Thursday, February 14, 2013

Mustaqbal burbur soo food-daaray xaasaska maxaabiista lagu tuhunsan yahay al-Shabaab

Waxa kaliya ee ay sameeyn karaan haweenka ku sugan bannaanka Xarunta Hay'adda Nabadsugidda Qaranka waa in ay ka war sugaan maxkamadeeynta dadkooda ay jecelyihiin. Xagga sare, laba haween Soomaali ah oo jooga Puntland. [Roberto Schmidt/AFP]
Waxaa qoray Cadnaan Xuseen oo Muqdisho jooga

Maalin walba kudhowaad 60 haween ah ayaa isugu soo urura bannaanka Xarunta Nabadsugidda Qaranka (NSA) ee Muqdisho ku taala si ay u ogaadaan bal waxa uu noqdo xaalka dadka ay jecelyihiin oo lagu eedeeyay argaggixisanimo, khaa'innimo iyo in ay ka tirsan yihiin al-Shabaabnimo.

Inta badan haweenkan, waxa kaliya ee ay ku citaabi karaan ayaa ah, in dambiyada ay raggooda iyo wiilashooda u galeen al-Shabaab darteed ay burbur u horseedday nolosha qoysaskooda.

"Waxaan cadeynayaa in alshabaab ay duleysteen dhalinyarada iyo dadka waxgalka u ah umadda oo ay u adeegsadaan colaada iyo qaraxyada," ayay tiri Laylo Aadan Caaggane, oo ah 25-jir ahna xaaska Yoonis Saciid, oo xabsi ku jira tan iyo 11-kii October, walina xukun suge ah.

Waxa ay sheegtay in saygeeda lagu xiray Degmada Hodan howlgal xili aroor ah dhacay. "Waxa uu haystay seddex xabo oo bamba-gacmeed iyo bistoolad. Wxaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal argagaxiso ah," ayay u sheegtay Sabahi.

"Sidaas awgeed waxaan qirayaa in al-Shabaab ay kala dhantaaleen qoyskeyga kadib markii ay hubeeyeen ninkeyga oo ay kaga faa’ideysteen shaqa la’aanta heysay," ayay Caaggane tiri. "Waxaan cod dheer ku sheegayaa inaan ka shalaayayo , waxaana ka codsanayaa waalidiinta Soomaaliyeed inay carruurtooda ka ilaashadaan inay ciidameysato al-Shabaab oo ah dilaaga rajada qoysaska Soomaaliyeed."

Hibaaq Cabdiraxmaan, oo 29 jir uur sideed bilood ah leh, islamarkaana hooyo u ah seddex caruur ah, dambiga ninkeeda waxa uu gayaysiiyay rajo xumo.

"Waxaan dalbanayaa in [saygayga] lasii daayo, maxaa yeelay waxa uu masruufi jiray qoyskayaga, anigana macaawin karo caruurtayda iyo hooyaday, walaakaygana cudur xagga maskaxda ayaa haya, mana [awoodo] in aan isbitaal geeyo," ayay u sheegtay Sabahi.

Hibaaq waxa ay sheegtay in saygayda uu dukaan yar oo Bakaaro ku yaala uu ka shaqaynayay. Ciidamada Ammaanka ayaa ka xiray Degmada Hodan isaga iyo tobonaan kale oo maleeshiyada ah xili habeen ah, ayay tiri.

"Magaranayo waxa ku dhacay, balse waan tebay," ayay tiri.

Faisa Ibraahim, oo 27 jir ah ayaa sheegtay in saygeeda la xiray 7-dii November markii uu bam ku tuuray bilayska Soomaaliya oo gaaf wareegayay degmada Hiliwaa, oo waqooyi-bari kaga taala Muqdisho, halkaasi oo ah meel ay al-Shabaab ku xoogganaan jireen.

Maalin walba xabsiga ayaya booqataa si ay saygeeda ugu gayso cunno, balse looma oggolaan in ay aragto ama la hadasho isaga. Waxa kaliya ee ay Faisa sameeyn karto waa in ay iska mala'awaasho.

"Waxaan maxaabiis hore ka maqlay in boqolaal maxaabiis ah lagu xiro meel dhulka hoostiisa ah oo daaqado la'aan ah, oo aanan leheeyn nal sariir ama bustayaal lagu seexdo," ayay Sabahi u sheegtay. "Waxaa cunada laga siyaa duleed ku yaal albaab bir ah [...] waxa ayna qoraxda arki karaan kaliya 10-ka subaxnimo."

Shukri Yuusuf Cumar, oo 49 jir ah, daggan xaafadda Yaaqshiid ee Muqdisho, ayaa sheegtay in wiilkeeda iyo xaaskiisa ay xireen ciidamada sirddoonka afartii todobaad ee lasoo dhaafay. Waxaa loo haystaa dacwado la xiriira in ay gabbaad siinayeen argaggixisada iyo sidoo kale in mid kamid ah qolalkooda ay ku qarinayeen hub iyo walxaha qarxa, ayay tiri.

Shukri ayaa sheegtay in madaxda ay ka codsatay in ay sii daayaan wiilkeeda iyo gabadha ay sodohda u tahay ama ay maxkamad saaraan iyadoon wax dib u dhac ah jirin.

"Waxaan ballan-qaadayaa in midkoodna aannu ku laaban doonin wixi ay sameyn jireen, maxaa yeelay xabsiga ma ahan meel loo dalxiis tago," ayay u sheegtay Sabahi.
Xarunta xabsiga Nabadsugidda Qaranka

Xarunta Xabsiga nabadsugidda Qaranka, oo horey loogu yaqaanay Xarunta Baarista Xisbiga, waxa ay garabka ku haysaa xarunta madaxtooyada ee bartamaha Muqdisho.

Dhismaha ayaa ka kooban laba dabaq, oo mid kamid ah lagu xiro maxaabista dumarka ah, islamarkaana xafiisyo u ah saraakiisha dambi baarista, halka kan kale uu yahay hool wayn oo lagu xiro maxaabiista ragga ah, ayuu yiri Ciise Cali, oo ka shaqeeya macluumaadka NSA iyo qeybta dhiraandhirinta xogta iyo muuqaallada.

Cali ayaa sheegay in dambi baarayaasha aanay jir dil u adeegsan maxaabiista, balse ay ka ilaaliyaan in ay la kulmaan qoysaska iyo saaxiibada inta ay su'aalo waydiintu socoto.

"Bilowga marka la soo xiro, muddo mucayan ah ayaa maxaabiista waxaa laga mamnuucaa in ay arkaan qoysaskooda, waxaana gabi ahaanba laga gooyaa caalamka dibadda," ayuu Cali u sheegay Sabahi.

Dambi baarayaasha waxa ay ururiyaan macluumaad dheeri ah iyagoo adeegsanaya saraakiil dhar-cad ah oo iska dhiga maxaabiis, ayuu yiri.

Marka baarista ay dhamaato, maxaabiista waxaa loo diraa xabsiga dhexe ee u dhow Maxkamadda Banaadir si ay xukun u sugaan, ayuu yiri.
--------
xigasho: http://sabahionline.com/so/articles/hoa/articles/features/2012/12/18/feature-01

No comments: