Sunday, February 17, 2013

Xarun cusub oo ka shaqayn doonta u doodista xuquuqda aadamaha aya waxa lagu daahfuray magaalada Hargeysa

Xarun cusub oo ka shaqayn doonta u doodista xuquuqda aadamaha aya waxa lagu daahfuray magaalada Hargeysa taasi oo loo bixiyey Xaruntax xuquuqda aadamaha (Human Rigths Center).

Hargeysa  (HWN):- Xarun cusub oo  ka shaqayn doonta u doodista xuquuqda  aadamaha aya waxa lagu daahfuray magaalada Hargeysa taasi oo loo bixiyey  Xaruntax  xuquuqda aadamaha (Human Rigths Center).

Munaasibada lagu daah furayey xarunta cusub ee u doodi doonta xuquuqda bina aadanka oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland,hogaanka xaruntaas iyo marti sharaf kale.

Ugu horayna waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha xaruntan cusub ee ilaalinta xuquuqda bina aadanka ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo xuquuqda bina aadanka, isaga oo ka waramay ujeedada loo furay xaruntan waxaanu yidhi ? Muhiimada uu xuquuqal insaanku leeyahay sida wax barashada , caafimaad iyo waxyaabaha u aasaasiga ah  nolosheena , waxaana ka mid ah xuuquuqda shaqaalaha waxaana laga yaabaa  in ay shaqeeyaan xaalado aad u adag kuna shaqeeyaan xaalad mushahar aad u hooseeya.?

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?qaxoontiga ku nool dalkeenu waxay  u baahan yihiin tirakoob, waxaanay xaruntani u furan tahay inay si dhex dhexaad nimo ah ugu adeegto xuquuqda aadamaha.?

Sidoo kale xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay inay muhiin tahay in wax laga qabto tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda bina aadanka ah ? Waxaa muhiim ah in wax laga qabto  tacadiyada faraha badan ee loo gaysto haweenka in wax laga qabto , taasi oo ah in ay waxii xaq ah  ee uu inanku  helo in ay gabadhuna hesho , waxaana ka mid ah dhibaatooyinka hadda loo gaysto dumarka kufsiga , oo ah kiisaska ugu badan ee hadda  dhaca?

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?Bulshadeena iyo  dawladu way iska horyimaadaan , waxaana dhacda in ay hay?adda xuquuqal insaanku hoosta ka xariiqaan , waxaana idinka (Xaruntan) idinku  waaninayaa in aydun u adkaysataan arrimahaasi?.

Pro Aadam Xaaji Cali oo ah madaxa machadka xalinta khilaafaadka ee jaamacadda Hargeysa  oo ka mid ahaa dadkii madasha lagu soo casuumay oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa  halkaasi kula dardaaray  aasaasayaasha ururkan in aanay ka niyad jabin haddii ay carqaladu ka soo waajahaan geedi socodka shaqada ururka oo uu xusay  in ay inbadan dhacdo isaga oo ku sababeeyey waxyaabihii laga filaayey  oo la waayo

Wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed  Caydiid oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa yidhi ? arrin aan is leeyahay waxay  soo baxday baryahan dambe oo an isleeyahay haddaba  sharcigu wuu maqanyahay , sida jeel magnuunka oo macagiisu sidaasi ahayn oo ah xarun caafimaad  dhallinyartu waa in ay kala ogaato in ay  dabaqado kala leeyihiin  xuquuqdu , oo ay ka mid tahay xaqa uu qof leeyahay oo ah  intaanu wax u dhimaynin xaqa qofka kale , taasina waa in sidaasi loo ilaaliyaa , maxakamadaheenu waxay u aasaasanyihiin in ay xuquuqda ilaaliyaan  iyaga iyo hay?adaha xuquuqduba?

No comments: