Friday, February 8, 2013

Beesha Caalamku waxa ay danaha dalka Somaliland kala xaajoon karaan kaliya Madaxwaynaha Shacbigu sida dimuquraadiga ah u doortay H.E. Ahmed Mohamed Mohamoud 'Siilaanyo' iyo xukuumada uu hogaamiyo

Hargeysa - Ururrada madaxbannaan ee difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland oo ka kooban 27 urur waddani, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay ixtiraamaan jiritaanka Somaliland oo ay ka taliso dawlad uu hoggaamiyo madaxweyne si xor ah oo dimuquraadi ah shacabku u doorteen, kaas oo isagu si buuxda uga wakiil ah dhamaan danaha beesha caalamku ka leedahay dalka Somaliland.
Suleiman Ismail Bolaleh National Speaker Somaliland Human Rights Defenders
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka ururrada madaxbannaan ee difaacayaasha xuquuqda aadamaha Somaliland Mr. Saleebaan Ismaaciil Bullaale oo lagu socodsiiyey madaxda dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Xoghayaha Arrimaha Dibadda dawladda Ingiriiska Mr. William Hague, kuna wargeliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Dalka Maraykanka, waxa uu ku sheegay in Somaliland tahay dal ay ka jirto nabadgelyo buuxdaa oo shacabkiisu ku naaloonayo iyadoo amaanka dalkuna si buuxda gacanta ugu jiro dawladdiisa oo haysta taageerada shacabka, isla markaana digniintii khataraha amaandaro ee dhawaan dawladda Ingiriisku ku sheegtay in ay ka jirto dalka Somaliland ay u arkaan fariin aan waafaqsanayn xaqiiqda taal dalka balse tahay mid lagu rabo in ay faa'iido u noqoto kooxaha argagixisada caalamiga ah oo Somaliland nidaamkeeda dimuquraadiga ah dagaal kula jira.

Waxa kaloo ururradaasi soo saareen go’aan ay sheegeen kadib markay heleen caddaymo ay ku qanceen in ay kala noqdeen taageeradii dhinaca xuquuqda aadamiga ah ee ay u fidinayeen haweennay u xidhan dacwad uu ku soo oogay wasiir ka tirsan xukuumadda oo la sheegay inay farriimo meel-ka-dhac ah ugu dirtay telefoonkiisa. Warsaxaafadeedka maanta ay ku qabteen Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland wuxuu u dhignaa sida tan:

Ugu horreyn, ururrada xuquuqda aadamuhu waxa baaqa ay direen beesha caalamka uu u qornaa sidan:

“Mudane Wasiir/Xoghaye, sidaad adiguba xogogaalka u tahay dimoqraadiyadda ka jirta dalkayaga Somaliland waxay tusaale fiican u tahay guud ahaan qaaradda Afrika iyo dunida Islaamka, waxaanna dalka Somaliland iyo dawladdiisa sida xorta ah uu u soo doortay shacbigu kaalin wax-ku-ool ah ka qaadataa la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah, budhcad-badeedda iyo dambiyada xuduudaha dalalka isaga tallaaba, iyadoo wada-shaqayn dhow kala leh sugidda ammaanka manadaqadda Geeska Afrika dalalka dariska ah sida Ethiopia, Jabuuti iyo Yemen.

Afarta milyan iyo badhka (4.5 million) muwaaddin ee shacbiga Somaliland waxay diyaar u yihiin inay difaacaan oo ilaashadaan dastuurkooda dimqoraadiga ah iyo hay’adaha duwiliga ah ee ay sida xorta ah u doorteen, waxaanay meel uga soo wada jeedaan oo diideen inay qaataan afkaarta kuwa neceb dimoqraadiyadda iyo ku dhaqankeeda.

Mudane Wasiir iyo madaxda sare ee qoraalkan aannu la socodsiinayba, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Rayidka ah ee Dimoqraadiyad-doonka Somaliland waxay la socodsiinayaan cidda danaha iyo masaaliixda dalka Somaliland lagala hadli karo ee go’aanka kama dambaysta ah iska lehi inay tahay keliya Madaxwaynaha aannu sida dimoqraadiga ah u dooranay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo dawladda uu hoggaamiyo.  Waxaannu bulashada caalamka la socodsiinaynaa in aayaha iyo masiirka dalka Somaliland iyo shacabkiisa aan marnaba lagala hadli karin xukuumadda dalka adduunka ugu liita ee Soomaaliya.

Dalkayagu waa mid madaxbannaan oo ay aqoonsadeen 36 dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay markii aannu madaxbannaanida ka qaadannay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960kii, waxaanuna dib ula soo noqonay  madaxbanaanidii dalkayaga 18 May 1991-kii kadib midowgii aannu la galay dalka Somaliya 1 July 1960.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Rayidka ah ee Dimoqraadiyad-doonka Somaliland waxay aad uga xun yihiin dhawaaqa dhawaan ka soo yeedhay Wasaaradda Arimaha Dibadda Ingiriiska oo ka dayrinayey dhinaca ammaanka Somaliland, kaas oo dhab ahaan aannu u aragno mid aan xaqiiqda taal Somalilnad ku dhisnayn, balse aanu u aragno mid lagu rabo in uu faa'iido u noqdo kooxaha argagixisada caalamiga ah oo Somaliland nidaamkeeda dimuquraadiga ah dagaal kula jira, inkastoo xukuumada iyo shacabka Somaliland  dawladdayada uu dhawaaqa Ingiriisku u kordhiyay digniin iyo feejignaan dheeraad ah.

Bulshada caalamka, gaar ahaan dalka Boqortooyada Ingiriiska waxaannu ku boorrinaynaa inuu sii wado taageeradii wax-ku-oolka ahayd ee uu dalkayaga Somaliland siinayey, waxaanuna u sheegaynaa in shacbiga Somaliland si buuxda ugu kalsoon yahay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxwaynahayga Md. Axamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).” ayaa lagu yadhi shirkaasi jaraa'id

Geesta kale, war-murtiyeed ay ururrada madaxbannaan ee xuquuqda aadamaha Somaliland soo saareen ayey ku sheegeen inay joojiyeen gebi ahaanba taageeradii dhinaca xuquuqda aadamiga ee ay siinayeen haweenay lagu magacaabo Nadra Maxamed Jaamac oo ku eedaysan in farriimo cay ah in ay uga dirtay telefoonka gacanta Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan, iyagoo sheegay inay markii hore ugu hiiliyeen xogo ay ka heleen iyada iyo ehelkeeda, balse baadhitaan ay sameeyeen kadib ku ogaadeen caddaymo ka duwan xogtaa hore, sidaa darteedna go’aansadeen inay joojiyaan taageeradii haweenaydaas.

“Nasiib-wanaag Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga oo kaashanaya codsiyo ay ka heleen hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga oo fadhigoodu yahay magaalada London ayaa ka helay shirkadda Isgaadhsiinta telefoonka ee haweenaydaasi isticmaalaysay nuqullada qoraallo farriimo ah oo ay Nadra Maxamed Jaamac lambakra telefoonkeeda gacanta uga dirtay lambarrada telefoonada masuuliyiinta ugu sarraysa xukuumada Somaliland qaarkood.

Nuxurka farriimahaasi aannu helnay ayaa nagu khasbaya in Difaacayaasha Xuquuqda Aadamigu gebi ahaanba kala noqdaan Nadra Maxamed Jamac taageeradii dhinaca xuquuqda aadamaha ahayd ee aannu siinaynay, iyadoo markii aanu cadaymaha cusub helay aanu si madaxbannaan ugu booqannay Saldhigga Dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa oo aannu ka warraysanay inay iyadu dirtay farriimahaas oo tiro badan, socdayna dabayaaqadii sannadkii hore ee 2012 ilaa bilowgii sannadkan cusub ee 2013 waxyar uun ka hor intii aan la xidhin iyadoo Nadra Maxamed Jaamac qirtay inay iyadu dirtay, iyadoo ka cadhootay shaqo ay siin waayeen KULMIYE oo ay ugu balanqaadeen iyo ninkeeda oo ay ka fureen sida sheegtay.

Fariimaha ay dirtay Nadra Maxamed Jaamac oo gebi ahaan lid ku ah diinta Islaamka, dhaqanka suubban iyo mabaadi’da xuquuqda aadamiga iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee uu dammaanad qaaday dastuurka Somaliland, waxay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamigu u aqoonsadeen farriimahaas qaar aan loo baahin karin shacbiga muslimka ah ee reer Somaliland.

Guddigu waxay ugu baaqayaan hay’adaha garsoorka Somaliland inay xaqiijiyaan in Nadra Maxamed Jaamac helayso garsoor dhex ah oo caddaalad ah iyo adeegyada qaanuun ee sharcigu u ogol yahay oo ay ku jirto booqashada ehelkeeda iyo la kulanka qareennadeeda, waxaanay guddigu si dhow ula soconayaan dacwada iyo geeddi-socodka dhagaysiga dacwadda Nadra Maxamed Jaamac si ay u hubiyaan inay helayso garsoor dhex ah oo caddaalad ku salaysan,” ayaa lagu yidhi qoraalkaas uu ku saxeexnaa Afhayeenka Ururrada madaxbannaan ee xuquuqda aadamaha Somaliland Mr. Saleebaan Ismaaciil Bullaale oo Hargeysa laga soo saaray xalay.

Dhinaca Kale Shirkan Jaraaid waxa lagu sheegay in xafiiska difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland ee HornWatch uu helay su'aalo uga yimi qaar ka tirsan safaaradaha reer galbeedka ee ku yaal dalalka jaarka kuwaasi oo ay lagu hubinayo wararka sheegaya nidaamka duwaliga ahaa in aanu ka shaqaynaynin xaafado ka mid ah caasimada Hargeysa kadib markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadii dawladaha hoose ee dalka ka qabsoontay. Waxana ay hoosta ka xariiqeen Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland in fariimahani salka ku hayaan khilaafkii ka dhashay natiijadii doorashada caasimada oo ururo iyo dadka qaar aanay ku qancin, waxan ay sheegeen in khilaafkaasi doorashadu uu cadowga Somaliland u yahay waslad dahab ah iyadoo ay fursad fiicana ay u tahay kooxaha argagaixisada caalamiga ah.

Waxana ay ugu baaqeen Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ururada iyo dadka aan ku qancin natiijadaasi uu khilaafku ka dhashay ee doorashada in ay ka hor mariyaan danta iyo maslaxada guud ee qaranka iyadoo xiligan uu dalka Somaliland marayo wakhti aad u xaasaasi ah oo lagaga gudbi karo wadajir iyo isku duubnaan.

Gabogabadii Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ugu baaqeen xukuumada Somaliland in ay dib u eegto siyaasadeeda ku wajahan socdaalka iyagoo ku taliyay in dadka boqolaalka kun ah ee ka soo qaxay dalka Soomaaliya ay khatar u keeni karaan nabadgalyada iyo amaanka Somaliland maadaama oo dadkani ka soo qaxeen dal dagaalada iyo dambiyada abaabulan ee kooxaha argagaxisada ahi ka wadaan ay ka mid yihiin nolol maalmeedka, iyadoo xukuumadooduna ay diidan tahay xaqa madaxbanaanida dal ahaaneed ee Qaranka Somaliland.

Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Mr. Suleiman Ismail Bolaleh ayaa ugu baaqay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, Daladaha iyo Isku-xidhada heer qaran in ay u ku soo biiraan Ololaha Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland, Difaacida Distoorka iyo HayƔdaha Dimuquraadiga ah ee Somaliland, iyagoo bulshada caalamka u muujinaya sida ay ugu kalsoon yihiin ee ay u taageersan yihiin xukuumada ay Afarta iyo Badhka muwaadin ee Somaliland u doorteen hogaaminta dalka Somaliland.

HornWatch waxay u diyaarisay Petitions Online ah guud ahaan shacabka Somaliland kuwa ku sugan dalka iyo qurbajoogaba petitionadaasi oo ka ugu horeeyaa diyaar noqon doono bari 8 Feb. 2013 waxana uu bartilmaameedkiisu yahay Xoghayaha Arimaha Dibada Ingiriiska oo loogu muujinayo sida bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo shacbiguba u taageersan yahay dawlada madaxwaynaha lagu doortay doorashada dimuquraadiga ah ee xorta ah.

Stay connected the updates in this regards

No comments: