Ciidankan
iyo Kalkaaliyayaashan isku soo xulufaystey Weerarkaas ayaa iyaga oo aan
wax Waaran qabasho amaba Xayiraad ah midna Maxkamadda ka sidanin khasab
ku soo galay xarunta Wargeyska Haatuf, kuwaas oo halkaas
gacanta ku saaray Suxufi ka hawlgala Jariidada oo magaciisa la yidhaahdo
C/laahi Xasan Budul, kaas oo ay markii hore khasab inay ku kaxeeyaan ay
isku dayeen ka dibna markii uu waydiiyey sababta loo kaxaynayo iyo
waxay ka rabaan ayaa Cali Qodaal oo Ciidankaas hogaaminayey uu ku
wargaliyey in xarunta CID-da loogu sheegi doono waxa laga doonayo iyo
sababta loogu kaxaynayo Waaran la’aan.
Sidoo
kale Ciidanka galay saaka Xarunta Wargayska Haatuf ayaa markii hore
isku dayey inay khasab ku kaxeeyaan Suxufigaas oo aan ahayn Tafatire iyo
Guddoomiye midna balse isagu ah Reporter goobtaas ay kula kulmeen ka
dibna markii ay isku dayeen inay kaxeeyaan ayaa waxa goobtaas ku soo
gaadhay dadwayne buuqa ku soo baydhay iyo Suxufiyiin kale oo Ciidankii u
sheegay inay talaabada ay qaadayaan ay sharciga baal-marsan tahay, isla
markaana ka codsaday inay sharciga u soo maraan hawlgalkooda.
Dhinaca
kale inkasta oo aanay Ciidanka xooga ku galay Xarunta Wargeysku iyo
Kal-kaaliyayaashoodu aanay sheegin sababta ay hawlgalkaas sharciga
baalmarsan u qaadayaan ayaa hadana dhacdadaas lala xidhiidhinayaa inay
ka danbaysay Article uu Maanta oo Isniin ah uu Wargeysku ka qoray
Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa Faysal C/llaahi Ismaaciil (Faysal
Dhaga-Dhago), Warbixintaas oo ay Jariidada Haatuf ku Faalaysay dhaqamada
iyo hawlaha shaqo ee Garsoorahaas oo inta badan sharciga baalmarsan.
No comments:
Post a Comment