bal inaad xal ka gaadhaan”
S: Qaybe qodobada ay isku
mari waayeen ee ugu darnaa ee labada hogaamiye isku afgaran waayeen
maxay ahaayeen?
J: Arrinta la isku haysan
jiray ee dhulka Soomaaliyeed, taasi horta waxay tahay aasaaska waxa kale
o ka mid ahaa Balan-bale iyo Gal-dogob oo Xabashidu qabsatay oo jiido
aanu leenahay baanu qabsanay aduunka maqashiisay inay iyana dhul
Soomaaliyeed tahay oo ay ka kacaan iyo maxaabiistii la kala haystay ayaa
ka mid ahaa.
S; Markaa Itoobiyaanku
qodobadii ay wateen wax ma ka xusuusan tahay ee Soomaalidu ay aqbali
weyday/
J: Habeenkaa waxaan u
malaynaa in laysku mari waayay, qodob kasta o la soo qado waa laysku
mari waayay oo waa la kala fogaa, wakhti badan baa ka soo wareegay oo
imika ma wada xusuusni lakiin arrimihii la ogaa ee aduunku-ba ogaa ee la
isku hayn jiray ayuun baa laga wada hadlayay habeenkaa oo qodobadaa aan
sheegay ay ka mid yihiin.
S: Maxamed Siyaad Barre iyo
Mingeste Hayle Marian markii ay wada hadlayeen ee adigu aad la fadhiday
ee lix saacadood aad meesha fadhideen iyaga sida ay iskula hadlayaan ama
ay isku eegayaan ama siday isula dhaqmayaan xidhiidhkoodu siduu ahaa
shaqsi ahaan labadooda markaad eegto?
J: Xidhiidhkooda colaadi kama
muuqan ee waxa ka muuqatay laba nin oo madaxweyne oo is ixtiraamaya oo
jecel inay wada gaadhaan heshiis lakiin qodobadii u dhexeeyay ku heshiin
kari waayay waliba Mangiste wuxuu u eegaa nin aad iyo aad u ixtiraam
badan buu iigu muuqday oo aad iyo aad Siyaad Barre u ixtiraamaya.
S: Laakiin ka sakow
xidhiidhkaas wanaagsan ee ka dhexeeyay labadooda iyo siday isku
xishmaynayeen waxba meesha kama soo bixin sidaad u sheegtay?
J: Waxba kama soo bixin
habeenkaas waxa lagu heshiiyay in haddii aynu ku heshiin weyno inagu
qodobadii oo dhaqaajin kari weynay guddidii laba geesoodka ahayd ee
wasiirada aan u dayno ayaa lagu heshiiyay ujeedadii taasi ayay noqotay
habeenkaa.
S; Siduu ku yimid markaa
heshiiskan danbe ee dhex maray Somalia iyo Itoobiya 1988-kii ee ku
saabsanaa dhinacyada kale oo dhan ka sakow in maxaabiista la isku celiyo?
j: Waxay ahayd markii aanu
waftigii Xamar ku noqonay ayaa Mangiste fariin soo diray wuxuu yidhi,
waxaan rabaa inaan soo diro wafti uu hogaaminayo wasiirkiisi arrimaha
dibada Burhana Bayo oo bal arrimihii habeenkaa laysku mari waayay hadana
dib loogu noqdo bal in la dhaqaajin karo, markaa Maxamed Siyaad waa ka
aqbalay oo Xamar bay noogu yimaadeen guddi baanu anaguna saaray
waftigooda qaabila waxaana madax noo ahaa marxuumkii Axmed Maxamuud
Faarax (AHN) aniguna xubin baan ka ahaa guddidaa la kulmaysay waftigaa.
S; Markaa maxay Itoobiyaanku
soo kordhiyeen ama Soomaalidu ay soo kordhisay waliba maadaama taladu ay
Mingeste ka timid, muxuu ka bedelay mawqifkiisii hore?
J: Wuxuu ka bedelay arrimihii
aasaasiga ahaa ee wadanka Somalia ku saabsanaa waxba kama bedelin,
laakiin arrimihii maxaabiista iyo arrimihii Balan-bale iyo Gal-dogob,
arrimaha Jabhadii SNM taageeradii uu siinayay inuu kala noqdo ayaa ka
mid ahayd waxyaabaha ay ogolaadeen.
S: Kuwaas oo ah kuwo markii
Jabuuti ay joogeen ay diideen ma sidaas baa?
J: Markii Jabuuti la joogay
wuu dafirayay SNM oo lahaa anigu hubna ma siiyo waxna ma siiyo iyagaa
dagaalama hadalo sarbeeba ayuu ku hadlayay oo ma ogolayn inuu isagu
qirto inuu isagu taageerayo SNM
S: Maxaa markaa aad u
malaynaysaa ee Mingeste ku dhaliyey inuu muddo yar gudaheed uu isku
bedelo oo mawqifkiisii soo dabciyo?
J: Sidaan anigu maqlay markuu
ka noqday Jabuuti ee tagay Adis-ababa ayaa waxa uu ka war helay
ciidankii Eritrea ka dagalamayay in la jabiyey, markaa sida la ii
sheegay ama aan anigu maqlay wuxuu doonayay sagaashan kun oo ka fadhiyey
Ogadeeniya inuu meesha kala baxo oo Eritrea u diro, taas ayaan u
malaynayaa inay dabcisay mawqifkiisii hore
S; Markaa heshiiskii waxaad
ku gaadheen magaalada Muqdisho?
J: Bishii April 3. 1988-kii
ayaa heshiiskaa la kala sexeexday, Balan-bale iyo Gal-dogob waxay
yidhaahdeen heshiiska la iclaaminayo ha ku darina’e maadaama aduunka
aanu u sheegnay inaanu anagu meesha lahayn oo qabsanay waxa loo arkayaa
imika hadaanu ka baxno khalad berigaa samaynay markaa heshiis qarsoodiya
aan galo, heshiis qarsoodiga ahaa ayaanu la sexeexanay inay laabadaa
meelood ka baxaan wayna ka baxeen
S: Qodobadii kale ee SNM-ta
oo kale kaalmada inay ka joojinayaan heshiiskooda ma qarsoodiguu ka mid
ahaa mise wuxuu ka mid ahaa heshiiska caadiga ah ee aad gaadheen?
J: Maye wuxuu ahaa heshiiska
caadig ahaa ee dhinacayaga waxa la yidhi SNM Horta hubka ka dhiga,
markaa wuxuu yidhi WSLF jabhadii Soomaali galbeed hubka ka dhiga,
anaguna markaa SNM Hubka waanu ka dhigaynaa, markaa Siyaad Barre wuu
diidiiday wuxuu yidhi qadiyadoodu waa mid xaq ah laakiin SNM qadiyadoodu
xaq maaha waayo waa niman Somalia ka falaagoobay.
S: Itoobiya arrintaa ma
aqbashay?
J; May aqbalin waxay
yidhaahdeen hadaad taa aqbali weydaan anaguna tan aqbalimayno laakiin
waxa lagu heshiiyay bal in aanu taageero siin una sheego inaanu taageero
danbe siin doonin, taas ayay markii danbe aqbaleen.
S: Laakiin idinku marna
maydin aqbalin inaad WSLF hubka ka dhigtaan?
J; waanu ula tagnay aniga iyo
marxuumkaa madaxda noo ahaa, waar waxbaa la is dhaafsanayaaye haddii aad
doonayso inay SNM Hubka ka dhigaan, WSLF Hubka ka dhig dee yeel.
S: Heshiiskaas markaad la
gaadhayseen Itoobiya ma is lahaydeen marnaba SNM-Tu talaabadii ay
qaadeen ayay ka door bidi doonaan intii hubka ay dhigi lahaayeen?
J; Maya, markaa Maxamed
Siyaad waxa u muuqatay anaga isaga uun baa madax noo ahaaye inuu
hadafkiisii gaadhay oo SNM khadka ka saaray, ma filaynin weerarkii ay
soo qaadeen.
S: Burhanu Bayo markaad
heshiiskaas la gaadheen maxaa xigay Itoobiya iyo Somalia guddi ma la
saaray heshiiskii hubiya dhaqan galidiisii?
J; Haa waa la dhaqan galiyey
markaa Mingiste wuxuu soo diray fariin uu yidhi mar hadaynu heshiinay
shirka May ka dhacayay horaanteedii OU-da iyo Maxmaed Siyaad oo aan
dhawr sanadood tagin ku marti qaaday shirkaana Maxamed Siyaad wuu ka
qayb galay.
S: Xaga kala bedelashadii
maxaabiista labada dhinac lagu kala hayay maxaa faahfaahina ee ad nooga
sheegi kartaa heshiiskaas iyo qaabkuu u dhacay?
J: Arrintaa guddi baa loo
saaray oo ka shaqaynaysay iyaga maxaabiis ilaa 4000 gaadhaysa ayaa laga
hayay, maxaabiista Soomaalidu may badnayn dhawr boqol bay ahaayeen
diyaarad baa la soo saaray oo Xamar bay kasoo dageen muddo yar ka baxdi.
------------------------------------
Source: Haatuf Newspaper. Wargayska Haatuf ayaa qoraalkan baahiyay April 7, 2010
------------------------------------
Source: Haatuf Newspaper. Wargayska Haatuf ayaa qoraalkan baahiyay April 7, 2010
No comments:
Post a Comment