Sunday, February 17, 2013

KHATAR MUUQATA OO HALIS KU AH DADKA LA TAKOORO OO KA JIRTA MAGAALADA BOORAME & KIISASKA BAADHITAANKOODII SOCDO


KHATAR MUUQATA OO HALIS KU AH DADKA LA TAKOORO EE REER BOORAME

1. Xukun cadaalad daro ah oo dil lagu xukumay 2 ka mid aha da'yarta gabooyahay magaalada boorama ku nool, tahdiid, cabsigalin iyo takoor dhan ka ah tiro kooban oo beelaha la takooro ee gabooyaha magaalada boorama ku dhaqan ayaa sababay barokac baahsan dhaqaalo burbur soo food saaray 30 qoys oo mid kastaaba ka kooban yahay celcelis ahaan 9 ruux, kadib markii wiil ka soo jeeda beelaha degaanka ee tirada badani uu jeclaaday gabadh yar oo gabooye ah kadibna uu qoyskoodii u sheegay in uu rabo in uu guursado balse si xoogleh ay uga diideen qoyskiisii taasi bedelkeeda oo la sheegay in uu is gubay maragyadii arkayay ayaa diiday in ay maraga furaan maxkamada horteed, maxkamada lafteeda ayaa lagu weeraray dad badan oo gabooye ah oo la iska xidhxidhay. 

mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ayaa ah Wiilka  is gubay aabihii ayaa ah madaxa baadhista booliska saldhiga dhexe ee magaalada Boorama. Waxa wax lala yaabo ah isagoo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalku uu dhibanayaasha laga tirada badan yahay ee boorama loogu awood faro iyo dawlad sheegtay ku yidhi garsoorayaal ayaa Hargeysa ka dirayaaye inta ay dacwada qaadayaan noloshooda bixiya sidaana ay ku bixiyeen 700 oo Dollarka Maraykanka ah ..........................................Dacwadii ayaa mudaysan in 20 bishan Feb. 2013 ka bilaabanto Maxkamada Racfaanka magaalada Boorama. 

kiiskan waxa HornWatch dib ugu dhigaysay ee ay u faafin waydday iyadoo ka baqaysa in waxyeelo ka soo gaadho dadka laga tirada badan yahay ee ku nool magaalada boorama khatar muuqata oo ka jirta boorame awgeed.

Warbixinta kiiskan ayaa ku jirta haatan garaacistii kama dambaysta ahayd ka hor inta aan la faafinin, waxa kiskan loo gudbin doonaa bal in uu wax ka qaban karo Komishanka Xuquuqda Aadamiga Qaranka somaliland.

2Maalintii Saddexaad ayay u noqonaysaa ee ay saldhiga dhexe ku jiraan, mana cada in xorriyadooda dib loogu soo celin doono iyo in ay maxkamad la tiigsan doona Aamina Xasan Cawaale, Deeq  Xasan Cawaale iyo Wiil ay dhashay oo lagu magacaabo Cado

No comments: