Suleiman Ismail Bolaleh (Suleiman Xuquuq) |
Bogcada ay dhacdo Jamhuuriyada Somaliland dhinaca
Juquraafiga, ayaa noqotay mid soo jiidata qarniyo farobadan ilayaasha iyo
awoodaha dunida soo maray. Muran kama taagna Diinta Islaamku iyadoon gaadhin
Madiin Al Munawara in ay soo gaadhay xeebaha Somaliland, dhinaca kale,
boqortooyooyinkii Turkiga, Cusmaaniyiinta, Bortuqaal iyo Isbayn ayaa mid kastaa
soo gaadhay Xeebaha Somaliland xiligii ay adduunka ka talinaysay, waxaa taasi
ku xigtay kacaankii warshadaha kadib boqortooyada midowday ee Britishka iyo
awoodihii samaysam ee reer galbeedka ayaa iyaguna u soo kala dheeraynayan
manadaqa Geeska Afrika , waxa taasi barbar socotay tartankii ay Masaaridu ugu
jirtay gacan ku dhigida dhulku Soomaalildu degto.
Qarnigii hore Somaliland gaar ahaan magaalo xeebeeda
Berbera ayaa soo jiidatay wadamada Ruushak iyo Maraykanka kuwaasi oo ka
samaysatay saldhigyo ciidan oo dhinacyada cirka iyo badda ah. Arimahaasi ayaa
ku tusaya muhiimada ay leedahay bogacada Somaliland ku taalaa Juquraafi ahaan ay u leedahay guud
ahaan dunida.
Hogaamiyaayaasha Siyaasada ee Somaliland waxa la
gudboon in ay ku baraarugsanaadaan isbedelada siyaasadeed, danaha Dhaqan Dhaqaale iyo bulsho
ee ka socda guud ahaan manadaqada Geeska Afrika, si ay had iyo goor ugu
feejignaadaan ilaalinta danaha ay gobolka ku leedahay Somaliland.
Qoraalkan waxan uga dan leeyahay in aan hoosta ka
xariiqo arimo muhiim u ah masaaliixda dalkeena anigoo ku miisaamaya
dhawaaqyadii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, fursadaha
ugu jira Somaliland, iyo bal in aynu qiimayno dalkeenu diyaar ma u yahay, oo ma
u bisil yahay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha muhiimka u ah sii jiritaankiisa
ee ka dhalanay waxa loo yaqaano geopolitics-ka ka socda manadaqada aynu ku
naalo ee geeska Afrika.
Raiisal wasaaraha Itoobiya Haylemariam Desenlegn
ayaa Baarlamaanka dalkiisa isagoo la hadlalaya 18 May 2013 shaaca ka qaaday
muhimada qotada fog ee Jamhuuriayad Somaliland u leehay dalkiisa hooyo,
dhinacayada dhaqaalaha, Amaanka iyo Geopoliticalka. Taasi oo kalifi karta in ay
ciidamada dalkiisu ka barbar dagaalami doonaan kuwa Somaliland haddii khatari
kaga timaado dhinaca Somalia iyo dhinaca argagixisada ah lababa, waxa kale oo
uu intaasi ku daray in heshiisyo sal balaadhan oo mudo sanado ah ay dhinacyada
Itoobiya iyo Somaliland ka wada shaqaynayeen ay dhawaan kala saxeexan doonaan
labada dal.
Heshiisyadaasi uu Raiisal Wasaaraha Iboobiya u
sheegay Golaha Baarlamaanka Dalkiisa waxa ka mid ah kuwo ganacsi, dhaqaale,
isgaadhsiineed, bulsho, dhaqan-dhaqaale iyo qaar dhinaca difaaca iyo amaanka la
xidhiidha, waxa kale oo ku jira qaar dhianca tamarta la xidhiidha.
Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ka jira Mandaqada Geesla
Afrika ayaa markasta waxa ku baraarugsan oo si wayn isha ugu haya ka sakow
quwadaha adduunka ugu waawayn dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD,
kuwaasi oo si wayn had iyo goor uga fakara in iyagoo eegaya masaaliixda, dhaqaale,
amni, siyaasadeed iyo bulsho ee dalalkooda waxay wax kasta ku bixiyaan in ay ka
halka ugu haboon ka fadhiistaan gadgadoonka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee ka
aloosan mandaqada geeska Afrika. Tusaale ahaan, madaxda dalalka IGAD qaarkood
waxa werwer wayn ku haya doorka Dekeda Berbera ku yeelan karto isbedelada kala
duwan ee ka socda geeska Afrika, Qaar kale oo ay ka mid tahay Sudan iyo Masar
waxa werwer joogta ah ku haya hirgalinta Baliga ugu wayn Qaarada Afrika (Africa's
largest hydroelectric dam) oo dhismihiisu si xawli leh uga socdo dalka Itoobiya
oo ka faa’iidaysanaya biyaha wabiga Nilka, Koboca dhaqaale ee dalka Somaliland
uu suurto galiyay, doorka muuqda ee dhoofka xoolaha nool iyo istiraajidiyada
magaalo xeebeeda Berbera ayaa ku kaliftay qaar ka mid ah wadamada Somaliland la
jaarka ahi in ay ku bixiyaan malaayiin dollar sidii ay uga hortagi lahaayeen in
Dekeda Berbera noqoto xarunta
Isgaadhsiinta Geeska Afrika iyo Marsada udub dhexaadka u ah dhaqdhaqaaqa
gobolka Geeska Afrika gaar ahaan dalka Itoobiya oo tirada dadkiisu haatan
cagcagaynayso 90 milyan oo qof, dalkaasi oo aan lahayn bad.
Isku soo dhawaadka xoogan ee ka dhex curtay dalka
Itoobiya iyo Somaliland markii labadaasi dal ay ka takhaluseen labadii kali
taliye ee kala maamuli jiray labada dal oo kala ahaa Maxamed Siyaad Barre iyo
Mingiste Hailamaraim ayaa waxa uu si toos ah saamayn taban ugu yeeshay masaaliixda
dhaqaale iyo ganacsi ee wadamada Somalia iyo Djibouti oo xuduud la leh labada
dal ee Itoobiya iyo Somaliland, saamayntan ayaa ku tacaluqda dhinacyada
Dhaqaalaha iyo Ganacsiga oo ka mid ah masaaliixda qarankasta halbowlaha u ah.
Xeeldheerayaasha arimaha dhaqaalaha adduunka ayaa ku tilmaamay in isku xidhanka
Itoobiya iyo Somaliland ee dhinacyada dhaqaalaha iyo isgaadhsiintu ay qudhgooyo
ku tahay dhaqaalaha wadamada yaryar ee la jaarka ah labadan dal oo ay ka mid
tahay jamhuuriyada Jabuuti.
Xeeldheerayaashan ayaa aaminsan in walaaca
Jamhuuriyada Jabuuti ka qabto burbur ku dhaca Jamhuuriyadii Dimuqraadiga
Somalia, taasi oo haddii ay dhacdo fursad u siinaysay in Somaliland ka baxdo
midowgii ay 1960kii la gashay Somalia ayaa soo ifbaxay horaantii sideetamaadkii
(1980s) kadib markii Madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyada Jabuuti ALLE haw
naxariistee Al Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon uu geed dheer iyo mid gaabanba u
fuulay sidii uu u heshiisiin lahaa labadii kalitaliye ee Siyaad Bare iyo
Mingiste. Xasan Guuleed Abtidoon ayaa suurto galiyay in uu si fool ka fool ah
isku soo horfadhiisiyo magaalada Jabuuti labadii kali-taliye ee Siyaad Barre
iyo Mingiste daboyaaqadii bishii March 1988kii, wado hadaladaasi oo aakhirkii
sababay heshiiskaasi waxay labada dal ee Itoobiya iyo Somalia ku kala
saxeexdeen magaalada Muqdisho 3 April 1988kii.
Dadaalada Ilaalinta masaaliixda qaran (national
interest) ee wadan kasta waa mid joogto
ah wakhtigan xaadirka ahna waa mid socta.
Dhawaaqa Raiisal Wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo
beegmaya iyadoo isgaadhsiinta xadhkaha badda hoosteeda mara la soo gaadhsiiyay
magaalo xuduudeeda ganacsi ee Wajaale iyadoo xadhkahaasi isgaadhsiinta ay
sidaan aanay ka iman magaalo xeebeeda Somaliland ee Berbera balse ay ka timid
Dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti.
Arintan ayaa loo macnaysan karaa qalad la mid ah kii
lixdankii reer Somaliland ay xoriyadoodii ku geeyeen Muqdisho, la soo
noqoshadeediina ay sababtay burburka iyo halaaga ilaa maanta aynaan ka soo
kaban. Qaladaadka Aadamigu galo kuwooda ugu xun ee la midka ah ruux isdeldela
oo kale ayaa waxaa ka mid ah ku gabood falka xoriyada, madaxbanaanida iyo marka
dal dadkiisu ilaashan waayaan masaaliixda qaran (national interest) ee
dhinacyada difaaca, dhaqaalah, ganacsiga, arimaha bulshada iyo dhaqanka. Hadaba
marka aynu u fiirsano fursadaha dabiiciga ah ee dalka Somaliland leeyahay
tusaale ahaan bogcada uu dhaco Juquraafi ahaan, iyo fursadaha ay Somaliland u
sidaan isbedelada siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan ee ka socda geeska Afrika oo
aad arkayso in ay u sidaan fursada dahabi ah dalka Somaliland iyo sida aan
looga faa’iidaysanaynin fursadahaasi oo ah kuwo baahi badan uu dalku u qabo
ayaa kugu dhalinaya werwer joogto ah.
Somaliland waa dal leh bad, balse sida ay haatan u
dhaqmayso waxa uu la mid yahay wadan aan bad lahayn. Waxa kale oo culimada lafogurta
qorshayaasha manadaqada Geeska Afrika ee dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha iyo
Amaanku calaamad su’aal saaraan bisaylka siyaasadeed iyo qaangaadhnimada
dublamaasiyadeed ee dalka Somaliland in aanay wali ahayn mid la isku halayn karo
maadaamo oo ay suurto gashay in dalal qalaad ka meel marsadaan golayaasha sharci
dajinta Somaliland xeerar/qaanuuno is gawrac ku ah masaaliixda qaran ee
Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Jabuuti Mud. Ismail Omar Geele ayaa ku guulaystay suurtogalinta wajiga kowaad
ee dagaalka dhaqaale, siyaasadeed iyo dublamaasiyadeed ee uu ku hayo guud ahaan
qaranimada jamhuuriyada Somaliland, maadama oo uu Itoobiya tusay xadhkaha
isgaadhsiinta ee Badda hoos mara in aanay
Itoobiya ka heli karin dalka Jabuuti mooyaane meel kale xataa haday u doonato
Somalilandna ay yaalaan xadhkaha isgaadhsiinta ee Jamhuuriyada Jabuuti ka yimi xadka u dhexeeya Itoobiya iyo
Somaliland.
Su’aasha is waydiinta lehi waxay tahay Somaliland ma waxay suuqgayn (marketing) u
samaynaysaa badeecadaha Jamhuuriyada Jabuuti ay ka iibinayso dalalka Itoobiya
iyo South Sudan?
……………………La
soco qaybta 2aad
No comments:
Post a Comment