Thursday, March 14, 2013

MUSUQMAASUQ MALAAYIIN DOLLAR LAGA SAMEEYEY MUQDISHO!



Minesota - Hayad fadhigeedu yahay  waddanka Belgum ayaa dhowaan u dirtay magaalada Muqdisho  howl-wadeen hayaddaasi ka socda  si uu baaritaan  ugu soo sameeyo  Howl-gallada nabad gelyada lagu sugayo iyo saamaynta dadka shicibka ah ay ku yeelato. Howl-wadeenkaasi ayaa muddadii uu Muqdisho joogay ,waxa uu waraysiyo kala duwan la yeeshay dadka ku waxyeeloobay howl-galadaasi Militeri,dad cusbataalada ku jira ,Ciidanka Bilayska,Militeriga iyo weliba Haydadaha ajaanibka ah ee qaabilsan  nabad gelyada Somaliya .

Haddaba howl-wadeenkaasi Muqdisho tegay ayaa waxaa soo food saaray arrin kale oo dhabbana-hays ku noqotay oo kaba sii daran tii uu daba socday  ee dhinaca nabad gelyada ku saabsanayd . Musuqmaasuq kobcay ,oo baaxad weyn ku yeeshay  xukuumadihii dalka isaga danbeeyey  oo ku laxaadsaday ibihii dhaqaalaha iyo hantidii qaranka iyo tii shacabka soomalida oo dad gaar ahi ay ku mabeen ,kana sameeyeen Malaayiin Dollar oo aanay biyo u soo kaban  ama ku soo tabcin.

Howl-wadeenkaasi ayaa warbixin uu qoray ku soo bandhigay liiska magacyada 11 qof oo isugu jira ,ganacsato,xildhibaano,Dublamaasiyiin iyo mas?uuliyiin kale ,kuwaasi oo ragaadiyey halbowlayaashii dhaqaale ee Soomaaliya oo markii horeba la kacaa kufaysay  Saboolnimo iyo loolan siyaasadeed  iyo kursi jacayl lagu baab?iyo dhaqaale wax u qaban lahaa carruuro badan oo Soomaali ah oo maanta ay ka maqan tahay  kaalintii wax barasho iyo tii caafimaadba .Sagaal ka mid ah liiska dadka hantida waddanka dhacay ka akhriso hoos.   

MAGACYADA LIISKA DADKA KU BAHALOOBAY WIIQIDDA HANTIDA  UMADDA IYO TANN QARANKA SOOMAALIYEED :

1- Khadija Cali Cosoble

Warbixinta ayaa qortay in Khadija iyo saygeeduba ay magac xumo dhulka ku jiideen magacii Soomaaliya.Labadooduba  waxay  samaysteen shirkado ay ka mid yihiin SAACID,DEEQA, IYO SAADEEQ. Shirkadda Saacid ,waxa ay caan ku tahay qaybinta deeqaha raashin ee caalamku siiyo dadka tabaalaysan ee ku waxyeelooba  Abaaraha ama dagaalada . Dhinaca kale ,Khadiija,Saygeeda iyo walaalkeedba  waxa ay cuntada iyo Shiidaalkaba siiyaan oo gaarsiiyaan  AMISOM. Waxay malaayiin Dollar ka helaan qandaraasyo ay ka qaataan AMISOM.

Haatan Khadiija  Cali Cosoble ,waxaa baaritaan ku haya FBI iyo haydda  UNMG oo iyadu qaabilsan deeqaha la lunsado iyo lacagaha la is daba mariyo.

Lacago laba Million oo Dollar ku dhow ayay Khadija Cosoble ku bixisay tartankii doorashada madaxweynanimo ee Somaliya oo uu walaalked jagadaasi isu soo taagay .Khadiija Cali Cosoble,waxaa warbixintu ay qoraysaa inay socod iyo tamashleba ay daasha-daashooto Guri hal Million oo Dollar oo   ay ka bixisay oo ku yaalla xaafadha raaxada loo tago ee magaalada Nairobi.

2- GENERAL C/LAAHI  GAAFOW  MAXAMUUD: Gaafow,xilligan waxaa baaritaan ku haya hayadda  UNMG, baaritaankaasi oo ku saabsan   lacago uu isdaba mariyeyiyo musuqmaasuq  uu lacago ku hantiyey . Gaafoow laanta socdalka ee Soomaaliya  waxa uu ka shaqaynayey ilaa iyo 35 sano .Xafiiskiisu waxa uu gaaray  meel aan dowladduba gaarin ama hiigsan .Waxa warbixintu ay qortay in  Gaafoow  uu meel walba ku haysto Qalabka ama Aaladaha Baasboorka lagu daabaco .Wuxuu ka baayac-mushtaraa oo iibiyaa Baasa-boorada Soomaaliga .Waxa kale oo uu ka qaataa  lacag ,dadka uu siiyey qalabka Baasa-boorka lagu daabaco ,waxa dadkaasi ugu tun weyn ,wasiirka warfaafinta ee Somalia xilligan,Mr Ciil-Mooge.

General Gaafow, waxa uu heshiis dhaqaale xoog leh uu la saxiixday labada safaaradood ee Soomalidu ku leedahay  magaalada Nairobi iyo Dubai.Lacagahaasi  waxay toos u galaan xisaabtiisa Bangiga .Warbixintu waxa y intaasi ku dartay in wasiirka ganacsiga ee Somaliya aanuu awood u lahayn in uu heshiisyadan  isagu galo.

3- MAXAMED DAYLAAF:  Waa ganacsade  Malaayiin Dollar ka sameeyey ,hayadda WFP, Wuxuu ka mid ahaa saddex nin oo ku guulaystay 80% 200 oo Million oo Dolar  hayadda WFP ay Qandaraas ku bixisay . Xilligan lagu jiro Mr Daylaaf waxa uu ku andacoonayaa inuu isagu masuul ka yahay  Shiidaalkii hore ee dowladdii Maxamed Siyaad Barra dowladiisa ee dekedda weyn ee Muqdisho .Qaybaha shiidaalka ee dekedda ku jira ayaa ahaa mid la xiray muddo 20 sano ka badan ,iyada oo Khubarada Calamku ay ku taliyeen inaan la taataaban shiidaalkaasi . Haseyeeshee waxaa lingaxa ka jaray oo jabsaday dhaqlaheediina  jeebka ku shubtay  Mr Daylaaf .

4- MAXAMUUD CUMAR CADDAANI;  Mr Caddaani, Sida Khadija, Deylaaf, Ambasador Cali Americo, Amb Shiikhaaley ayaa isagana ay baaritaan ku wadaan UNMG. Mr Caddaani wuxuu dekedda Ceel-Macaan muddo dheer ka dhoofsanayey Dhuxusha iyo Riyaha. Dhoofinta dhuxushiisa ayaa sabab looga dhigaa mushkiladdii ka dhex oogantay Masuuliyiinta  Jubba-land iyo madaxweyne Xasan Sh.Waxana Caddaani Kismaayo u tiillay  dhuxul aad u badan .


5-MAXAMUUD CALI GABAYRE: Mr Gabayre, waxa shaqsiyan uu iska dhaadhiciyey  inuu yahay madaxa rugta ganacsiga ee Somaliya iyada oo aanay cidina u magacaabin. Waa ganacsade qaabilsan dhoofinta iyo keenidda shiidaalka. Waxa uu ganacsiga ka bilaabay xoolo iyo hanti dowladdii Somaliya laga bililiqaystay,waxana uu qabsaday  Bakhaaro waaweyn oo ay lahayd wakaaladdii ADC,taasi oo ay lahayd wasaaraddii ganacsiga . Marna kiro ama ijaar Bakhaaradaasi kama bixin .Ninkani waa uu aad u dhibaa Ra?isal wasaarayaasha isaga oo dadka ku kiciya ama saxmad ku aloosa. Wuxuu abuuraa in aan canshuur la bixin ,canshuurta Dekedda ka timaadana waxa uu ka dhigaa wax ganacsatada gacanteeda soo gala. Wuxuu shir u qabtay ganacasatda iyo maal qabeenada Muqdisho. Waxana uu madaxweynaha u ururiyey hanti dhan hal million iyo Nus ku dhowaad  laaluush ah. si xaalku u noqdo af-wax cunay xishoo.

6- AMB MAXAMED CALI AMERICO(Haysta dhalasho Canada ah);

Danjire, Maxamed Cali Americo waxaa lagu eedeeyaa ,inuu xado oo bililiqaysto deeqaha reer Galbeedku ay u soo gudbiyaan dadka macaluushu ku habsatay ee Somalida ,waxana warbixintu ay qoraysaa inuu Cali Americo duhurka cad deeqahaasi uu uga iibiyo magaalada Mombasa iyo suuqyada kale ee dalka Kenya .Waxa kale oo Danjire Maxamed Cali America uu lacag badan ka sameeyaa waraaqaha sharciyada iyo Baasaboorada ,waxana ilo xogogaal ahi ay sheegeen,in bishii ay soo gasho inta u dhaxaysa konton ilaa toddobaatan kun oo Dollar . Lacagahaasi baaxadda lihi marna kuma dhacaan khasnadda dowladda Somaliya.

Danjire Maxamed Cali Americo ,si aan looga bedelin jagada uu hayo ee safiirka Somalida ee Kenya,waxa uu lacag laaluusha uu siiyaa ,wasaaradda  arrimaha debedda ee Kenya,taasi oo keentay in marar badan oo la isku dayey in la bedelo ,loo caal waayey ,dabeetana faraha laga qaaday .

7-CAASHA XAAJI CILMI:(haysata dhalasho Kenya ah): Waa afada u dhaxday Ra?isal wasaaraha Waa haweenay adadag oo meel walba gasha ,shaqaalaha Ra?isal wasaruhu waxay ku naanaysaan "Gabadhii Birta ama xadiidka ahayd"  Caasho waxay saaxiib isu dhow yihiin Khadiija Cosoble. Waxaa la yiraahdaa  shookaanta laga wado wasaaradaha iyo madaxtooyaduba  waa qolka Caasha Xaaji Cilmi.  Waxay door weyn ku leedahay  go?aanada siyaasadeed ee  dowladda.  Caasha waxay shaqaalaysay Kamal Guutaale oo ah nin dhallin yaro ah oo madaxweynaha u ah  Madaxa wasiirada,,kaasi oo u soo gudbiya Caasha go?aanada iyo qorshayaasha dowladda ka hor inta aan wax tallaabo siyaasadeed ah ama go?aan ah  dowladdu ku tallaabsan

Caasha iyada oo og gal daloolooyinka iyo daciifnimada ninkeeda ee shaqada loo dhiibay oo ka weyn ayay iyadu la shirtaa oo la kulantaaa Danjirayaasha  shisheeyaha,,golaha wasiirada, iyo  Hayadaha Qaaraanka bixiya,waxayna dhammaantoodba kula kulantaa gurigeeda .

8-FARAH SH.A/QAADIR (Haysta dhalasho Kenya ah ): Wuxuu hore u ahan jiray madaxa  hayada Africa Muslim. Hayaddaasi waxa ugu yaboohday Malaayiin Dollar  dadka saboolka ah ee Somalida in lagu caawiyo. Lacagahaasi . Mr Farax waxa uu u leexiyey  dhinaca ololihii madaxweynanimo ee Xasan Sh. Waxa kale oo uu ahaa ninkii ka danbeeyey  lacagtii sadaqa ahayd ee waddanka Qatar bixisay oo ahayd Malaayiin Dollar oo lagu caleemo saaray madaxweyne Xasan Sh Maxamuud .

Waxa ninkani isu magacaabay inuu yahay ninka madaxda ka ah dhammaan duulimaadyada diyaaradha ee Somaliya ,sida tana Turkiga ,IGAD,Jubba,iyo xiriirka Carabaha iyo Somalia. Waxa uu iska dhisaa madaxweyne Xasan Sh,waxana uu farta ka saaraa lacag kasta oo uu ku soo helo tuugnimada iyo magaca dadka masaakiinta ah ee Somalida .Waxa kale kale oo uu isu haystaa inuu yahay nin Qabiili ah o ay ku daba tukadaan dhammaan reerka  Wacayslaha oo uu madaxweynuhu ka soo jeedo

 9- XAAJI MUUSE DHIBLAAWE (Haysta dhalasho S.Africa iyo Canada) Xaaji Muuse,waxay  aad isugu dhow yihiin madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Xaajiga waxaa lagu eedeeyaa  isaga oo isticmaalaya waraaqo been abuur ah inuu xaday  dhul ballaaran oo dowladdu lahayd ,isaga oo ku andacoonaya shirkad dhinaca dhismaha ah oo uu ku leeyahay  Koonfurta Africa  inay  dhisayaan Dugsiyo wax lagu barto iyo  xarun dhallinyarada loo sameeyo. Waxa uu magaalada Muqdisho la yimid nin Turki ah oo ganacsade ah oo uu ku sheegay inay wada shaqeeyaan . Qandraaaska dhulkaasi ay dowladdu lahayd ayaa ku kacay ilaa iyo 8million oo Dollar ,lacagtaasi oo uu Xaaji Dhiblaawe afka iska mariyey oo uu lunsaday .Xaajigu waxa kale oo uu la wereegay dhammaan xarumihii shiidaalka ee dowladii Maxamed Siyaad Barre,waxana uu ku qoray dhammaantoodba calaamadiisa oo ah :TURK-SOMA"

Xaaji Muuse dhiblaawe ayaa hadda ka hor laga soo tarxiilay waddanka Gabon ,isaga oo lagu eedeeyey musuqmaasuq,laaluush iyo is daba-marin  lacago ay lahaayeen dadka reer Gabon.

Si kastaba ha noqotee waxa Muqdisho la camalaynaysaa dhinaca dhaqaalaha marka la eego waa lacago dhiig-miirad ah oo laga sameeyey magaca dadka saboolka ah ee Somalida oo hayadaha iyo bulshada caalamka lagu dawarsado. Dadka dhiig-miradka ku shaqeeya waxaa iyaguna raali ka ah oo dani ugu jirtaa masuuliyiinta dowlad kasta oo Soamlia ka dhalata.

Waxaa iyaduna ka mid ah meelha laga lacagaysatay ee magaca Soomalida bulshada caalamku malaayiinta ay ku bixiso ,haseyeeshee gala jeebka  dad u tafa-xaytay dhaca iyo xaaraanta,Guddiga Olympic kada Somalida .

Sababta u weyn ee dad badan oo ganacsato ahi ay u diidan yihiin in la helo nabad iyo dowlada caddaalada ah waa midda dhaqaalaha ay ka sameeyeen shacabka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed, mana rabaan in tuubadaasi laga jaro haddiiba ay dowlad caddaalad ahi timaado .

No comments: