Wednesday, February 13, 2013

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Gudoomiyayaasha Labada Gole Ee Somaliland U Gudbiyay Sir Xaga Amaanka Ah Digniina Siiyay

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa madaxda Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada ku wargeliyey xogo ay heleen oo sheegaya khataro Somaliland ku soo fool leh, Sidaa darteedna, waxa uu ku booriyey inay la yimaadaan feejignaan iyo digtoonaan fara badan. Ma jiro war amuurtaa ku saabsan oo kasoo baxay Xukuumada. Hase-yeeshee, xogo Wargeyska Yool ka helay ilo ku dhowdhow Madaxtooyada, waxa kulan Madaxweyne-ku-xigeenku Md. Saylici uu Shalay Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Shir-gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiilada] kula socod siiyey inay xadideen dhaq-dhaqaaqa iyo isu-socodka. Sidaa awgeedna gelitaanka Qasriga Madaxtooyadu aanu sidii hore ahaan doonin, oo aad loo kaantarooli doono.

Tallaabadan, ayaa sida iluhu tibaaxeen waxa uu Madaxweyne-ku-xigeenku ku micneeyey in aanay ahayn mid ka dhalatay arrimo Siyaasadeed, balse ay tahay tallaabo ku xidhiidhsan feejignaan lagaga gaashaamanayo khataro la sheegay in lala maagan yahay Madaxda, Siyaasiyiinta iyo xarumaha waa-weyn in lagu bar-tilmaameedsado. Waxa kale oo xoguhu intaa ku dareen in Madaxweyne-ku-xigeenku amray xubnahan Golaha Wasiirada inay gaadiidkooda kusoo xereeyaan gudaha Qasriga Madaxtooyada, isla markaana kadib markay hawlahooda dhamaystaan ka fuulaan gudaha Madaxtooyada.

Dhaq-dhaqaaqa iyo jawigii qasriga Madaxtooyada ayaa maalmihii u dambeeyay ahaa mid ka duwan sidii hore looga bartay, waxana la keenay ilaalo iyo Ciidamo xooggan iyo sidii kale qalabka lagula socdo aaladaha qarxa. Geesta kale, wararka ku saabsan khataraha Madaxweyne-ku-xigeenku uga digay ama ku wargeliyey Madaxda Qaranka, ayaa sidoo kale kusoo beegmay iyadoo Maskaxda iyo dhegaha bulshada reer Somaliland ay weli kasii guuxayaan wararkii naxdinta lahaa ee dawladaha Ingiriiska iyo Mareykanku kaga webiyeen Nabadgelyada Somaliland, isla markaana uga digeen muwaadiniintooda ku sugan gudaha Somaliland iyo kuwa kale ku talo jira inay u safraan. Waa markii ugu horeysay ee ay xaaladan oo kale la soo deristo Somaliland dhowr iyo labaatankii Sanno ee ay madax-bannaanida haysatay. Sidoo kalena ma muuqdaan dhaq-dhaqaaq iyo dedaalo suuragelin kara in goĆ¢€™aano deg-deg ah oo ka duwan kuwaa dawladahaasi kasoo saareen Somaliland.

No comments: