Tuesday, June 18, 2013

WAR DEGDEG AH: Ruux Haweena oo Xalay lagu Dilay Hargeysa

Ruux haween ah oo daganayd Xaafada Jig jiga yar ayaa xalay lagu dilay magaalada Hargeysa.ilaa hadana ma jirto cidloo hayo dilkaasi, hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya inay dileen Rag baska la soo raacay oo daba socday ku waasi oo loo aanaynayo inay tuug ahaayeen, balse ilaa hada wax war ah lagama hayo Booliska Somaliland.

ALLE haw naxariistee Haweenaydan la dilay ayaa sida uu baahiyay Wargeyska Waaheen waxa uu ku sheegay in uu adeer u ahaa Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi.


Waa gabadhii labaad ee todobaad gudihiis lagu dilo Hargeysa, ilaa hadana Boolisku labada Gacan ku dhiigle midna umay qaban Gacan ku  dhiiglayaashii falalkaasi gaystay.

No comments: