HARGEYSA - Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday
Diyaaradii u horeysay ee ogolaansho ka soo qaatay dawladda Muqdisho ee
dalka Soomaaliya, sidaasna waxa lagu shaaca ka qaaday war-murtiyeed ka
soo baxay wasaaradda Duulista hawadda Somaliland.
Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Chief
of Protocol-ka wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka
Somaliland Cabdilaahi Axmed Caarshe, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Xukuumadda Somaliland waxay hawadeeda ka eridey diyaaradii ugu
horeysay ee ogolaanshiiyo ka soo qaadada magaalada Muqdisho ee dalka
Somalia ee aynu jaarka nahay, diyaaradan nooceedu ahaa SS34 ayaa isku
dayday in subixii hore ee saaka ay ka soo degto garoonka caalamiga ah ee
Igal International Airport, balse markii uu Tower-ka Somaliland ogaaday
in ay hawada Somaliland ay soo gashay diyaarad Permission ka haysato
Muqdisho, ayay masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawadu ku amreen in ay
ka baxdo hawada Somaliland, (Somaliland Air space).
Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa in dowladda Somaliland ay awood
buuxda u leedahay in ay control adag ku samaysa haweeda, Permission ama
ogolaansho laga soo qaatay magaalada Muqdishona aanay diyaarada sidadaa
soo geli Karin hawada Somaliland soona fadhiisan Karin garoomada
jamhuuriyada Somaliland.
Somaliland waxay leedahay xuduudo hawo iyo kuwo dhuleed oo u gaar ah
kuna qotonta qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, sidaa darteedna
aanay Somaliland cidnaba aanay ka aqbalayn in ay hawadeeda ku soo
xadgudbaan diyaarado aan fasax ka haysan dowladda Somaliland, gaarana
ahaana Wasaarada Duulista Hawada oo xukuumadda madaxweyne Axmed
Siillaanyo ugu wakiil ah arrimaha duulimaadyada iyo ilaalinta hawada
Somaliland.
Waxaanu u sheegaynaa kuwa ku riyoonaya in permission laga bixiyey
magaalada muqdisho lagaga degayo Somaliland, ay tahay riyo been ah ayna
ku cimro qaataan tan maanta Somaliland hawadeeda kaga eridey diyaarada
muqdisho ka soo qaadatay ogolaanshiiyaha beenta ah.”
No comments:
Post a Comment