Tuesday, January 22, 2013

WARGALIN MUHIIM AH: Jaaliyadda Djibouti ee Ottawa, Canada oo baroordiiq u sameyneysa marxuun Jaamac Maxamuud Xayd, January 27. 2013


Waxaa dhamaan la ogeysiinayaa Jaaliyadda Djibouti ee Ottawa iney ka so qeyb
galaan BAROORDIIQ loo sameyn doono ALLE ha u naxariistee Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee Djibouti Marxuun Jaamac Maxamuud Xayd. Jaamac Qabriigiisa ILAAHAY ha u nuuro oo janooyinkiisa ha galiyo, wuxuu ahaa shaqsi xushmad iyo maamuus weyn ku lahaa mujtamaciisa Jamhuuriyada Djibouti, guulo wax ku ool ahna u soo hooyey dalkiisa iyo shacabweynaha reer Djibouti. Madaasha baroordiiqda waxaa lagu soo bandhigi doona taariikh nololeedka Jaamac Maxamuud Xayd iyo kaalintii wayneyd ee uu ka qaatey horumarka dhaqaale iyo bulsho ee dalka Djibouti. Waxa kale oo Umadda Muslimiinta ah ee Munaasibada ka soo qaybgalaysaa u ducayn doonaan marxuunka in EEBE u naxariisto, qabriga u waasiciyo, janooyinkiisana galiyo. aaaaaaaaaaaaaaamiiiin aaaaaaaaamiiiin 

Location: Ottawa City Hall, 110 Laurier Avenue West

Time: Sunday, January 27, 2013 at 5pm

Contact Person: Abdiqadir Sonkorleh : (613)600-9058

No comments: