Monday, June 17, 2013

WAR Dil Aar-goosi ah oo ka Dhacay Degmadda Xariirad ee Gobolka Selel

Degmada Xariirad
Xariirad - War hordhac ah oo Waaheen soo gaadhay ayaa sheegaya in goor dhaweyd badhtmaha magaaladda Xarriirad lagu toogtay nin magaciisa lagu soo koobay Taraysa Liqe.

Warkan ayaa sheegaya in uu isla goobtii ku geeriyooday ninka la dilay oo ahaa Jaadle ku iibiya qaadka magaaladda Xariirad.

Dilkan ayaa loo aanaynayaa in ay fulisay beesha Samaroon ee uu ka soo jeeday Ninkii hore ee beesha Ciise ku dishay magaaladda Xariirad, kaasoo aan ilaa hada wax natiijo ah laga gaadhin dilkiisa.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku guul daraysatay in ay xaliso mushkiladda ka taagnayd magaaladaasi, waxaanay taasi sababtay in ay kala Aar-goostaan dadkii shicibka ahaa ee dhiigu dhex yaalay.

Xaaladda magaaladda Xariirad ayaa kacsan waxaana la wareegay Ciidan xoogan oo ilaalinaya in dagaal ka dhex qarxo labada Beelood ee labada Dil kala qaba.

Badhasaabka Gobolka Salal oo ku sugnaa dhinaca Hargeysa oo maalmahanba u joogay ciyaaraha Goboladda ayaa Hargeysa ka cararay iyadoo lagu wado in uu aroorta gaadho.


Source: Waaheen

No comments: